Ciidamada Isra'iil oo toogtay Haweenay Falastiini ah

0
Saturday June 25, 2016 - 12:24:24 in Wararka by
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Isra'iil oo toogtay Haweenay Falastiini ah

    Ciidamada Israa'il ayaa toogtay Haweenay Falastiini ah oo gaari ay wadatay ku dhufatay gaari kale oo ay saarnaayeen dad Israa'iiliyiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Israa'il ayaa toogtay Haweenay Falastiini ah oo gaari ay wadatay ku dhufatay gaari kale oo ay saarnaayeen dad Israa'iiliyiin ah.

Marxuumada oo lagu magacaabo Majd al-Khudur ayaa la sheegay inay si ulla kac ah gaariga ugu dhufatay gaari ay saarnayeen labo qof oo Yuhuud ah oo taagnaa irida laga galo Xaafad ay degen yihiin Yuhuuda xooga ku heysta qeybo kamid ah dhulka reer Falastiin ee magaalada Hebron.

Askarta Isra’iil ayaa sheegay inay haweenaydan toogteen, isla markaana labadii qof ee Yuhuuda ahaa uu dhaawac ka soo gaaray shilkan, kuwaasi isbitaalka la dhigay.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu danbeysay weerarada ay shacabka Falastiin la beegsanayaan dadka yuhuuda ah ee xooga ku degen dhulka Falastiin.

Arrintan oo sare usii kacday bilihii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale keentay dhimashada in ka badan 200 oo reer Falastiin ah oo ay askarta Isra’iil dileen iyagoo ku eedeeyey inay doonayeen inay dilaan dad yuhuud ah.

Ciidamada Israa’iil waxa ay sii kordhiyeen dilalka ay u geysanayaan shacabka reer Falastiin ee xooga ay ku haystaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip