Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweyey magaalada Genève "SAWIRRO"

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:30:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweyey magaalada Genève "SAWIRRO"

    Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayay Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahne duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa lagu qabtay magaalada Genève.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayay Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahne duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa lagu qabtay magaalada Genève.

Munsaabadan oo eheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa qabsoomideeda gacan weyn ka geesatay Xaliimo Cali Culusow iyo qaar ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Switzerland.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka banaadir ee dhanka amniga iyo siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameeyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab” oo isna xafladda qudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulka Gobolka iyo doorka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Muungaab ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay meel amaankeeda la isku haleyn karo, isagoo tusaale u soo qaatay sid ay dalka ugu soo laabanayaan qurba joogta Soomaaliyeed ee daneyneysa inay maalgeshi ku sameystaan dalkooda hooyo.

Mas’uuliyiinta la socotay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, ayaa waxaa ka mid ahaa   Guddoomiye ku-xigeenka arimaha siyaadada ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Gobolka Cali Casan Taakow iyo Maxamed Nuur Xasan Xuseen.,

Dhanka kale Mas’uuliyiintii wafdiga Guddoomiyaha soo dhoweysay ka mid ahaa La Taliyaha 1aad ee Safaarada Soomaaliya ee Switzerland Axmed Muuse Mayow, Guddoomiyaha Hay’adaha Swiss Kalmo Mustaf Bashiir Gobdon, Xaliimo Culusow iyo Xasan Cismaan oo ka tirsan Madaxda sare ee Somali Diaspora.

DSC02686DSC02687DSC02691DSC02692DSC02694DSC02697DSC02698DSC02700DSC02711DSC02713DSC02720DSC02723DSC02729DSC02733DSC02737DSC02741DSC02746DSC02753IMG_1572IMG_1575

Sawir Qaade:-Cabdullaahi Xuseen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip