Mareykanka oo Cambaareysay Weerarkii Hoteelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho

0
Sunday June 26, 2016 - 15:10:34 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Cambaareysay Weerarkii Hoteelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho

    Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Rueturs dawlada maraykanka ayaa si adag u cambaareeysay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Naasa hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Rueturs dawlada maraykanka ayaa si adag u cambaareeysay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Naasa hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Sargaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay si xoogan u cabaaraynayaan weerarkaas, sargaalkaan u hadlay waaxda Arrimaha Dibadda ee Dawlada Maraykanka ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay in ay sii wadi doonaan taageerida ammaanka iyo xasiloonida Somaliya iyo in ay gacan kasiinayaan dawlada Somaliya ladagaalanka Xarakada al-shabaab.

Hadalkaan kooban ayaa kusoo beegmaya xili shalay gelinkii dambe weeraro toos ah iyo ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Nasa hablood 1 ee magaalada Muqdisho weerarkaas oo ay sheegteen Xarakada al-shabaab.

Sedex usbuuc ka hor ayay ahayd markii weerar nuucaan oo kale ah Al-shabaab ay ka fuliyeen Hotelka Ambasador oo ku yaala meel aan sidaas ugu fogayn hotelka shalay laweeraray.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip