Madaxweynaha oo aqbaley xil ka qaadista iyo magacaabista xubno ka tirsan Golaha Wasiirada

0
Friday June 24, 2016 - 20:52:30 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo aqbaley xil ka qaadista iyo magacaabista xubno ka tirsan Golaha Wasiirada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra'iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra'iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub oo xilalkaasi la wareegaya.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Aqbalaadda xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa dhaqangaleysa maanta oo taariikhdu tahay 24 June, 2016.

-----------------DHAMMAAD----------

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

PHOTO OFFICIAL 2



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip