Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo

0
Monday June 27, 2016 - 11:19:51 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo

    Dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Goof-gaduud Shabeellow oo galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo illaa 30-KM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Goof-gaduud Shabeellow oo galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo illaa 30-KM.

Sida ay sheegayaan wararka la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa ka dambeysay markii ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaankaas.

Dadka deegaanka Goof-gaduud ayaa sheegay inay ka war heleen Ciidamada oo ka guuraya saldhigooda, isla markaana dib ugu laabtay Baydhabo.

Lama oga sababaha ka dambeeya ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee deegaankaas, waxaana ka bixitaankooda ku soo aaday, markii magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyay shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Ciidamada ka guuray deegaanka Goof-gaduud ayaa dib ugu laabtay saldhigyo ku yaalla magaalada Baydhabo, mana jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM.

Deegaanka Goof-gaduud oo ah deegaan Istiraatiiji ah ayaa waxaa uu isku xiraa degmooyin ka tirsan Gobolka Baay, sida Qansax-Dheere, Ufurow iyo Diinsoor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip