Nin oday ahaa oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

0
Monday June 27, 2016 - 09:35:00 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin oday ahaa oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

    Allaha u naxariistee Saciid Xeyle oo xubin ka ahaa Golaha Deegaanka Waqooyiga Maagaalada Gaalkacyo, ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee Saciid Xeyle oo xubin ka ahaa Golaha Deegaanka Waqooyiga Maagaalada Gaalkacyo, ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay Magaaladaasi.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxaa la sheegay inay ku toogteen afaafka hore ee hoygiisa, wax yar uun ka dib markii laga soo dareeray Salaaddii Maqrib.

Marxuumka oo dilkiisu uu ka dhacay xaafadda Garsoor oo Puntland ay ka arrimiso, ayaa la soo sheegayaa in raggii dilay ay ka baxsadeen goobtaasi.

Gudoomiye ku Xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, Maxamed Axmed Abshir, ayaa waxaa uu xaqiijiyay dilka Saciid Xayle loogu gaystay xaafadda Garsoor.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa bulshada ku dhaqan Xarunta Gobolka Mudug ka codsaday in ay soo sheegan kuwa ku dhex jira, isla-markaana dilalka ka wada Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in dilkan aanu saamayn ku yeelan doonin shaqadii Golaha Deegaanka, isla-markaana ay shaqadu noqon doonto mid sii socota.

Bishan soon-qaad, ayaa horey waxaa Waqooyiga Gaalkacyo loogu dilay Isu duwihii Gobolka Mudug ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Puntland, C/laahi Maxamed Faarax iyo Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland, Dhudi Yuusuf.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip