Ciidanka Xoogga Dalka iyo Amisom oo isaga soo baxay Deegaanka Goofgaduud & Shabaab oo la wareegay

0
Monday June 27, 2016 - 10:48:01 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Amisom oo isaga soo baxay Deegaanka Goofgaduud & Shabaab oo la wareegay

    Ciidanka Xoogga Dalka oo ay wehlinayan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika,ayaa waxay saacadihii dambe ee Axadii isaga soo baxeen Deegaanka Goofgaduud, oo 26-km u jirta Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay wehlinayan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika,ayaa waxay saacadihii dambe ee Axadii isaga soo baxeen Deegaanka Goofgaduud, oo 26-km u jirta Magaalada Baydhabo.

Labada ciidan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa soo galay Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay ka soo guureen fariisimahoodii Deegaanka Goofgaduud, oo dadka qaarkii ay u garanayan (Goofgaduud Shabellow).

Mintidiinta Ururka Al Shabaab oo aad mooddo inayba ka warqabeen dhaq dhaqaaqa Ciidamada Huwanta, ayaa durbaba la wareegay gacan ku haynta Goofgaduud.

Dadka reer Goofgaduud, ayaa waxay kuu sheegayan in Shabaabku ay la wareegen saldhigii Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo fariisimihii Ciidanka Militariga Somaliya.

Shabaabku waxay kaloo la wareegen Xaruntii Maamulka Deegaanka, waana markii ugu horeysay oo halkaasi ay dib ugu soo laabtaan muddo saddex sano ka badan.

Wax badan lagama garanayo ujeedada ka dambeysa ka soo bixista Ciidamada Huwanta ee Deegaanka Goofgaduud, mana jirto war rasmi ah oo ka soo kala baxay Talisyada Xoogga Dalka iyo Amisom.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay wadeen weeraro abaabulan, oo ay ku qabsanayan xeryaha Ciidanka Amisom ku leeyihiin Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya. Taasi ayaana loo maleynaya inay salka ku hayso ka soo bixistooda Goofgaduud.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip