Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo cambaareeyay Weerarkii Muqdisho

0
Sunday June 26, 2016 - 15:22:10 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo cambaareeyay Weerarkii Muqdisho

    Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood oo ku yaalla nawaaxiga Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood oo ku yaalla nawaaxiga Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

 

Danjiraha QM u fadhiya Dalka Soomaaliya, Michael Keating ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ay ms’uuliyadiisu sheegteen Xarakada Al Shabaab ee lagu beegsaday Hoteelkaasi.

Michael Keating ayaa sheegay in uu naxay kadib markii uu maqlay in Weerarkaasi uu ku dhintay Burci Maxamed Xamza , Wasiiru Dowlaha Arimaha Degaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wakiilka Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii Xarakada Al Shabaab ay Shalay ku qaadeen Hoteelka Naasa-Hablood.

Weerarkan ismiidaaminta ahaa ee ka dhashay khasaaraha dhimasho ee in ka badan 15-ka Ruux ayaa mid la mid ah waxaa 1-da bishan June Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Ambaasadoor oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip