Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed " Kadiye" , Xoghayaha joogtada

0
Sunday June 26, 2016 - 14:15:28 in Wararka by
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed " Kadiye" , Xoghayaha joogtada

    Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Umm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariisteeBurci Maxamed Xamzaoo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo June 25, 2016, ku geeriyooday Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Burci Maxamed Xamza oo xilal kala duwan ka soo kala qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo marayay si gaar ah Wasaaradaha Deegaanka, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, waxa uu ahaa siyaasi, macallin iyo barbaariye ku xeel dheeraa ku hadalka iyo qoridda in ka badan shan luqadood.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo - Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

image





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip