Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo Tababar uga socda Masar

0
Thursday August 27, 2015 - 18:49:41 in Wararka by
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo Tababar uga socda Masar

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa booqday Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar uga socda dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa booqday Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar uga socda dalkaas.  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa booqday Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar uga socda dalkaas.
              Wasiirka ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur Ufurow, Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali "Dable Baylood”.
                  Mr Diini ayaa hadal dar-daaran ah u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay oo dhawaan dib ugu soo laabanaya dalka iyo kuwa uu weli u socdo, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in aqoonta ay soo barteen ay dalkooda dib ugu celiyaan.

                   "Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalka aad nabad ka dhigtaan”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.
               "Saraakiishiina waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus oo qaran, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga, waxaad noqoneysaan Jiilka ugu taariikhda wanaagsan haddii aad ka gudbisaan dalka marxaladdaan adag” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo dhinaca kale xusay howlgallo dalka looga sifeynayo haraadiga nabad-diidka in ay socdaan loona baahan yahay in qof walba oo Soomaaliya uu door ka qaato dib u xoreynta dalka.
               Ugu danbayntiina, wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyey dawladda Masar tababarka ay siisay saraakiishan ciidan ee ka mid ah kawaadirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Masar ay weligeed bar-bar la garab taagnayd dalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip