WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 27-KA AGOOSTO 2015-KA
Wax yabaha uu ka war bixiyay gudiga ayaa wax qeyb ka ahaa Waqtiga joogista Ciidamad AMISOM iyo Dilal lagu eedeeyay Ciidanka Midowga Afrika inay u geysteen Dad shacaba ah oo ku suganaa Goobaha ay ka Maamulaan Gobalada Dalka.
Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiyah Gudiga Difaaca oo sharaxad ka bixiyay kulamadii ay yesheen saraakisha AMISOMayaa sheegay in AMISOM ay balan qaaday in ay magdhow ka bixin doonto Dadkii ay ku Dileen Magaalada Marka.
Ugu dambeyn, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Mahad Cabadalla Cawad ayaa sheegay Miisaniyad Dowlad inay kulan ka yelanay Mudanyaasha Barlmaanka iyo Gudoonka Sare taas ay isla qilaaf bixin donaan Waxayabo ay mudanaaysha dhaliilo u soo jediyen
R/WASAARE KU XIGEENKA OO SHALAY QAABILAY WAFDI KA SOCDAY MIDOWGA YURUB..
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wasiiro ay ka mid yih iin Wasiirka Amniga, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa shalay kulan balaaran kula qaatay xafiiskiisa wafti ka socday Midowga Yurub oo uu hogaami nayo Madaxa Siyaasada Xiriirka Tom Vens.
Waftigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhinacyada amn iga, ka hortaga tahriibka iyo dhanka waxbarashada, taas oo lagu salaynayo baahiyaha ay wasaar aduhu soo gudbiyaan.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn u leedahay sidii looga hortagi lahaa tahriibka taas oo dhibaato ba’an ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed.
"Madaama dalka ay ka jirto shaqo la’aan ay sababeen colaadihii dalka soo maray, iyo dhibaa tooyinka xagjirnimada waxaa sanad kasta sii kordhaya dhalinyarada u tahriibaya dalalka fog, waxayna la kulmaan dhibaatooyin kala duwan qaarkoodna waxayba naftooda ku waayaan xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Yurub” ayuu yiri RW ku xigeenku.
Sidoo kale, xubnaha wafdiga ayaa ballan qaaday inay muhiimada koowaad siin doonaan sidii dowladda Soomaaliyeed looga caawin lahaa shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada si ay ugu naga adaan dalkooda.
Dhanka kale, xubnahan ayaa sidoo kale ballan qaaday in midowga Yurub ay gacan ka geys an doonaan sidii fursado loogu abuuri lahaa gobolada iyo degaanada laga xoreeyey kooxaha Al- shabaabka.
WAXGARADKA BEELO KU DAGAALAMAY DEGMADA WARSHEEKH OO MAALINTII LABAAD WADAHADALLO UGA SOCDO MAGAALADA JOWHAR ..
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa ka socota wadahadallo waxgaradka beelo dhowaan ku dagaalamay degaano ka tirsan degmada Warsheekh, waxaana maamulka gobolka oo marti geliyay kulankaan looga hadlayaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.
Kulanka oo uu furay Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), waxaa ka qeyb gelaya Xildhibaan Qaasim Cali Nuur, Malaaq Cali Malaaq Colow, Nabadoono iyo waxgarad ka socda beelaha dagaalamay.
Wejiga labaad ee shalay ka furmay magaalada Jowhar ayaa looga hadlayaa qasaarihii ka dhacay daga-aladii ka dhacay degaano ka tirsan degmada Warsheekh, gaar ahaan dhibaatooyinka kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Kulanka oo la filayo in shalay lagu gaaro heshiis rasmi ah, ayaa laga cabsi qabaa in maalin kale oo dheeraad ah lagu daro, bacdamaa ay suurtagal tahay in qodobada qaarkood wadahadal adoodu qaataan waqti aad u dheer.
Dagaalka ka dhacay degaano Bariga uga beegan degmada Warsheekh ayaa waxaa ku geeri yooday ku dhowaad 20-ruux, tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kale hurinta colaadaasi loo xir-xiray ganacsato caan ah oo degaanadaasi ka soo jeeda.
Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay waxgaradka labada dhinac inay soo afjaraan colaada u dhaxeysa
beelaha walaalaha ah ee soo noq noqotay, isagoona ka dalbaday heshiis rasmi ah ay gaaraan.
Dhinaca kale waxaa kulanka khudbad ka jeediyay Malaaq Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq ayaa sheegay in dagaalka micno darrada ah ee u dhaxeeya beelaha ood wadaagta ah degdeg looga gaaro xal waara.
MADAXWEYNIHII HORE SHEEKH SHARIIF OO SOO GAARAY DUBAI, QORSHIHII UGU WEYNAANA KA DAMACSAN SOOMAALIYA
Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha soo socda ka degaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Midowday. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo soo gaaray Dubai, qorshihii ugu weynaana ka damacsan Soomaaliya
Sheekh Sahriif oo ka soo kictimaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa marka uu soo gaaro magaalada Dubai waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa jaaliyadda Soomaalida, madax ka tirsan Dowladda Federaalka, xubno horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo ganacsato Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu tegay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka bilaabayo qorsheyaal ku saabsan hay’adda Samadoon Foundation oo isagu asaasay, isla markaana ka shaqeyneysa arri-maha nabadda iyo gargaarka shacabka Soomaalida.
Sheekha ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa uu kul amo kala duwan kula qaadanayay jaaliyadaha Soomaalida, isagoona khudbadaha uu u jeedinayay intooda badan ku saabsanaayeen in Soomaalidu u istaagto sidii ay gacmaheeda wax uga qabsan lahayd, isla markaana u gargaari lahayd kuwooda liita.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu damacsan yahay inuu magaalada Muqdisho ka furo xarun hay’adiisu ku howlgasho, isagoona in badan ku celceliyay in loo istaago sidii wax badan looga bedeli lahaa dhaqanka cunsuriyadda ku dhisan ee la degay sharaftii iyo sumcaddii Soomaalidu ku lahayd dunida.
MAXKAMAD KU TAAL MAREYKANKA OO DIIDAY RACFAAN AY QAATEEN HAWEEN SOOMAALIYEED OO LA XUKUMAY
Maxkamada Federaalka Mareykanka ayaa Racfaan u diiday Labo Haween oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Minnesota, iyadoo mar kale Maxkamadda Racfaanka ay xaqiijisay xukunkii horay lagu riday kadib markii lagu helay dambi ah inay lacago u dirayeen Al-Shabaab.
Labadan haween oo lagu kala magacaabo Aamina Faarax Cali oo 39 jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 68 jir ah ayaa Guddi Garsoorayaal ka tirsa maxkamada Racfaanka ee Fed-eraalka Mareykanka ay u diideen inay racfaan ka qaataan xukunkooda.
Guddigan garsoorayaal ayaa sheegay in xukunkii horay lagu xukumay labadan haween ay yihiin kuwo aan qalad ku jirin, isla markaana go’aanka ay gaartay Maxkamaddii hore ay tahay mid sax ah.
Labadan haween ayaa sheegay inay caawinayeen dadka saboolka ah dhibaatooyinka ku heysta Soomaaliya, waxaana ay beeniyeen inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ama ay lacag u direen.
Aamina Faarax ayaa lagu xukumay 20-sano oo xabsi ah, halka Xaawo Maxamed Xasan lagu xuku-may 10-sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay inay sanadkii 2011 lacago u direen Al-Shabaab.
CALI AMEERIKO "SABABTII LA IIGU DIIDAY BELADWEYNE INAAN GALO HALKAAS UGAMA HARAAYO WAAN DACWOON DOONAA"
Safiirkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay inuusan ka hari doonin, sababtii loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan. Cali Ameeriko "Sababtii la iigu diiday Beladweyne inaan galo halkaas ugama haraayo waan dacwoon doonaa”
Safiirkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay inuusan ka hari doonin, sababtii loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Amarka Cali Ameeriko loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne waxaa bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ku xigeenadiisa lasoo hadlay una sheegay in Cali Ameeriko uu ka noqdo halka uu ku sugan yahay xilligaasi oo aheyd deegaanka Beer gadiid.
Wuxuu sheegay Amb. Maxamed Cali Ameeriko inuu yahay muwaadin Somaliyed oo xaq u leh inuu tago Gobol kasta oo dalka ka mid ah, taasina ay ku cadahay Dastuurka Soomaaliya, isaga oo sheegay sababtii loogu diiday gelitaanka Magaalada inuusan halkaasi uga hari doonin oo uu da-cwad gudbin doono.
"Walaahi waa wax lala yaabo isaga ayaa la weydiin doonaa, anigana arintaasi sidaasi ugama haraayo waan dacwoon doonaa xaq waxaan u leeyahay Dastuurk wadankana uu u dhigayaa wax la aqbali karo ma’ahan arintaasi.” Ayuu yiri Cali Ameeriko oo la hadlay Tv-ga Somali News.
Sidoo kale Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Kenya, ayaa sheegay inuu dhaw aan tegi doono Gobolka Hiiraan.
"Reer Hiiraan waa ay iiga tacsiyadeeyeen wixii dhacay dhamaantood Xildhibaanada, Ururada haweenka iyo masuuliyiinta Hiiraan, waan tagi doonaa Gobolka Hiiraan.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Cali Ameeriko.
Safiirkii hore ee Soomaalyia u fadhin jiray dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa socd aal ku maray Gobolada dalka inta ay ka jiraan Maamulada hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Magaalada Beladweyne loo diiday inuu galo arimo siyaasadeed awgeed.
HOOYO SOOMAALI AH OO KU DUL UMUSHAY MARKAB IYADOO TAHRIIB AH
Haweeney Soomaali ah oo ka tahriibtay caasimada dalka ee Muqdisho ayaa ku dul umushay markab laga leeyahay dalka Jarmalka kaasoo ka mid ahaa maraakiib ka qeybgalaysay badbaadinta kumanaan tahriibayaal ah.
Ciidamada Jarmalka oo ka mid ahaa kooxo ka qeybgalayay badbaadinta tahriibayaasha ayaa sheegay in haweeney Soomaaliyeed ay ku dul umushay markabkii lagu soo badbaadinayay ilmo gabar ah.
Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Raxma ayaa ah 33 jir waxana ay umushay gabar ay ugu magac dartay Safiya iyadoo gabadhana la sheegay in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay.
Raxma ayaa muddo shan bilood ah ku soo dhex jirtey tahriibka waxana ay ugu dambeyntii gaartay xeebaha dalka Talyaaniga iyadoo ka mid ah tahriibayaal lagu soo badbaadiyay markabka ‘Schleswig Holstein’ sida laga soo xigtey wargeyska Bun-deswehr.
Safiya oo ah inanta yar ee ay umushay Raxma ayaa ahayd 3kg markii ay dhalatay waana ilmihii ugu horeeyay ee ku dul dhasha markab ay leeyihiin ciidamada badda dalka Jarmalka.
Raxma ayaa waxa ay ka mid ahayd 4,000 tahriibayaal ah kuwaasoo ka soo raacay inku dhow labaatan doon xeebaha dalka Libya waxaana haatan ay ku biireen kumanaan tahriibayaal ah oo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga bilihii la soo dhaafay.
Hase yeeshee dadka tahriibaya oo sanadihii la soo dhaafay u badnaa Soomaali ayaa haatan dadka Soomaalida waxa ay ka noqdeen kuwa aad uga tiro yar wadamada kale. Waxaana ka mid ah haatan dadka tahriibayaasha ah dad u dhashay wadamada Masar,Libya,Siiriya iyo wadamo kale oo ka mid ah qaarada Afrika.XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM
GUDDOOMIYE KU XIGEENKII DEGMADA BALAD-XAAWO IYO TALIYIHII SALDHIGA DOOLOW OO LAGU DILAY DAGAAL
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dagaal culus oo ku Dhexmaray Deegaanka Kabis oo Degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbahaarey u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowl adda Soomaaliya.
Mas'uuliyiinta lagu dilay dagaalkan ayaa kala ah; Guddoomiye ku Xigeenkii Balad-Xaawo, Maxamed Yacquub Faarax iyo Taliyihii Booliiska ee Dooloow, Col. Cabdi Culusoow, sida Warbaa hinta uu u sheegay Col. Nuur Sayax Xareed oo ka mid ah Saraakiishii Hor-kacayay Ciidamadii Dowl adda Somalia.
Wuxuu Sarkaalku hadalkiisa ku daray in Deegaanka Kabis oo uu dilka Ma’suuliyiintan ka dhacay ay soo weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab; ayna khasaare Xooggan u geysteen; ayna kaga dileen 12 dagaalyahan.
Sidoo kale, Wararka laga Helayo Deegaanka Libaaxloow oo ka Tirsan Tuulo-barwaaqo oo 20-km u jirta Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray mar kale Dagaal culus Ciid amada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab. Inkastoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Iska-horimaadkaas.
Taliyaha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo, C/llaahi Yare oo isna u Warramay Warbaahinta ayaa sheegay in iska hor-imaadkan uu dhacay xilli ay ka wadeen deegaankaas ciida mada dowladda baaritaano; isagoo intaas ku daray inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolka Gedo ka socda.
Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda FS iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay Gobolka Gedo ka waday Hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in Hawlg alladaasi lagu qabtay degaanno ka tirsan Gobolkaas.
M.WEYNE GAAS OO UGU BAAQAY NABAD IYO WADA NOOLAASHO MAAMULADA DARRISKA LA AH
Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaasi oo Darraad ka hadlayay Shir wadatashi ahaa uu ka furay Magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxuu sheegay in Maamulkiisa uu yahay mid kaalin weyn ka soo qaatay sidii dib loogu soo nooleyn la haa Do-wladdnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in Maamulka Puntland uu ahaa Maamulkii ugu horeeyay ee Calanka Soomaaliya dib uga taagay Xarunta Villa Soomaaliye ee Magaalada Muqdisho.
Waxuu Mr. Cabdiwali Maxamed sheegay in Puntland dhaqaalo badan ay uga baxday dib u soo nooleynta Dowladdanimada Soomaaliya taasi oo keentay sida u hadalka u dhigay in Puntland ay ku weyso Dad iyo Dhul badan oo horey ay u heystay.
Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in loo baa han yahay in isbadal lagu sameeyo Maamulka Puntland islamarkaana isbadal uu kala yimaado dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed ayaa ugu baaqday Maamulada darriska dhow la ah Maa mulka Puntland in ay ka wada shaqeeyeen isla markaana kuwada noolaadaan Nabad iyo isku dhuubni dhexmara.
Puntland ayaa ka muuqda in aysan ku faraxsaneyn Maamulka KMG ah ee Galmudug kaasi oo haatan Xarun u ah Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
MO FARAH IYO MO AHMED OO U SOO GUDBAY TARTANKA FINALKA ORODKA 5,000M..
Orodyahanka Mo Farah ayaa ku sigtey markale inuu kufo tartanka orodka 5,000m balse waxa u suurto gashay in uu isceliyo oo uu u soo gudbo wareegga u dambeeya tartanka orodka caalamiga ah ee ka dhacaya dalka Shiinaha waxana dhici karta in uu markale labo biladood uu ka urursado tartankan.
Orodyahankan haysta labo biladood oo dahab ah tartanka Olympic ayaa doonayay in uu sad dex tartan oo isku xiga ku guuleysto orodka 5,000m iyo 10,000m, wuxuuna sidoo kale ku guuleystay labo biladood oo dahab ah tartanka caalamiga ah Moscow World Championships sanadkii 2013.
Farah ayaa waxaa kufiyay mid kamid ah orodyahanada reer Kenya ee 10,000m waxana uu ku sigtey in uu ka hormaro orodyahanka kale ee ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse u ordaya wadanka Canada Mohammed Ahmed. Hase yeeshee Mo ayaa galay kaalinta labaad isagoo ku dha maystay orodkan is reebreebka ahaa 13daqiiqo iyo 19.44 seconds, halkakaalinta koowaad uu ka gal ay orodyahanka Ethipia Yomif Kejelcha.
‘Ma fiirineyn gadaal wax badan, Caadi ayay ii ahaayeen wax walba,waana wanaagsanahay waa inaan dib u soo kabtaa oo aan isu diyaariyo Sabtida weyn taas oo kulminaysa Jess iyo Gereg iyo anigoo hore bilado ugu guuleysanay.
Farah ayaa sheegay in orodyahanada reer Kenya ay isu bahaysanayeen orodkii 10,000m balse waxa uu sheegay in uusan u malaynayn in si ulakac loo kufin tegey tartanka shanta kun.
‘Qof ayaa lugtayda qabtay,waa sida aan u cararo, qafna ma eedeynayo waayo qaabka aan u ordo waayo waan tallaabo dheerahay waxaa dhacda in marka aan tababarka ku jiro uu qof lugteyda uu ku dhaco. Taasina waa tan aan mar walba u jeclahay in aan gadaal maro ama hore u ordo ama aanba dhinacyada ka cararo.
KENYA OO SHAACISAY MAGACYADA SARAAKIIL KENYAN AH OO SHABAAB KA TIRSAN OO SOOMAALIYA KU SOO TABABARTAY
Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa shaaciyay magacyada Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo tababar ku qaatay gudaha Soomaaliya, ka dibna dib ugu laa btay dalka Kenya. Madaxa Amniga Mombasa oo lagu magacaabo Nelson Marwa, ayaa sheegay magacyada xubno u dhashay dalka Kenya oo Soomaaliya tababar Militari ku soo aatay, ka dibna Kenya dib ugu labtay.
Wuxuu ku sheegay magacyada Saraakiishaan Nassir Sogomo, Luk-eman Khatib, Nurdin Khamis iyo Jamal Rashid, dhamaantood waa Kenyan, horay u deganaan jiray Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Nelson Marwa, ayaa sheegay xubnahan inay weeraro abaabulan ka soo qaadaan deeganada kala ah Majengo iyo Diani, waana goobaha sida rasmiga ah ay weerarada uga soo abaabulaan sida uu hadalka u dhigay.
Ammaanka Magaalada Mombasa iyo guud ahaan Gobolka Xeebta dalka Kenya, ayuu shee gay inay lidi ku yihiin xubnahaan oo uu qeexay inay baadigoob ugu jiraan ciidamada Booliska.
Kenyan badan oo Shabaab ku biiray ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo fudude eyay weerarada Shabaabka ay ka geystaan Ken-ya, sidoo kalena waxa ay soo gudbiyaan xubnahaasi macluumaadka dhanka ammaanka ku saabsan.
Xoogaga Shabaab ayaa laf dhuun gashay ku noqday amniga dalka Kenya oo xilligaan walaac badan uu ka taagan yahay.
AXMED MADOOBE OO SHALAY BOOQDAY XERADA CIIDANKA KISMAAYO EE WEERARKII ISMIIDAAMINTA LAGU QAADAY…
Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay aroortii dib ugu laa btay Magaalada Kismaayo, isaga oo kasoo kicitimay Magaalada Nayroobi ayaa booqday Xerada ciid anka ee Sabtidii la soo dhaafay Ismiidaaminta ay ka dhacday.
Axmed Madoobe oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsanMaamulkaasi ayaa tagay goobtii ciid anka lagu qarxiyay, waxaana warbixin ay ka dhageysteen Saraakiisha ciidamada Xerada.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa la socotay Booqashada Axmed Madoobe uu shalay ku tagay Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo oo ciidamada lagu tababaro.
Saraakiisha ciidamada ayaa Axmed Madoobe u faah-faahiyay qaabka qaraxa uu u dhacay iyo sidoo kale khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada qaraxaasi kasoo gaaray.
Masuuliyada qaraxaasi Ismiidaaminta ah waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab oo sheegay inay weerarkasi ku dileen ku dhawaad 100 Askari, sidoo kalena ay waxyeelo ugu geysteen Saraakiil Amisom ka tirsan.
Ka sokoow hadalka Ururka Shabaab, qaraxaasi waxaa ku dhintay ciidamo gaaraya 25 Askari halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 40 Askari oo ciidamadii tababarka u taagnaa ahaa.
Jubbaland ayaa weerarkaasi Ismiidaaminta ah waxa ay u toogatay Sarkaal ka tirsanaa ciidam ada oo magaciisa lagu sheegay Cali Sankuus oo lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa qaraxa.
DIYAARADAHA TURKIGA OO KA QAYB QAADANAYA DAGAALKA DAACISH
Turkiga oo in muddo ah ka war wareegayay inuu si toos ah ugu biiro Dagaalka ka dhanka ah Ururka Daacish, ayaa xilligan waxaa la sheegayaa in Dowladda Turkiga ay qayb ka qaadanayso Dagaalka Daacish, ka dib heshiis dhexmaray Turkiga iyo Mareykanka.
Afhayeen u hadlay Pentagonka Mareykanka oo lagu magacaabo Peter Cook,ayaa sheegay inay suuragal tahay Diyaaradaha Dagaalka Turkiga inay ka qayb qaataan Duqeymaha dhanka cirka ah ee Mareykanka uu horkacaayo ee lagu haayo Xoogaga Daacish.
Wuxuu sheegay suurtagalnimada arintaan inay weli socoto, balse la rajeynaayo in maalmaha soo socda ay Turkiga bilaabaan howlgalka ka dhanka Daacish.
Heshiiska Mareykanka iyo Turkiga ay wada galeen ayaa dhigaya in laga wada qayb qaato Dagaalka Daacish si loo nusqaamiyo awooda Kooxda oo ku sii fideysa dalalka Syria iyo Ciraaq.
Turkiga ayaa horay u ogolaaday in laba ka mid ah saldhigyadiisa ciidammada cirka ay isticm aalaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, waxa uuna horay u qaaday dhowr weerar oo ka dhan ah kooxdaasi balse haatan waxa ay noqon doontaa in uu si rasmi ah ugu biiro xulafada ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah.
Kooxda Daacish, ayaa la sheegayaa awood ahaan inay sii baahayaan, waxaana ay ku sii fidiyaan Magaalooyin ka tirsan Syria iyo Dalka Ciraaq oo Xoogooda ay ka dagaalamaan.
NINKII DILAY WERIYAYAASHA MAREYKANKA OO DHINTAY
Taliyaha booliska ee deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi lagu tuhunsanaa weerarkaasi oo lagu magacaabi jiray Lester Flanagan uu gaarigiisa orod ku maray jid gooye ay dhigteen booliska.
Gaarigiisa ayaa ka baxay wadada kaddib markii uu istoogtay waxaana loo qaaday isbatalka halkaasi oo uu ku dhintay.
Mr Flanagan ayaa la qabtay saacado un kaddib markii sida la sheegay uu dilay weriyayaasha TV xilli ay toos war tabinayeen.
Fariin la sheegay in uu soo diray ninkaasi hubaysnaa ayaa muujinaysa in uu ka caraysnaa wax lagu sheegay cunsuriyad oo isaga lagula dhaqmay.
Fariintaasi qoraalka ah oo uu u diray (ABC news) ayaa waxa uu ku sheegay in loo bartilmaameedsaday inuu ka tirsanaa ragga ragga kale u galmooda isla markaana madow ah sidaana shaqada looga eryay.
Maareeyaha taleefishinkaasi ayaa ku tilmaamay ninkaasi mid aan faraxsanayn oo ay adkeyd in lala shaqeeyo.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerrarka mid tusaale u ah waxyeelada adeegsiga hubka taasoo gudaha Mareykanka ka noqotay wax caadi ah, waxa uuna ugu baaqay Congress-ka in uu meelmariyo sharciyo adag oo lagu xakameynayo isticmaalka hubka.
CIIDAMADA AMMAANKA GAARISA OO QABTAY HUB IYO DADKII WATAY
Ciidamada Ammaanka magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag iyo haween lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo lala soo qabtay hub. Madaxa Ammaanka ee Gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax ayaa sheegay in ciid-amada ay soo qabteen hub isugu jiray bastoolado, bam gacmeedyo iyo sanaadiiq rasaas ah.
Waxaa uu sheegay in dadka la soo qabtay ay qaarkoodka soo jeedaan Tanzania, halka kuwa kalena ay Soomaali yihiin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadkan la soo qabtay iyo hubka ay wateen ay qorsheyna yeen in weeraro ka geystaan gudaha magaalada Gaarisa. Madaxa ammaanka Gaarisa ayaa shee gay in soo qabashada raggan ay ka dambeysay, kadib markii ay shacabka Gaarisa ka heleen xog ku aadan dadkan iyo hubka ay heysteen.
Al-Shabaab ayaa horay weeraro ugu geystay gobolka waqooyi bari Kenya, iyadoo bishii April ee sanadkan la weeraray Jaamacada Gaarisa oo lagu dilay dad ka badan 140 ruux oo arday u badnaa.
CABDI MAXAMUUD CUMAR: SOOMAALIYA WAXAA NAGA JOOGA CIIDAMO DAGAAL KULA JIRA AL-SHABAAB
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay ciidamada deegaankiisa ee loo yaqaanno Liyuu Booliiska ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, ayna kula Dagaallamayaan Al-shabaab.
Maxamuud ayaa xusay in ciidankooda ay xilliga ka Hawlgalayaan Gobollada Hiiraan iyo Bakool, isagoo Xusay inay qayb ka yihiin Ciidamada Caawinaya Dowladda Soomaaliya; maadaama sida uu sheegay ay jiraan xaalad Amni darro oo kaga imaan karta Al-shabaab.
"Ciidamadeenna Liyu booliiska ah waxay la Dagaallamayaan Xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya, Waxayna joogaan Gobollada Hiiraan iyo Bakool," ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cum-ar.Sidoo kale, Madaxweynaha DDS ee dalka Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay inay guulo ka gaareen ciidamadiisu dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, ayna dhabarjabiyeen kooxaha ka soo Horjeeda amniga Gobolka, isagoona xusay inay Qorsheynayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in laga saaro Al-shabaab deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Hadalkan ayuu Madaxweynaha DDS Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar wuxuu ka sheegay Shirwaynaha 12-aad ee Ururka TPLF oo ka dhacay xarunta Gobolka Tigray ee Magaalada Maqale.
Ugu dabmeyn, Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa qirtay inay joogaan Soomaaliya Ciida mmo ka socda Itoobiya oo aan qayb ka aheyn Howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin u joo ga sidii ay u caawin lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.
DOWLADDA KENYA OO SII DEYSAY BOQOLAAL RUUX OO KU EEDEYSNAA URURK AL SHABAAB
Gudoomiyaha Magaalada Mombasa Nelson Marwa ayaa xaqiijiyey in xabsiyada Magaalada Mombasa laga sii daayey ilaa labo boqol oo ah dhalanyaro la xiriirinayey Al Shabaab.
Dhalanyaradaasi ayaa waxaa Booliiska Magaalada Mombasa ayaa ka soo qab qabteen Masaajidyo halkaasi ku yaala Bishii September sanadkii hore ka dib markiihalkaasi laga sameeyay howl looga hortagayo dadka gacansaarka la leh xaraka al shabaab.
Sababaha sii daynta dhalanyaradaasi ayaa lagu sheegay ka dib markii siyaasin caan ka ah Kenya ay ka codsadeen in dhalanyaraadasi la sii daayo.
Nelson Marwa gudoomiyaha momba asa oo ka hadlayey kulan looga hadlay amniga ayaa ugu baaqay in waalidiinta dhalay dhalanyaradaasi ay la socdeen dhaqdhaqaaqooda isagoo xusay in mudadii xabsiga ay ku jireen la dhaqan celiyey.
Inkastoo inta badan la soo dhalanyaradaasi lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen al shabaab ayaa waxaa hadana soo baxay cabasho ka soo yeerasa waalidintii taasoo sheegaysa in qaar ka mid ah dhalanyradaasi wali xabsiga lagu hayo.
Dowlada Kenya ayaa bilowday howl galo ay ka hortagayso dhalanyrada loo qorto al shabaab ee dalka Kenya kuwaasoo badan kood wax kabarta jaamacadaha iyo dugsiyada dalkaasi
MOOSHIN M/WEYHNE MA RIDI KARAA?
Mooshinka dadka daba cararaaya waxay moodeen erayga mooshin inuu madaweyne ridi karo. Ma oga ama ma yaqaaniin inay jiraan shuruudo loo baahan yahay in la qeexo marka Madaxweyne la ridaayo.
Nasiib darro, afhayeenka barlamaanka oo soo bartay sharci weligiis kuma dhaqmin wax sharcigu u oggol yahay iyo waxa ka reeban…Jawaari uma sheegi karyo xildhibaanada arrintaan ay wadaan inays an jirin wax caddeyn kara eedeymaha lagu soo qoray mooshinka, waxaana loo baahan yahay, sida qayn uunka qabo, in eedeyntu ay tahay mid caddaymo loo hayo wax shaki ahna uusan ku jirin…. sida lagu qe exo sharciga oo ah”beyond any reasonable doubt”waxay soo qaateen erayo laga soo guuriyay qaynuun ka looga dhaqmo Mareykanka oo ahaa dalka ugu weyn adduunka oo isku dayay inay madaxweyne ku ridaan "impeachment”.
Shuruudaha loo cuskaday waxaa ka mida inuu galay dembiyada ( treason, bribery and other high crimes and misdemeanors). Ma yaqaaniin erayadaas meesha ay ku habbon yihiin oo loo adeegsan karo.
Bal ka soo qaad erayga "treason” khiyaana qaran maxay ku caddeyn karaan in Madaxweyne Xas an Sheikh galay khiyaana qaran…runta marka la sheego heerka uu maanta maraayo dalka aad ayuu ugu duwan yahay ugana fiican yahay markuu yimid Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana socda hour mar la wada qiray inuu ku socda xowli aad u dheereeya marka loo qiyaaso wadciga Soomaaliya..waxay ku xejiyeen musuqmaasuq oo ay ka soo qaateen "bribery”sida ku xusan dustuurka Mareykanka, xagey uga keeni rabaan caddeyn.
Waxaa loo baahan yahay waxa lagu magacaabo "tangible evidence supported by docume nts”… away aqoonti uu sharciga u lahaa Jawaari`? Mooshinka inuu qabto ayaa khalad ahayd….waayoo waa lab-la-kac aan wax sharciga ah sal ku lahayn, markaasey ka codsadeen Madaxweyne Xasan Sheikh inuu iscasilo. Waxay moodaan erayga MOOSHIN marka lagu dhawaaqo in Madaxweynuhu dhacay!!!
Sidi aan horey u sheegnay Jawaari cidna ma dhihi karyo waad khaldan tahay, isagoo iska dhowr aya iska horimaad ayaa takri fal, xad-gudubyo iyo dhaqan xumo kasta laga sameeyaa baarlamaanka
gudihiisa mana ka hadlin weligii!!!
Bal xasuuso wixi dhacay xilligi mooshinka C/weli Xiirane markuu baarlamaanki isu beddelay maq aayadihi fadhi-ku-dirirka oo kale!!!
Waxaan saluugsanahay aaway la-taliyeyaashi Madaxweynaha ee xagga sharciga ? Maxaa ka horjooga inay arrimahaan ka hadlaan ama ay wax ka qoraan waa haddii howsha loo igmaday ay tani ka mid tahay!!!
Arrinta kale ee naxdinta leh waxay tahay in baarlamaanka soo socda ay soo xuli doonaan dowlad ngobaleedyada hadda jira iyo kuwa dhalan doona mustaqbalka dhaw…haddii ay taasi dhacdo Soomaal iya waa u dhammaatay, mana jiri doonto dowlad dambe oo dalkaan ka talisa.
Waxaa dhici doonta in nin waliba uu tuuladiisa u tashado, dalkaana la kala qaybsado sidi horey uu u kashifay Daniel Arap Moi isagoo ku sugan Mareykanka….tii ayey ku socotaa!!!
Waxaa la diyaariyay dadki fulin lahaa oo laga dhigay madaxweynayaal gobol oo ay wax kasta u beec yihi in!!! Allow naga soo gaar!!!
Farriin ku socota Muddulood:
Mudduloodka ku jira barlamaanka waxaa la yiri Madaxweyne Xasan Sheikh ma taageersana, wax aa iga xasuusin ah madaxweynaha P/land C/weli Gaas oo ah qaswadaha ugu weyn ee ka dambeeya bu uqa iyo rabshadaha ka socda meelo badan oo dalka ah sida Jubbooyinka, Gobollada Dhexe, K/Galbeed iyo baarlamaanka uu taageero ka heysto xataa laymankoodu…adinkana nin isaga isa soo bixiyay oo heerkaa soo gaaray oo ah meshi dalka ugu sareysay ayaad u diidan tihiin taageero, waxa loola dagaala mayana oo lagu nacaayana waa inuu adinka idinka dhashay ee cid uu dembi ka galay dalka iyo dadka ma jirto…kuwa sida aadka uga soo horjeeda waxay cadeysteen in neceyb qabiil riixaayo. Marka Madaxw eyne Xasan Sheikh waa nin aan niman lahayn.
Ogaada intuu Ilaahey u qoray ayuu meesha joogi doonaa cid sharci darro wax uga qaadi kartana ma jirto. Wax dembi ah uu galayna ma jiraan haddii runta la rabo!!
Waxaa diyaar ah kooxo iska xilsaaray inay arrimahaan murugsan oo jahliga iyo isir-neceyb ku sal eysan ay talooyin ka bixiyaan tallaabooyinka ku habboona ka qaadaan hadba sidi loogu baahdo.
Axmad Calasow
bashaar10@outlook.com
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 27-KA AGOOSTO 2015-KA
KULANKA BAARLAMAANKA OO LAGA SHEEGAY IN AMISOM AY BIXINEYSO MAGDHOWGA DADKII AY KU DILEEN MARKA Kulanka Mudanaaysha Barlamanka Somaliya Maaanta ay yesheen Ayaa Waxa Warbixin loo ga Dhageysatay Gudiga Difaaca Barlmaanka.