Wasiir Cali Waran-Cade oo kulan Albaabbadu u Xiran yihiin la Qaatay Cuqaasha Gobolka Togdheer

0
Sunday June 26, 2016 - 13:56:54 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cali Waran-Cade oo kulan Albaabbadu u Xiran yihiin la Qaatay Cuqaasha Gobolka Togdheer

    Wafdi Wasiirro ah oo ka tirsan Somaliland, ayaa kulan Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay cuqaasha iyo madaxdhaqameedka gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, iyagoo ka wada-hadlayay sidii amniga loo adkayn lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi Wasiirro ah oo ka tirsan Somaliland, ayaa kulan Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay cuqaasha iyo madaxdhaqameedka gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, iyagoo ka wada-hadlayay sidii amniga loo adkayn lahaa.
Waftigan Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa odayaasha oo ay isku hayb yihiin dadkii lagu laayey Deegaanka Gaashaamo ee Dalka Itoobiya u soo jeediyey in la is-dajiyo, isla markaaana Arrimahooda lagu dhamaysto nabadgalyo iyo wada hadal.

Kulankaas markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Warfaafinta iyo Badhasaabka gobolka Togdheer, kuwaas oo wariyeyaashu su’aallo waydiiyeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-Cadde oo la waydiiyey xukuumad ahaan waxay ka qabteen dhibaataddii Liyuu Booliska Kililka shanaad ka geysteen Gaashaamo iyo xadhiga loo geystay wariyaha HCTV, waxaanu yidhi"Waxa la yidhi Fidmaddu way horudaaaye ilaahay ha nacdaalo ciddii toosisa, anagu mana odhan dadyahow waxba ha sheeganina, waxa aanu u sheegnay nabada ka dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya oo tacab badan, dhaqaale badan iyo hawlo badan la galiyey oo qiimo badan inagu joogta la ilaaliyo. In nabada xumo way imaneysaaye adduunyadu inta ay jirto shalay-na way dhacday doraadna way dhacday berrina way dhacaysa, laakiinse in caqli lagu xaliyo oo aan cunfii iyo dhibaato intii ka daran ka hor lagu xalin ee gardhigasho iyo wada hadal sookeyenimo lagu xaliyo ayey nala qaateen iyaguna inoola yimadeen, waayo dadkani meel kala tegaya maaha waa dad meesha ku wada nool wada degan nina degaankiisa kama guurayo. In meesha nabad ku wada noolaadaan oo wixii dhacayna la iska dow mariyo ayaanu kula talinay, arrinta weriyaha anigu ku odhan kari maayo been baad sheegtay, laakinse waanu kala hadalnay oo waanu kala xidhiidhnay anaguna waxanu nahay dowlado. Dowladuhuna si gaar ah ayey u wada hadlaan, ama khaladka anagu aanu yeelano ama iyagu ay yeeshaan waxa ay ku dhamaaneysa sida uga dhakhsaha badan."

Dhinaca kale, Xubnihii wafdiga ayaa waxay gargaar u fidiyeen dadkii ka soo qaxay deegaanadii dadka lagu laayey ee gaashaamo, kuwaas oo raashin u qaybiyeen, waxaanay dadkan soo qaxay ku nool yihiin degmooyin hoos yimaadda gobolka Togdheer.

Ugu dambeyntii, Intaas kaddibna weftigu waxay u anbo baxeen gobolka Sool oo dagaalo beeloodyo ka soo cusboonaadeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip