Malaayiin lacagta Kenya oo ku baxeysa dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed

0
Friday June 24, 2016 - 17:16:12 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaayiin lacagta Kenya oo ku baxeysa dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed

    Wargeyska The-Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa daabacay in dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ay ku bixi doonto aduun dhan 20 malyan oo lacagta Kenyaanka ah, waxaana Dowlada haatan ay gacanta ku hayaan 1 malyan oo ka mid ah lacagtaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The-Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa daabacay in dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ay ku bixi doonto aduun dhan 20 malyan oo lacagta Kenyaanka ah, waxaana Dowlada haatan ay gacanta ku hayaan 1 malyan oo ka mid ah lacagtaasi.

The Star ayaa sidoo kale waxuu qoray in yeesheen Kulan uu shir guddoominayay Xiriiriyaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Dalka Kenya, Joseph Irungu, waxaana qadobada ka soo baxay kulaankaasi loo gudbiyay Wasaarada Arimha Gudaha.

Dowladda Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujineysa in taageero dhaqaalo ay ka heysho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga UNHCR, waxaana dhaqaalaha lagu celin doonaa Qaxootiga ku jira Xerada Dhadhaab.



Warbixin ka kooban 23 beej ayaa lagu sheegay in go’aanka Dowladda ee lagu xirayo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab in uu qalqali ku beearay 300,000 oo Qaxooti Soomaaliyeed ah.

Warbixintaasi ayaa lagu xusay in 14,000 Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku sugnaa Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab in dib loogu soo celiyay Dalka Soomaaliya tan iyo bishii November 2013 markii la wada gelay heshiis.

Ugu dambyn, Dowladdaha Caalamka iyo Hay’addaha kale ee u dooda xaquuqul insaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hor-yimid qorshaha Dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirtao Xeryaha Dhadhaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip