Sababaha keenay ee ciidanka Uganda ka baxo Soomaaliya oo la shaaciyay

0
Monday June 27, 2016 - 11:53:13 in Wararka by
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha keenay ee ciidanka Uganda ka baxo Soomaaliya oo la shaaciyay

    Dowladda Uganda oo ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ayaa ku dhawaaqday in sanadka 2017-ka isaga baxeyso dalka Soomaaliya. Haddaba weriye ka socda BBC-da oo tegay degmada Baraawe iyo saldhigyo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaano ka tirsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda oo ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ayaa ku dhawaaqday in sanadka 2017-ka isaga baxeyso dalka Soomaaliya. Haddaba weriye ka socda BBC-da oo tegay degmada Baraawe iyo saldhigyo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa socdaalkeeda waxay uga hadashay xaaladda ciidamada Uganda.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ka socda dalka Uganda oo ka howlgala gobolka Sh/hoose ayaa ka warbixiyay xaaladda ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ciidamada ay ku jiraan feejignaan dheeraad ah.

"Run ahaantii Al-Shabaab dadka ayay ku dhex jiraan, wayna nagu adag tahay sidii aan uga soo saari laheen” ayuu yiri saddex xiddigle Batrick Obonyo oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika.

Waxaa kale oo uu sheegay sarkaalkaan in ciidamadooda AMISOM aanay qaadan wax mushaar ah muddo sanad iyo bar ah, iyagoo dalkooda ku qaata lacagaha la siiyo.

Inkasta oo weli Midowga Afrika aanu aqbalin codsiga Uganda ku dooneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, ayaa hadana waxaa muuqata khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya hoggaanka AMISOM, kaasi oo keenay dib u dhacyo badan iyo habac ku yimid qorshihii ay Soomaaliya ka lahaayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip