Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga UCID Rooda A. Yaasiin oo lagu Xiray Degmada Abdaal

0
Sunday June 26, 2016 - 14:03:04 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga UCID Rooda A. Yaasiin oo lagu Xiray Degmada Abdaal

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee gobolka Saaxil, Rooda Axmed Yaasiin ayaa xalay lagu xidhay xabsiga saldhiga degmada Abdaal ee gobolka Saaxil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee gobolka Saaxil, Rooda Axmed Yaasiin ayaa xalay lagu xidhay xabsiga saldhiga degmada Abdaal ee gobolka Saaxil.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Roodda Axmed Yaasin waxa lala xiray Xilligaas laba qof oo la saarnaa gaadhigeedda, waxaana lagu hayaa saldhiga Abdaal ee gobolka Saaxil hoos timaadda.

Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa Warbaahinta u sheegtay inay ku Xidhan tahay saldhiga Abdaal oo wakhtigaasi ay ku sugnaayeen gudoomiyaha degmada Abdaal oo ay Wehelinayaan Ciiddammo booliis ah, kuwaasoo ku wargeliyey dhamaantood inay xidhan yihiin.

"Haa, waan xidhanahay oo degmada Abdaal ayaan ku xidhanahay, waxana subaxnimaddii shalay ka soo baxay magaalada Hargeysa anigoo usii jeeda magalada Berbera oo aan ku soo afuray, waxana ka dib casho ku laha degmada Dacarbudhuq oo aan ku sii socday, markii aan soo gaadhay gaadhay kan-troolka degmada Abdaal ayaa gudoomiyaha degmadaas oo ciidan xog ah aniga iyo dadkii ila socday xidheen." Ayey tidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga UCID Roodda Axmed Yaasiin.

Illaa hadda lama cadeyn sababta loo xidhay, hase ahaatee, Rooda Axmed Yaasiin waxay ka mid tahay Shakhsiyaadka Caanka ah ee xisbiyada Mucaaradka u jooga Gobolka Saaxil, isla markaana Mar walba dhaliilaha ugu badan u gudbisa xukuumadda.

Sidoo kale, Rooda Axmed Yaasin waxay si cad uga soo horjeedda wareejinta Dekada Berbera ee laga kireenayo shirkada DP world, taasoo marar badan ka hadashay, waxaana loo malaynayaa inuu Xadhi-geedu arrimahaasi dabo socdo.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Somaliland - ayaan ogolayn in la Mucaarado Wareejinta Dekadda, isla markaana cid kasta oo arrintaasi ka hor timaadda xabsiga ku ridda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip