Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay gaari lagu diyaarinaayay walxaha qarxa (SAWIRRO)

0
Saturday June 25, 2016 - 11:44:47 in Wararka by
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay gaari lagu diyaarinaayay walxaha qarxa (SAWIRRO)

    Ciidamada ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xalay gacanta ku dhigeen gaari Kaarib ah oo lagu diyaarinaayay walxaha qarxa, si weerar looga gaysto Magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xalay gacanta ku dhigeen gaari Kaarib ah oo lagu diyaarinaayay walxaha qarxa, si weerar looga gaysto Magaalada.

Hawlgal ay Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ka sameeyen xaafadda General Daa’uud ee Degmada Wardhiigley, ayay ku soo qabteen gaarigan.

Ciidanka NISA, ayaa waxay gaarigan ka soo dhex saareen gumaca qoriga baasuukaha/sabanka, agabyo kale oo loo adeegsado walxaha qarxa, sida boolal iyo neefta/naqaska gaaska.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka NISA ay weli baaritaano ka wadaan goobtii laga soo qabtay gaarigan, haddii ay jiraan qaraxyo kale oo lagu diyaarinaayay iyo haddii kalaba.

Afhayeenka oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaan sheegin dad loo soo qab qabtay falkan, marka laga soo taggo in Nabad Suggidu ay baaritaano wado.

C/kaamil Macalin Shukri, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya oo ka hadlay madaafiic xalay laga maqlay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu ku sheegay madaafiic aan dhab ahayn, isla-markaana ay ahayd baaruud lagu cabsi gelinaayay dadka reer Muqdisho.

Afhayeenka, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin baaruuddii xalay laga maqlay Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

QaraxQarax1Qarax1-Qarax2Qarax3Qarax4




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip