Wariyayaasha reer Puntland oo cambaareeyey hanjabaadii ka soo yeeray wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland (Daawo)

0
Friday June 24, 2016 - 22:14:52 in Wararka by
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyayaasha reer Puntland oo cambaareeyey hanjabaadii ka soo yeeray wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland (Daawo)

    Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP iyo qaar ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa shir ay isugu yimaadeen si adag u cambaareeyay hadal kasoo yeeray wasiirka Warfaafinta dawladda Puntland Maxamuud xasan Soocad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP iyo qaar ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa shir ay isugu yimaadeen si adag u cambaareeyay hadal kasoo yeeray wasiirka Warfaafinta dawladda Puntland Maxamuud xasan Soocade kaas oo ahaa in wariyayaasha la laynayo qaarna la xirayo.
Hanjabaada Wasiirka ayaa ku socotay Warbaahinta Madax banaan ee ka hawlgasha gudaha Puntland, waxaana hogaanka sare ee MAP ay sheegeen in aan Saxafiyiinta waajibaadkooda gudanaya lagu xad gudbi karin.

”wasiirku si bareer ah ayuu xilliga uu hanjabayay waxa uu ku sheegat in Puntland aysan ka jirin wax dastuur ah iyo sharci isa markaasna ay dowladdu dilayso wariyeyaasha isagoo intaas ku daray inaysan jirin Dastuur ay dowladdu eegayso taas bedelkeedana ay adeegsanayso dowladdu hub iyo ciidan” War Qoraal ah oo MAP kasoo baxay ayaa sidaas lagu yiri.

Burhaan Axmed Daahir oo ka mid ah Saxafiyiinta Puntland soona noqday hogaanka sare ee Uuruka MAP iyo NOSEJ ayaa sheegay in handadaada wasiirka ka timid ay tahay mid hareer marsan sharciga iyo qaynuunka Puntland.

Wariye Maxamed Saciid ayaa sheegay in hadalka wasiir soocade uu yahay mid ceeb ku ah dawladnimada iyo jiritaanka Puntland, waxaana intaa suu raaciyay inaysan ogayn meel lagu laalay dastuurka iyo sharciga Puntland


Maxamed Cabdulaahi Kooshin oo ka mid ah Wariyayaasha Radio Daljir ayaa sheegay in wasiirka warfafainta uusan sii hayn karin masuuliyada uu qaaday maadaama uu sharcigii dalku ku dhisnaa inkiray.

Wariyayaasha Puntland ayuu ugu baaqay inay amnigooda ka taxadaraan maadaama wasiirka warfaafinta Puntland uu ku hanjabay inuu dilayo.wariyayaasha_reer_puntland_1wariyayaasha_reer_puntland_2wariyayaasha_reer_puntland_3wariyayaasha_reer_puntland_4



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip