Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza

0
Sunday June 26, 2016 - 14:01:05 in Wararka by
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza, Wasiiru Dowlahii Arrimaha Degaanka ee Dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza, Wasiiru Dowlahii Arrimaha Degaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii waxashnimo ee argagixisada ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood.

"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo keygaba, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu shahiiday Marxuum Burci Maxamed Xamza. Waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa. Waxaa uu ahaa nin arrimaha degaanka ee Soomaaliya iyo sidii loo dhowri lahaa dadaal gaar ah u galey, isla markaana magaca Soomaaliya ku darey dalalka sida weyn looga qiimeeyo arrimaha degaanka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada waqtiga badan geliyay dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. ------DHAMMAAD-------




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip