Ururka SOMA oo si kulul u cambaareeyay xiritaanka Radio Daljir

0
Friday June 24, 2016 - 22:07:11 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka SOMA oo si kulul u cambaareeyay xiritaanka Radio Daljir

    Ururka Somali Media Association ee (SOMA) ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyey maamulka Puntland oo xirat xarumaha Radio Daljir ee deegaanada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Somali Media Association ee (SOMA) ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyey maamulka Puntland oo xirat xarumaha Radio Daljir ee deegaanada Puntland.

Radio Daljir ayaa waxa ay xubin ka tahayUrurka Somali Media Association ee (SOMA) oo ay ku mideysan yihiin 38 Idaacadood. Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa waxa uu kubaaqay in si deg deg ah xayiraada looga qaado Radio Daljirsi ay u sii wado shaqadii muhiimka ahayd ee ay u heysay bulshada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xogeyaha guud ee SOMA oo uu ku saxiixnaa Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa lagu cambaareeyey xiritaanka Radio Daljir, sidoo kalena Mas’uuliyiinta Puntland looga codsaday in ay xayiraada ka qaadaan Radio Daljir si shuruud la’aan ah.

War saxaafadeedka ayaa Dowladda Soomaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay inay arintaan soo fara geliyaan oo ay cadaadis saaraan Maamulka Puntland.

Ciidamada hawada ka saaray XarumahaRadio Daljir ee deegaanada Puntlandayaa la sheegay in ay ka amar qaataan Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Soo-Cadde.

Sababta loo xiray Radio Daljir ayaa lagu sheegay in ay wareysi ka qaadeenGudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Galan oo ka gadoodsan siyaasada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Radio Daljir ayaa oo xarumo ku leh degmooyin ka mid ah maamulka Puntland ayaa waxa ay xarumahaas u xiran yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip