Soomaaliya oo Shirka Geneva kusoo Bandhigtay Horumarrada Xuquuqul Aadanaha (SAWIRRO)

0
Sunday June 26, 2016 - 13:18:06 in Wararka by
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo Shirka Geneva kusoo Bandhigtay Horumarrada Xuquuqul Aadanaha (SAWIRRO)

    Xubnaha Wafdiga Soomaalilya ku Metelaya Shirka Caalamiga ah ee Guddiga ka shaqeynta Xuquuqda Aaadanaha Dunida ee [UPR], kaasoo ka socda Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, ayay ku soo bandhigeen Warbixinta Xuquuqul Aadanaha Somalia, 24-kii Juun oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Wafdiga Soomaalilya ku Metelaya Shirka Caalamiga ah ee Guddiga ka shaqeynta Xuquuqda Aaadanaha Dunida ee [UPR], kaasoo ka socda Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, ayay ku soo bandhigeen Warbixinta Xuquuqul Aadanaha Somalia, 24-kii Juun oo ku beegnayd Jimcihii.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Warbixinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la fuliyay talooyinkii Xuquuqda Aadanaha ku saleysnaa ee lasoo jeediyay bishii Jannaayo ee sanadkan 2016-ka oo ku aadanaa Xuquuqda Aadanaha Somalia.

Qodobbadaas, ayaa Waxaa ka mid ah; Meel-marintii uu Baarlamanka Somalia meel-mariyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya oo iyaguna Ansixiyay Sharciga Siyaasadda Jinsiga Qaranka.

Xubnaha Metelayay Somalia, ayaa waxay intaas ku dareeen in 168 talooyin ah ay Aqbaleen, halka ay Kulankii hore ee Guddiga UPR ay aqbaleen soo jeedinnada in ka badan 155 talo.

Intii kulanku socday ayaa waxaa la sheegay in Soomaaliya ay 60 talo oo ka mid ahaa talooyinkii horay loo siiyay aan la fulin. Talooyinkaas oo la sheegay in lagu Heshiiyay in Wada-tashiyo lagala Sameeyo Hay'adaha Dowliga ah ee ay khuseyso, si ay u aqbalaan.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ballan-qaadday in ay Xoogga saarayso sidii loo fulin lahaa Talooyinka ay aqbashay ee Xuquuqda Aadanaha dalka ku la xiriira, inta lagu jiro afarta sano ee soo socda.

Kulankan Caalamiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 100 Dal, kuwaasoo qaar ka mid ay ammaaneen horumarrada ay sameysay Somalia, iyo aqbalaadeeda 168-ka talo ee cusub, ayna ka go'an tahay fulintooda.

Ugu dambeyn, Horumarka dhanka Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa kulanka caalamiga ah ee guddiga Xuquuqul Aadanaha ee Adduunka oo la qaban doono Sanadka 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ay Soomaaliya ka jeedisay kulanka UPR, ayaa waxaa Diyaarinteeda gacan weyn ka geystay Maxamed Cilmi Naaleeye oo ah Qareen Xuquuqul Aadanaha ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online


Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip