WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA JUUN 2016-KA

0
Monday June 27, 2016 - 09:18:36 in Wararka by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA JUUN 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDII XILDHIBAAN BURCI MAXAMED XAMZA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDII XILDHIBAAN BURCI MAXAMED XAMZA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru Dowlahii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka ee Dowladda Federa alka Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii waxashnimo ee argagixisada ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood.

"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, iyo keygaba, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehal adii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu shahiiday Marxuum Burci Maxamed Xamza. Waxaa lagu xu suusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa. Waxaa uu ahaa nin arrimaha degaanka ee Soomaaliya iyo sidii loo dhowri lahaa dadaal gaar ah u galey, isla markaana magaca Soomaaliya ku darey dalalka sida weyn looga qiimeeyo arrimaha degaanka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada waqtiga badan geliyay dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

R/WASAARE CUMAR OO CAMBAAREEYEY FALKII ARGAGIXISO EE HOTEL NAASAHABLOOD1

Ra’iisul Wasaaraxa Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii iyo qaraabadii muwaadiniintii lagu laayay qaraxii daraad ka dhacay Muqdisho, asagoo dhaleeceeyay falkaasna ku tilmamay mid arxan daro ah.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii muwadiintii Soomaaliyeed ee la gu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehellada Wasiiru dawlihii Bii’ada ee Xafiiskeyga oo weerarkaasi naftiisa ku waayeey. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsadey Hotel Na asaHablood1 uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hannaanka loogu diy aar garoobayo dalka in ay ka qabsoomaan doorashooyin.

"Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiij inayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojina yno amniga guud ahaan,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dam bi ka galeen xili lagu guda jiro bisha Ramadaan.

ERGEYGA QARAMADA MIDOOBAY OO CAMBAAREEYAY WEERARKI KA DHACAY HOTELKA NAASO HABLOD EE MUQDISHO

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soom aaliya Michael Keating ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarki daraad lala beegsaday Hotel Naso Hablod oo ku yaal isgoyska mashquulka badan ee KM4 ee Koonfurta Muqdisho, taas oo sida ay goobjoogayaashu ku warameen, ay ku dhinteen ugu yaraan 25 qofood, kuna dhaawacmeen dad intaas ka badan.

Mudane. Burci Maxamed Xamza, Wasiiru Dowlihi Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, wuxuu kamid ahaa dadki uu haleelay weerarka. "Waan ka naxay weerarkan naxariis darrada ah ee galaaftay nolosha dad badan. Geerida Wasiir Xamza waa mid aad loola tiiraanyo odo. Wuxuu si qiiro leh ugu olaolayn jiray arrimaha deegaanka/bay’adda dabiiciga ah ee Soomaali yeed wuxuuna ka dagaalami jiray xaalufinta deegaanka” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

Qof ismiidaamiyay ayaa baabuur walxaha qarxa saaranyihiin ku qarxiyay irridda laga soo galo hotelka, wax yar kahor xilligi afurka. Kuwi weerarka soo qaaday marki ay gudaha galeen ayay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furan dadki amrtida ahaa, taas oo sababtay kala yaac iyo burbur.

AlShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarki hotel Naso Hablod, hotelkaas oo ay inta badan adeegsadaan siyaasiyiin iyo dalxiisayaal. Dadki geeriyooday waxaa kamid ahaa marti, ilaa ladi hotelka iyo dad waddada marayay oo joogay hoteelka agagaarihiisa.

Ergeyga Gaarka ah Keating wuxuu yiri dhacdadan waxay na xusuusinaysaa xeeladaha nafla caariga ah ee ay adeegsadaan mintidiinta xagjirka ah. "Falkan ugu dambeeyay ee waxashnimada leh wuxuu muujinayaa nacaybka AlShabaab u qabaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, tixgelin la’aantooda nolosha dadka Soomaaliyeed, iyo karti la’aantooda ku aaddan inay kaq aybgalaan siyaasadda”.

Weerarku wuxuu dhacay sadex todobaad kadib marki fal weerar ah lala beegsaday hoteel Ambassador 1di Juun, halkaas oo 11 qofood ay ku dhinteen.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay. Waxaan u rajeynayaa dadki ku dhaawacmay inay si degdeg ah uga bogsadaan. Qarama da Midoobay iyo saaxiibadeenuba waxaan sii xoojinaynaa dadaladeena aan ku taageerayno dadka Soomaaliyeed sidi ay ku heli lahaayeen nabad, amni iyo xasilooni”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

BOOLISKA TALYAANIGA OO U XIREY MUWAADIN SOOMAALIYEED SABABO LA XIRIIRA TAHRIIBINTA

Booliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga u taxaabay muwaadin Soomaali ah magaalada Ro me arrimo la xiriira soo gelinta dalka Talyaaniga dad aan u dhalan wadamada Midowga Yurub iyo dalalka kale ee reer Yurub.

Xeer ilaaliyaasha ka hortagga argagaxisada oo saldhigeedu yahay magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Brescia ayaa amar lagu xirayo ninkan oo aan magaciisa la sheegin soo saar ay.Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu dukumintiyo been abuur ah uu siiyay dad faro badan kuwaa soo soo galay dalka Talyaaniga.

Dadka lagu eedeeyay in uu ninkan soo geliyay dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka mid ah labo ruux oo u dhalatay dalka Siiriya kuwaasoo la qabtay sanadkii hore. Labadan nin ayaa lagu qabtay magaalada Waqooyi ee Bergamo iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Isl aamiga ah ee IS.Raggan ayaa doonayay markii la qabanayay inay diyaarad u raacaan Malta.

Wadanka Talyaaniga ayaa waxaa dhibaatoku haya dadka soo galootiga ah iyadoo kumana an ruux ay sanad walba ka soo gudbaan badda Mediterranenka ayaa sidoo kale waxaa dalkaas ta ga boqolaal ruux oo wata dukumintiyo been abuur ah.

WASAARADA AMNIGA OO SHAACISAY TIRADA DADKII KU DHINTAY WEERARKII HOTEL NAASAHABLOOD

Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya ayaa shaacisay tirada dadkii ku dhintay weerarkii daraad galab Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasahablood 1 ee ku yaala Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri oo tagay Hotelka ayaa sux ufiyiinta waxa uu u sheegay inta ay la eeg tahay tirada dadkii ku dhintay Hotelka.

Waxa uu sheegay xogta la haayay ilaa habeen hore inay sheegaysay geerida 11 ruux, balse shalay aroortii saddex ruux oo meyd ah laga soo saaray burburka dhismaha Hotelka, halka labo ruux oo kale oo meyd ahna Hotelka laga soo bixiyay.Tirada guud ee dadka dhintay ayuu afhayeen ka ku sheegay inay gaarayaan 16 (Lix iyo Toban ruux) oo uusan u kala saarin shacab iyo askari ama masuul Dowladeed.

Afhayeenka ayaa sheegay Khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaasi inuu yahay 20 Baa buur oo taalay Banaanka hotelka inay ku bur bureen weerarkaasi.

C/kaamil Macalin Shukri ayaa Suxufiyiinta tusay meydadka saddex nin oo uu sheegay inay yihiin kuwii soo weeraray Hotelka Naasahablood kuwaasi oo banaanka Hotelka yaalay meyd kooda.

Dadka Hotelka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaa raha Somaliya ee u qaabilsanaa dhanka Bay’ada Burci Maxamed

WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO MEYDKIISA LAGA HELAY BURBURKA HOTEL NAASAHABLOOD

Wasiir ka tirsan Xukuumadd Soomaaliya ayaa goor danbe la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii Naasahablood 1 ee magaalada Muqdisho.Wasiiru dowlaha Arrimaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Arrimaha Bii’ada Burci Maxamed Xamza ayaa ku geeriyooday weerarka hotelka lagu qaaday sida wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay xaqiijiyeen.

Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray tacsi uu u diraaya burci Maxamed Xamza oo ku dhintay weerarkii habeen hore. Waxaa kaloo geerida Burci tacsi ka diray dad kala duwan.

Burci Maxamed Xamza ayaa ahaa aqoonyahan muddo badan ku soo jiray dowladda Soo maliya isagoo xildhibaan ka soo noqday dowladii Carte lagu dhisay.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inaysan jirin cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo wax ku noqday weerarka hotel Naasahablood.

Billado la guddoonsiiyay Ciidamada Qaramada Midoobe ka joogga Magaalada Muqdisho

Ciidamada Qaramada Midoobe ka joogga Magaalada Muqdisho, ayaa Axadii u dabaaldegay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay joogitaankooda Somaliya.

Ciidamadan oo ka socda dalka Uganda, ayay hawshoodu tahay ilaalinta shaqaalaha Qaramada Midoobe ee rayidka ah iyo xerooyinkooda ku ya ala Somaliya.

Munaasabad lagu qabtay Xarunta UNSOM ku leedahay Xarunta Xalane oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qaybgalay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, Ku Xigeenka gaarka ah ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Lydia Wanyoto iyo Ku Simaha Taliyaha Ciidamada Amis om, Major General Nakibus Lakara.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya oo ka hadlay madasha munaasabadda, ayaa am maanay shaqada Ciidamadan, isagoona muujiyay in uu ku kalsoon yahay hawlahooda shqo.Wakiilka, ayaa sidoo kale sheegay in uu u amba bixi doono Magaalada Kampala ee Caasima dda Uganda, si uu Madaxweyne Yoweri Museveni ugu sheego shaqada wanaagsan, ay ka hayaan Somaliya.

"Waxaan qorsheeynayaa in aan aado Kampala oo aan u sheego Madaxweynaha Uganda, Taliyaha Ciidamada, siyaasiinta iyo madaxda sidaaad muhiim noogu tihiin aniga oo ugu mahad celinaya adeegga aad inoo haysaan. Aad ayaad ugu mahadsan tihiin shaqadiina wanaagsan.” Ayuu yiri Michael Keating.

Amb. Keating, ayaa billad sharaf iyo shahaadooyin guddoonsiinayay Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobe, sababo ku aadan waxa uu ugu yeeray shaqo hufnaanta ay la yimaadeen.

KENYA: ASKARI BOOLIS AH OO LAGU DILAY XAAFADA ISLII, NAIROBI

Nin booliska Kenya ka tirsanaa ayaa shalay waxaa burcad ay ku dishay xaafada Islii ee Nayrobi Kenya kadib markii asagoon ka war heyn uu raac is yiri gaari ay afduubteen burcad ku hub eysnaa bastoolado.

Burcada ayaa waxay soo dhaceen baabuur caasi ah oo nooca matatu looga yaqaano Kenya ah ee dad weynaha qaada waddada Juja Rd.

Ninkaas oo gaaray darajada Saajinka ayaa waxaa lagu magacaabay C/Caziiz Xuseen wuxuu na ka tirsanaa xerada Eastleigh Airbase Chief Camp.

Dhacdadaa lagu dilay ninkaa booliska ahaa ayaa waxay gaar ahaan ka dhacday nawaaxiga St Teresa’s abbaare 11 barqonimo sida boolisku uu sheegay.

Biliiska ayaa sheegyay in sargaalkaa oo ka tirsanaa qeybta loo yaqaano AP ee booliska Ken ya oo burcadaasi 3 xabadood ay ku dhufteen inuu shaqada markaa mar u dhow bogay uuna doo nayay inuu gaarigaa u sii raaco dhanka gurigiisa.

Gaarigaa ayaa waxaa ilowareedyo sheegeen in burcadu kasoo dhacday dhanka xaafada Kariokor oo ah xaafad ay Islii isa saaran yihiin waxayna markii uu soo galay askarigaasi burcadu ku mashquulsanaayeen baarashada rakaabkii gaarigaa saarnaa intaa kadibna waxay ogaadeen inuu ninkaasi boolis ahaa walow uusan hubeysnayn markaas.

Nin daggan xaafada Islii ayaa sheegay in waqtigii fal dambiyeedku dhacayay uu ninka bool iska ahi xirnaa jaakad uu ka dul gashaday dareeska booliska arintaas oo dhalisay inay ninkaa gaariga dhexdiisa ku toogtaan dabadeedna ay gaarigii ka dageen lugna ay ku baxsadeen.

Biliiska ayaa xaqiijiyay in C/Caziiz Xuseen oo kasoo jeeday degmada Garissa ee gobolka Waqooyibari Kenya uusan hubeysnayn waqtigaa la dilaayay maadaama uusan shaqo kujirin.

Darawalkii gaarigaa ayaa sheegay in markii la toogtay askariga ay rakaabkii qeylo afka ku shubteen dabadeedna burcadii ay inta gaariga ka dageen ay cagaha wax ka dayeen.

MADAXWEYNAHA "SOOMAALIYA DAL AHAAN MA FASHILMIN, BALSE SIYAASADDA AYAA NAGA YARA XUMAATEY”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 26ka June ee sannadguuradii 56aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada waqooyi ay ka xorroobeen gumeysigii Britain.

Waxaa uu Madaxweynaha oo xaley ka qeybgaley xafladda 26ka June oo ka dhacdey Mu qdisho uu sheegay in halgameyaashii xorriyadda ay waddanka taariikh wanaagsan iyo midnimaba u horseedeen, balse khaladaad dhinaca maamulka dowliga oo dhacay ay dhaawaceen midnimadii iyo wadajirkii ummadda.

"Soomaaliya Dal ahaan ma fashilmin, ummad ahaan ma fashilmin, balse siyaasadda ayaa naga yara xumaatey, taasina waxay dhashey waxa aanu shalay ku suganahay. Weli waanu nool nahay, waxaana waajib inaga saaran inaan saxno khaladaadka dhacay si aan u soo celino ha ybadii iyo sharaftii ay Soomaaliya lahayd’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan gobollada waqooyi ay horay u muujiyeen Soomaali jaceyl iyo midnimo jaceyl, iyagoo wax walba ka hormariyey midnimada dalka.

"Walaalaheena gobollada waqooyi waxay kaalin weyn ka qaateen in midnimada ay dhalato, iyagoo weliba aan wax shuruud ah ku xirin. Waxay taasi muujineysaa heerka ay ka taagnaayeen inay arkaan Soomaali oo mid ah. Waan qiraynaa in khaladaad ay dhaceen, dhibaatana loo geystey xornimada kadib. Khaladaadkaasi waxaa sal u ahaa siyaasadda iyo nidaamka dowliga oo naga xumaaday. Waxaan mar kale diyaar u nahay inaan muujino garowshiyo, daweynta nabarada soo gaaray iyo inaan ka fogaano wax alaalee wixii khatar gelin kara wadajirkeena iyo wada noolaan shaheena’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda, iyadoo la hirgeliyay nidaam federaali ah oo xukunka lagu baahinayo oo loo arkey mid xal u noqon karta mashaakilka siyaasadeed ee dalka.

"Waa inaan dhisnaa tiirar adag oo wax ka tari kara mustaqbalka siyaasadda ee waddanke ena. Waa inaan iska ilaalinaa in mar kale aan ku dhacno khaladaadka aan horay u sameyney ee waddankeena burburka u horseeday. Midnimadii waqooyi iyo koonfuur dhaawac siyaasadeed ayaa soo gaarey, laakiin bulshada Soomaaliyeed oo dhan ayaa shalay u baahan in dib loo mideeyo maadaama dagaaladii sokeeye ay dhaliyeen isaaminaad darro iyo kalsooni xumo’’.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka shaqeeyaan horumarka, nabadda iyo midnimada dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Munaasabadda 26ka June awgeed waxaa uu shalay ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

AKHRISO: JADWALKA DOORASHADA SOOMAALIYA 2016 [LABADA AQAL EE 

BAARLAMANKA & MADAXWEYNAHA]

 

Qorshaha Hirgelinta iyo Jadwal Waqtiyeedka

24-ka June Dib u eegidda iyo dhamaystirka liiska 135-ka odey dhaqameed ee hadda jira. Madasha Hogaanka Qaranka (MHQ)

24-ka June Dhameeystirka, magacaabista iyo kudhawaaqidda Guddiyada doorasho ee heer Fede raal (GFHDD) iyo heer dowlad goboleed (GDGHDD) MHQ

24-ka June – 1-da July Magacaabista Gudiga Xalinta Khilaafaadka iyo Dhameeystirka hannaanka xallinta khilaafaadka MHQ

2629 – Ka June Tababarka guddiga GFHDD iyo GDGHDD IESG (UN)

30-ka June Guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ayaa billaabaya wacyigelinta dadweynaha ololaha doorashooyinka 2016.

8-da July Guddiyada SEITs ayaa laamaha fulinta dowlad goboleedyada federaalka ugu yeeraya inay murashaxiin u soo magacaabaan Aqalka Sare. `

8-da July Guddiga GDGHDD ayaa Odey Dhaqameedyada ugu yeeraya inay soo xulaan ergooyin ka doorashada. GDGHDD Soo gudbinta/magaacibadda murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Laamaha Fulinta ee Dowlad Goboleedyada

9-10-ka July: Guddiyada GDGHDD ayaa diwaangalinaya xubnaha murashaxiinta ee u tartamaya Aqalka Sare. GDGHDD

10-13-Ka July Odey dhaqameedyada waxay diyaarinayaan liiska ergooyinka cod bixiyeyaasha aya goo tix gelinaya kuraasta sida gaarka ah loogu asteeyay ee loo qoondeeyay haweenka iyadoo la raacayo habka ay ogolaatay Madasha Hogaanka Qaran (ugu yaraan 30% Aqalka Hoose). Oda yaasha Dhaqanka

10-ka July Dejinta habraac iyo arrimo farsamo (oo ay ka midyihiin shuruudaha murashaxmimada, diiwaangelinta murashaxiinta, xarumaha codbixinta, waraaqaha codeynta, kormeerka doorashada, wacyigelinta dadweynaha iyo ololaha).

14-15-ka July: Dhegeysiga khudbadha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare. Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka

15-ka July Kulanka Madasha Hogaanka Qaran ee lagu oggolaado:

• Liiska faah-faahsan ee 30% kuraasta qoondada haweenka •

Arrimaha kale ee la ogaado una baahan ka doodidda/go’aanka Madasha Hoggaanka Qaran. MHQ LUULYO (Ramadaan/ Ciid)

1-16ka July Soo xulidda ergooyinka doorashada Odayaasha Dhaqanka

16-ka July Soo gudbinta iyo hubinta liiska kama dambeeysta ah ee ergooyinka Odayaasha Dhaqanka Iyo GDGHDD

SIILAANYO: MIDOWGII SOMALILAND IYO SOMALIA WUXUU NOQDAY MADHALEYS AAN LA MAHADIN

Xaflada balaadhan oo loogu dabaal degayo sanad guurada 56-aad ee ka soo wareegtay mar kii calankii ugu horeeyey la saaray dhul soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtoo yada.

Munaasibad loogu dabaal degayey sanad guuradda 56-aad ee ka soo wareegtay markii gob oladda waqooyi ama Somaliland xornimadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, ayaa habeen hore lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay masuuliyiinta qaranka ugu saraysa, oo ka kala socda saddexda golle qaran, xukuumadda, guurtida, wakiilada, Asxaabta qaranka iyo marti sharaf ka kala socotay dalalka ay Somaliland saaxiibka iyo kuwa deriskaba, kuwaas oo damaashaad iyo taarii khdii Somaliland usoo martay halgankii la iskaga kicinayey gumaystaha Ingiriiska ah madasha lagu soobandhigay.

Waxa halkaa khudbado ka soo jeediyey xubno goobjoog u soo ahaa, isla markaana masuu liyiinka soo ahaa dawladii gumaysiga ee Ingiriiska, kana mid ahaayeen mudane Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) iyo Mudane Maxamuud Aadan Dheri.

Waxa kale oo halkaa laga soo jeediyey suugaan tiro badan oo ku qotonta munaasibada iyo taariikhdeeda, kana mid ahaayeen dadkii ka hadlay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) iyo Abwaan da’ yar oo la yidhaah Farxaan Ismaaciil Maal. Waxa kale oo halkaa lagu soo bandhi gay barmaamij ka waramaya taariikhda Somaliland markii gumaysta Ingiriisku soo galay 1987-1991kii markii lala soo noqday mar kale madaxbanaanida Somaliland.

Intaas ka dibna madxweynaha calanka Saaray ka dibna salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo khudbad dheer ka jeed iyey ayaa kaga hadlay marxaladii gumaysiga iyo maxmiyada Somaliland isagoo bogaadiyey axsa abtii u soo halgantay xornimamada hore, lana dagaalantay gumaystihii ingiriiska ee SNL, NUF, USP iyo dhaqdhaqaaqii SNM ee ka dambeeyey, kuwaas oo uu duco u diray intoodii dhimatay.

Madaxweynaha Siilaanyo ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland meel kasta oo ay jog aan munaasibadda 26 june awgeed, waxaanu ka sheekeeyey taariikhdii uu Ingiriisku gumaystay Somaliland, waxaanu yidhi "Dawladda Ingiriisku waxay soo cagadhigatay Carriga Somaliland 1887-kii, iyadoo aan xoog ku qabsan, balse ku timi heshiis ay la galeen beeldaajiyaashii iyo birma geydadii hormuudka u ahayd Bulshada Somaliland xiligaa.Somaliland ma ahayn dal toos loo guu maystay sida dalalka Africa badankooda, hase yeeshee, waxay ahayd maxmiyad ay ilaaliso ama maamusho ciiddeeda, boqortooyadii aan calankeeda cadceedu ka dhici jirin. In ka badan qarni ba dhkii ayaa laga joogaa maalintii Somaliland noqotay Jamhuuriyad Madaxbannaan oo leh Dawlad iyo Dal, la aqoonsan yahay.

Halgan qadhaadh iyo hayaan dheer oo loo soo galay xaqiijinta himilladii gobonnimo doonka, waxay Somaliland nasiib u yeelatay in ay ku guulaysato qarannimo buuxda, isla markaana noqoto dalkii 15-aad ee Qaaradda Africa qaatay madaxbannaani, taasoo cadaynaysa in aynu ka hanaqa ad horreynay badiba waddamada bariga iyo badhtamaha Africa, sida; Kenya, Uganda, Tanzania, Djibouti, Somalia, Eretria, Rwanda, Burundi, Central African Republic, Mozambique, Zambia iyo Malawi.

Waxa hambalyo mudan halyeyadii xasiliyey gobonnimadaa, waxaan si gaar ah u xusayaa Xisbiyadii Siyaasiga ahaa ee SNL, NUF, iyo USP oo door weyn ka qaatay.”

Madaxweynuhu isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi " Sidoo kale, waxaan ugu ducaynayaa intii dhimatay, haldoorkii taariikhda halgankaa ku suntanaa iyo mujaahidiintii ku shahi iday halgankii dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland in Eebbe naxariistii janno ka waraabiyo, fadliga bisha Ramadaanna ugu dambi dhaafo. Ka Sokow in aynu noqonnay Ummadda Soomaaliyeed dalkii iyo dadkii ugu horreeyey ee noqday qaran xor ah, waxa xaqiiq ah in Bulshada Somaliland ay hormuud ka ahayd hammigii lixdankii ee salka ku hayey in la abuuro qaran weyn oo ay shanta Soomaaliyeedba ku dhan tahay.”

Mar kale isagoo ka hadlay midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi " Jibbadii iyo Soomaali jacaylkii quluubteenna jeexay, wuxuu keenay in shan cisho ka dib aynu deg-deg ugu biirno dalkii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray shuruud la'aan, isla maalintii uu gobonnimada qaatay 1-dii July, 1960.

Inkasta oo uu ahaa ilduuf siyaasadeed oo ina dhaxalsiiyey dhibaato badan, haddana dhinaca kale, waxaan la dafiri karin inuu ahaa go'aan geesinimo leh oo ay qaadan karto oo keliya ummad gob ah oo garasho dheer lihi.

Midowgii dhexmaray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu noqday madhalays aan la mahadin. Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, Niyad jab iyo naxli la dhex dhi go Ummaddii Soomaaliyeed ee isu haysay hilowga iyo kalgacalka.

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda "Daayeerow Qadhaab ka waran? wuxuu yidhi, Tunkay ga iyo Tagoogayga ka eeg". Sidaa darteed, waxaan leeyahay Shacbiga Somaliland soddonkii san no ee ay ka mid ahaayeen dal weynihii Soomaaliya ma jiro wax faa'iido ah oo ay ka dhaxleen habayaraatee.

Marka la barbar dhigo 25-kan sanno ee aynu la soo noqonnay madax bannaanideenna, waxa inoo kordhay ayaa ka badan boqolkiiba sagaashan, iyadoo aynaan helin taageero luxdan iyo aqoonsi caalami ah toona.”

Madaxweynaha oo beesha caalamka iyo Soomaaliyaba la hadlaya waxa uu yidhi "Waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciy adda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:

1) Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1dii July, dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumay san jiray.

2) Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.

3) Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhi cisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.

4) Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u he shiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road mapka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

5) Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaa diinta, Garaadada iyo Waxgaradka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go’ aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.

6) Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland iyo Qadiyadda Gooniisutaaga dalka.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.”

Gabogabaddii waxa uu hadalkiisa sii raaciyey " Waxaan leeyahay marnaba u dulqaadan ma yno cid kasta oo fadqalale iyo faragelin ku samaysa ciidayada iyo calankayaga. Xaqa aayo ka ta shiga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dalkayga iyo dalkayga, iyo Xuduudaha Jamhuuriyadda Somal iland dhammaan waa lama taabtaan aan lagu xad gudbi karin.”

Mar uu ka hadlayey Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi " Xukuumad da aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka iyo sii wadista wada hadallada Soma liland iyo Soomaaliya. Haddaba, si looga gun gaadho wada hadallada labada dal u dhexeeya na tiijo wax ku ool ah, waxaan ku baaqayaa in gogosha la ballaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan.

Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada Beesha Caalamku ugu jirto sidii So omaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaq ada sannadka 2016-ka.

Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.

Mar labaad, waxaan ku celinayaa Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shakhsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qaran kayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran.”

Madaxweynuhu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay de egaanka Dharkeengeeye ee gobolka Sool, isagoo usoo jeediyey inay nabadda ilaaliyaan, wax wal ba ku dhamaystaan wada xaajood.

Inkastoo habeen hore laga xusay madaxtooyadda, haseyeeshee munaasibadda 26-ka june aya an loo weyneen sida 18-ka May, waxaana kaliya la fasaxaa uun shaqaalaha, waxaana muna as ba dda kowaad laga dhigay 18-ka May oo ah maalintii Somaliland ka go’da Soomaaliya.

SOOMAALIYA OO SHIRKA GENEVA KUSOO BANDHIGTAY HORUMARRADA XUQUUQUL AADANAHA …

Xubnaha Wafdiga Soomaalilya ku Metelaya Shirka Caalamiga ah ee Guddiga ka shaqeynta Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ee [UPR], kaasoo ka socda Geneva, ayay kusoo ban dhigeen warbixinta Xuquuqul Insaanka Somalia, 24-kii Juun oo ku beegnayd Jimcihii.

Warbixinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la fuliyay talooyinkii Xuquuqda Aadanaha ku saleysnaa ee lasoo jeediyay bishii Jannaayo ee sanadkan 2016-ka oo ku aadanaa Xuquuqda Aadanaha Somalia.

Qodobbadaas, ayaa Waxaa ka mid ah; Meelmarintii uu Baarlamanka Somalia meelmariyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya oo iyag una Ansixiyay Sharciga Siyaasadda Jinsiga Qaranka.

Xubnaha Metelayay Somalia, ayaa waxay intaas ku dareeen in 168 talooyin ah ay Aqbaleen, halka ay Kulankii hore ee Guddiga UPR ay aqbaleen soo jeedinnada in ka badan 155 talo.

Warbixinta Soomaaliya Qayb ka mid ah, ayaa Waxaa Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Q/Mid oobay ka horjeedisay, Faduma C/llaahi Maxamuud, Danjiraha Somalia ee Swizerland iyo hay'ad aha Qaramada Midoobay ee Geneva.Intii kulanku socday ayaa waxaa la sheegay in Soomaaliya ay 60 talo oo ka mid ahaa talooyinkii horay loo siiyay aan la fulin. Talooyinkaas oo la sheegay in la gu Heshiiyay in Wadatashiyo lagala Sameeyo Hay'adaha Dowliga ah ee ay khuseyso, si ay u aqbalaan.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ballanqaadday in ay Xoogga saarayso sidii loo fulin lahaa Talooyinka ay aqbashay ee Xuquuqda Aadanaha dalka ku la xiriira, inta lagu jiro afarta sano ee soo socda.

Kulankan Caalamiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 100 Dal, kuwaasoo qaar ka mid ay ammaaneen horumarrada ay sameysay Somalia, iyo aqbalaadeeda 168ka talo ee cus ub, ayna ka go'an tahay fulintooda.Ugu dambeyn, Horumarka dhanka Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa kulanka caalamiga ah ee guddiga Xuquuqul Aad anaha ee Adduunka oo la qaban doono Sanadka 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ay Soomaaliya ka jeedisay kulanka UPR, ayaa waxaa Diy aarinteeda gacan weyn ka geystay Maxamed Cilmi Naaleeye oo ah Qareen Xuquuqul Aadanaha ah.

FADLIGA 10 DANBE EE BISHA RAMADAAN

Waxaynu soo gaadhnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khay raad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u balaadhan sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobadnka danbe,

waxyaaba u khaaska ah tobanka danbe ee bisha ramadaan, Nabigu (CSW) aad ayuu ugu dad aali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxa ku sugan saxeexul muslim Xadiiska Caa’isha laga soo warinayo (RC) (Nabigu (CSW) wuu ku dadaali jiray cibaada tobanka danbe si aanu u dadaalin jirin wakhitiyada kale)

Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nabigu (CSW) uu u cibaad aysan jiray tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaadho tobanka dan be ee bisha ramadaan nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jir ay ehelkiisana wuu toosin jiray)

Xadiiska laga soo warinayo Caa’iisha (RC) (Nabigu (CSW) labaatanka ugu horeya ee bisha ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray).

Axaadiistani waxay ay ina tusayaa fadliga faraha badan ay leedahay tobanka danbe ee bisha ramadaan iyo sidii uu Nabigu (CSW) u dadaali jiray inagana aynala gudbontahay in aynu ku dayano, Mar hadii Rasuulkii illaahay (CSW) uu u dadaali jiray si aanu u dadaali wakhtiyada kale dadaal dhamaystiran oo ah dhinaca kasta oo ah cibaadada ah, hadii ay tahay salaada, quraanka akhriskiisa, digriga illaahay, sadaqada bixiteeda iyo wixii la mid ka Marka Nabigu (CSW) uu guntiga adkaysanayay macnaheedu waxay tahay wuxuu ka durkayay habeenkiisa si uu ugu go salaada iyo xuska illaahay habeenkana waxa uu ku noolaynayay salaad iyo quraan iyo xusuusta illaahay oo ah qalbiga carabka iyo xubnahaba.

Sharafta habeenadani leeyahiin iyo Raadinta laylatu qadriga qofka ku dadaala isagoo rum aysan illaahay oo illaahayna ka ramaynaya danbi dhaaf iyo naxariis Illaahay wuu dhaafa wixii dan bi hore ee uu galay, muu qaalka xadiiska waxa aad ka arkaysaa in ay wanaagsan tahay in habe enkii lagu nooleyo cibaada illaahay iyo xusuustiisa iyo quraanka iyo salaada ilaa loo diyaar garo obo suxuurta.

Caa’isha (RC) waxay tiri (MA GARANAYO AYAY TIRI HABEEN UU NABIGU (CSW) UU ISTAAGAY ILAA WAABIRIGA) halkaas waxanu ka fahmi karnaa in uu Nabigu (CSW) uu kici jiray habeenka intiisa danbe, habeenadaa noolayn teedu waa mid wada sugan weliba tobanka danbe ee bisha ramadaan Salaatu laylka iyo Noocyada kale ee ah cibaadada.

Waxa xadiisyada ina tusayay fadliga ay leeyihiin tobanka danbe ee bisha ramadaan ee ay ka mid yihiin, in uu Nabigu (CSW) uu toosin jiray ehelkiisa si ay u tukadaan salaada isagoo ku dada laya si ay uga faa’iidaystaan habeenadan barakaysan ee qofka cibaadaysta u noqonaya fursada soo martay cibriga noloshiisa waxana ka faa’iidaysta qofka illaahay waafajiyo, lama gudboona qof ka muumunka ah ee caqliga leh in uu iska dhaafo fursadaan qiimaha leh oonay ka faa’iidaysan isa ga iyo ehelkiisu waana habeeno tirsan waxana laga yaaba in illaahay ku waafajiyo raxmadiisa wax yaaba aad ku kasbato oo aad ku liibanto aduunyo iyo aakhiraba.

Waxa wax aad looga xumaada ah khasaare iyo muragana leh in aad arkayso in badan oo ka mid ah muslimiinta oo wakhtiyadan qiima badan leh uu kaga lumayaan waxyaabo aan waxba u anf aceyn iyagoo habeen oo dhan ku soo jeedaya dheel dheel iyo laqwi marka ay gaadho wakhtigii salaadana iska seexanaya waxa ay naftoodi seejiyeen khayr badan waxana laga yaaba in aanay fursadaano kale dib u soo marin, hadaba kuwa la ciyaaray shaydaanka iyo khiyaamadiisa ee uu ka gooyay wadadii illaahay loo marayay illaahay waxa uu yidhi (SW) "Adoomadayda uma lihid wax awood ah.

Waa socotaa

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip