Salaad C. Jeelle "Afartii sano ee Xasan Sheekh xukunka hayay hal nooc ayay weerarada u dhacayeen"

0
Monday June 27, 2016 - 10:40:24 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaad C. Jeelle "Afartii sano ee Xasan Sheekh xukunka hayay hal nooc ayay weerarada u dhacayeen"

    Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaasheegay in weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen magaalada Muqdisho afartii sano ee u dambeeyay ay u dhacayeen hal nuuc ama hal taatiko, isagoo ku dhaliilay laamaha amniga in aanay wax ka baran xeeladaha ay adeegsadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaasheegay in weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen magaalada Muqdisho afartii sano ee u dambeeyay ay u dhacayeen hal nuuc ama hal taatiko, isagoo ku dhaliilay laamaha amniga in aanay wax ka baran xeeladaha ay adeegsadaan Argagixisada.

Salaad Cali Jeelle oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu ku sii jeeday Hotelka Naasa-Hablood, xilliga uu weerarka dhacayay, isla markaana uu Afur ku lahaa.

"Runtii aniga meesha ayaa Afur ku lahaa, anoo u sii socda baa qarax ka dhacay, waxaa moodaa in wada shaqeyni jirto, in Amni la sugo iska daayee, waxaa meesha ka muuqata in gacan weyn ay helayaan argagixisada, waana nasiib darro”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh weerarada Al-Shabaab ay geysanayeen ay ahaayeen hal nuuc, isla markaana aanay jirin cid fashilay.

Salaad


"Maalintii Xasan Sheekh xukunka qabsaday illaa maanta baabuur qarax sida ayaa hotelada iridkooda lagu qarxinaya, mid kale oo ciidan wata ayaa ka daba galayay meesha la qarxiyay, hal nuuc ayuu howl galka ku socdaa, cid fashilineysa ama ka hortageysa ma lahan, taatikadii shalay hadii lagugu dilay ayaa maalin kale lagugu dilaa adduunka ay ka jirto ma lahan”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Waxaa uu sheegay in inta badan weerarada marka ay dhacayaan ay u muuqato in kooxda weerarka qaadeysa inay xog buuxa heystaan, isla markaana gudaha dowladda ay ka helayaan sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ilaaliso hantida shacabka iyo naftooda oo uu tilmaamay inay tahay waajib qaran oo ay qaaday

"Shacabkaada in maalin walba la gumaado, oo aad dhahdo xil ayaa u hayaa waa nasiib darro, ama ka muuqo ama ka maqnaw, maxaa yeelay waxaa waajib qaran ka saaran yahay shacabka naftiisa iyo hantidiisa”ayuu mar kale yiri Salaad Cali Jeelle.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Hotelka Naasa-Hablood 1 oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Km4, waana Hotelkii labaad oo bil gudahood Al-Shabaab weerar ku qaado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip