Awaamiir la xidhiidha kuna saabsan qaraxii Daallo oo laga soo saaray garoonka diyaaradaha Hargeysa

0
Saturday June 25, 2016 - 11:41:22 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awaamiir la xidhiidha kuna saabsan qaraxii Daallo oo laga soo saaray garoonka diyaaradaha Hargeysa

    Dowladda maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay soo saartay awaamiir cusub oo xidhiidha dhinacyada ammaanka iyo habsami u socodka howlaha duulista iyo garoomada, iyadoona soo saartay awaamiir ku socota shaqaalaha ka howlgala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay soo saartay awaamiir cusub oo xidhiidha dhinacyada ammaanka iyo habsami u socodka howlaha duulista iyo garoomada, iyadoona soo saartay awaamiir ku socota shaqaalaha ka howlgala.

Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa sheegay in shaqaalaha garoomada Somaliland ay muujiyaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, isla markaana aanay ku mashquulin Computerada xafiisyada ay ka howlgalaan.

"Dadka maanta jooga haduu hal seken helo wuxuu ku sii jeesanayaa Facebook, chating, movie ha haato atantionkiisa ma joogo” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in xilliyada shaqada laga mamnuucay inay isticmaalaan xitaa taleefanada gacanta.

Mar uu ka hadlayay Wasiir Cumar Sheekh Maxamed in shaqaalaha garoomada oo ka mashquula howlahooda uu ka imaanayo dayac badan oo la xidhiidha howlahooda isla markaana faraha ka sii baxayo ammaanka garoomada.

"Wixii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo ayaa ahayd Computer, ninkii howshaasi lahaa Computer ayuu isna ku mashquulsanaa wuuna sii jeeday” ayuu yiri Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland.

Dhacdadii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo oo loo isticmaalay Computer ayaa noqotay mid saameyn xoog leh ku yeelatay dhammaanba garoomada diyaaradaha ee ku yaala Soomaaliya, hase yeeshee digniintaan ayaa soo baxeysa xilli ay ka soo wareegatay muddo saddex bilood ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip