Kenya: 150,000 oo Qaxooti ah oo Lagu Wado Inay Soomaaliya ku Laabtaan Dhammaadka Sanadkaan

0
Sunday June 26, 2016 - 14:42:15 in Wararka by
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya: 150,000 oo Qaxooti ah oo Lagu Wado Inay Soomaaliya ku Laabtaan Dhammaadka Sanadkaan

    Dawlada Kenya ayaa mar kale carrabka ku adkeysay mawqifka ay ka taagan tahay sida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya ayaa mar kale carrabka ku adkeysay mawqifka ay ka taagan tahay sida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab.
Shalay ayaa Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya, Aamina Maxamed ay sheegtay in durba ilaa hada ay laabteen 16000 oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa isla markaana inta hadhay la celin doono-hadba in.

Waxay intaasi ku dartay in hannaanka celinta qaxootiga ay taageerayaan dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba beesha caalamka. "Hannaanku wuu bilowday wuuna socdaa'. Sidaa ayay tiri.

Arin murugsan ayay noqoneysaa laakiin waxaan diyaar u nahay inaan hawshaa galno ayay tiri.

Wasiirada ayaa shalay sidaa ka sheegtay kulan ay yeesheen guddi saddex geesood ah oo ay wasiiro kujireen wasiiradaa oo ka socday labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale shirkaa oo ka dhacay Nairobi ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka socday hayada UNHCR ee ayadu QM u qaabilsan amuuraha qaxootiga.

Waxaa kujiray shirkaa kasoo qeyb galeyaashiisa Wasiirka Amuuraha Dibada ee Soomaaliya, C/Samad Cumar Hadliye iyo madaxa UNHCR, Filippo Grandi.

Waxay Aamina sheegtay in guddigaasi ka dalbay guddiga farsamo ee saddex geesoodka ah (waa gudiga kale ee u xilsaaran hawsha dib u celinta qaxootiga Dhadhaabe) inuu soo gabagabeeyo dejinta habab muhiim ah kuwaasoo loogu tala galay dib u celinta qaxootigaa Dhadhaab.

Waxay kaloo xustay in la doonayo in ilaa 150,000 oo qaxootiga Dhadhaab ah dib Soomaaliya loogu celiyo dabayaaqada sanadkaan 2016.

Guddiga shalay kulmay wuxuu sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo u adkeysiga dadyowga Soomaaliyeed ee kunool gudaha Soomaaliya ay u adkeysi badan yihiin ama kasoo kabashadooda dhibaatooyinka (dabiiciga ah sida abaaraha iyo daadadka) gaar ahaan meelaha la dajin doono qaxootiga Dhadhaab laga qaadayo oo Soomaaliya la geynaayo.

Xubnaha guddigaa ayaa isku waafaqay inay mar kale kulmaan bisha Oktoobar si ay dib ugu eegaan horumarka arinka laga gaaray ilaa waqtigaa gaar ahaan dib u noqoshada qaxootiga ee aan qoor qabadka ahayn ee qaxootigu dib iskood dalkoodii Soomaaliya ay ugu laabanayaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip