Xiisad ka dhex aloosan mucaaradka Dalka UK iyo hogaanka sare ee Jeremy Corbyn oo lagu dheganyahey
Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Labour-ka ayaa dhaliilsan hogaanka Jeremy Corbyn.
Natiijada aftidii Britain ka dhacday Khamiistii, ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Labour-ka.
Waxaa la filayaa in maanta ay iscasilaan kala bar xubnaha xukuumadda daah-kujirka ah ee mucaaradka ee loo yaqaano shadow cabinet.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa ka cabanaya in hogaamiyahooda, Jeremy Corbyn, uuna si daacad ah ugu ololeyn in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub, taasina ay dhalisay in taageerayaasha xisbiga ay u codeeyaan bixitaanka dalkaasi.
Mr Corbyn ayaa xalay xilka ka qaaday Hilary Benn, oo xisbiga Labour-ka u qaabilsanaa arrimaha dibedda.
Mr Benn ayaa sheegay in aanu ku kalsooneyn hogaanka Mr Corbyn, waxaana uu ku talinayaa in mooshin kalsooni darro ah laga keeno hogaamiyaha xisbigaasi.
Xisbiga Labour-ka ayaa u ololeynayay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.
Xiisad ka dhex aloosan mucaaradka Dalka UK iyo hogaanka sare ee Jeremy Corbyn oo lagu dheganyahey
Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Labour-ka ayaa dhaliilsan hogaanka Jeremy Corbyn.