War Murtiyeed maanta lagu wado in laga soo saaro Shirka Madasha Qaran ee ka soconaya Magaalada Baydhabo

0
Saturday June 25, 2016 - 11:37:02 in Wararka by
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Murtiyeed maanta lagu wado in laga soo saaro Shirka Madasha Qaran ee ka soconaya Magaalada Baydhabo

    Waxaa Sabtida maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo Arbacadii si rasmi ah uga furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Sabtida maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo Arbacadii si rasmi ah uga furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gelinkii dambe ee Jimcihii, ayuu qorshuhu ahaa in la soo gaba gabeeyo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, lagana soo saaro War Murtiyeed ku aadan doorashooyinka guud ee sanadkan ka qabsoomaya Somaliya, hase ahaatee uu dib u dhac ku yimid, sabab aan weli la shaacin.

Waxaase soo baxaya warar sheegaya in Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada, ay isu khilaafeen in mowqif mideysan ka soo saaraan shirka, taasina ay keentay dib u dhaca ku yimid.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Sabtida maanta la soo afjari doono shirka ka socda Magaalada Baydhabo, lagana soo saarayo qodobo ku aadan doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed, ayaa dib u dhaca ku yimid waqtigii loo muddeeyay in shirka lagu soo gaba gabeeyo ku macneeyay shaqada oo badatay oo awgeed, sida uu yiri.

Wasiirka, ayaa waxaa uu meesha ka saaray inaanu jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Bisha August, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoona ay soo dooran doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa, halka bisha Septemberna ay soo dooranayan Madaxweynaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip