Axmed Madoobe "Waxaan rabaa ganacsigeyga inaan ku noqdo, berrina beec mushtar noqdo"

0
Saturday June 25, 2016 - 11:59:09 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe "Waxaan rabaa ganacsigeyga inaan ku noqdo, berrina beec mushtar noqdo"

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inaanu doonayn in siyaasadda uu ku sii jiro, isla-markaana uu door-bidaayo in dib uu ugu laabto ganacsigiisii, sida uu yiri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inaanu doonayn in siyaasadda uu ku sii jiro, isla-markaana uu door-bidaayo in dib uu ugu laabto ganacsigiisii, sida uu yiri.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxaa uu sheegay in doorashada madaxtinimada sanadkan ka dhaceysa dalka aanu wax damac ihi kaga jirin, isla-markaana aanu jirin musharax uu taageersan yahay.

Wuxuu sheegay mudada uu yahay Madaxweynaha Jubbaland uu doonaayo in wax taariikhda geli kara uu ka taggo, ujeedkiisa mustaqbalkuna uu yahay in talo uun uu ku yeesho siyaasadda dalka.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ku waramaya in waxa u muuqdaa uu yahay in dadku uu kula taliyo waxa ay tahay danta dalka iyo midda dadka Somaliyeedba, isagoo markaasi xor u ah aragtidiisa.

Madaxweynaha waxaa uu ku celiyay inuusan rabin in waqtigiisa uu siyaasad ku qaato amaba uu siyaasad quuto, waxaana rabaa buu yiri ganacsigeyga inaan ku noqdo, berrina beec mushtar ahaado.

Axmed Madoobe, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Wakaaladda Wararka Somaliya (SONNA), oo ku hadasha afka Dowladda Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip