Maqaal: Banaadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe.Hillaac biyihiisii caddaysay.

0
Wednesday October 21, 2015 - 10:23:04 in Maqaallo by
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Banaadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe.Hillaac biyihiisii caddaysay.

    Ma rabo inaan ku dheeraado arar fara badnQoralka oo gaaban awgiis. Ma jecleen in aan qalinka iyo warqadda isu qaado xilliyadaanwaase ka gaabsan waaayey, ka dib markii aan arkay sida ay wax u socdaan. aniga oo soo xusuustay xikmaddii ahayd"i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma rabo inaan ku dheeraado arar fara badnQoralka oo gaaban awgiis. Ma jecleen in aan qalinka iyo warqadda isu qaado xilliyadaanwaase ka gaabsan waaayey, ka dib markii aan arkay sida ay wax u socdaan. aniga oo soo xusuustay xikmaddii ahayd"ishii aan meel dheer wax ka arkiney dhac"waxaan yara saluugay dadka hoggaanka u ah Gobollada Hiiraan, SH/DHexe, iyo Banaadir. waxaa laga wada dharagsan yahay in dadka ka soo jeedaGoballada waqooyi xildhibaanadoodii wasiiradadoodii

ay soo saareen qoraal dheer oo ay ku saxiixan yihiin aan ku aragnay websityada 19.10.2015 iyo baraha bulshada kuwada xariirto.
ay Xaqoodii si sharaf leh ay u sheegteen iyaga oo aan cidna dulmin.
iyaga oo yara saluugsan qaabka wax loogu qaybsaday madasha wada tashigaee 2016 doorasho ama dowlad lagu dhisaayo dadka mumataliinta ah yacni wakiiladaee gobollada somalia oo idil.

walaalaha reer waqooyi iyaga oo aan cidna farta ku fiiqin ay mowqifkooda ku aadan sida in wax loo qaybsado ay tahay ayay sheegteen


qoraalkaasina ay ku faafiyeen dhammaan baraha iyo websityada.

Taasi micnaheedu waa Hillaac biyihiisii caddaysay.. waa kuwaasaa Gobolladii waqooyi
ay mowqifkoodii caddaysteen.

waa yaabe.. aaween kuwii metelaayey GOBOLLADA BANAADIR, SH/DHEXE IYO HIIRAAN?waaba la ogaay inaad hurda weyn tihiin.
horaa loo yiri "nin hurdaa garasho laga dhowr iyo in uu wax arkaaye”dhawaaqa yeeray saakay ma ku kacdeen mise weli waa hurudaan. oo waxaad weli ku jirtaan hurdadiidheereed ee la idin seexiyey…

Shalay "Hurda weynin waa nalagu ogaay.. laakin Garasho xumo nalaguma ogeyn”
Ragga hogganka hayow xilligaani.. Fadlan hanagu tirinina
Maantase ” Garasho xumo yaan naloo raacsiinin” ee ka gadooda
weerta xun.

waxaan idin leeyahay dadka ka soo jeeda gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ku toosa… jaraska yacni Gambaleelkii ay ka dhawaajiyeenwalaalihiin reer waqooyi.
ma garateen mise weli waxbaa idiin dhimman.

qoraalkaasi ay soo saareen reer waqooyigu .. toodana waa ku sheegteenGobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Banaadirna waxbay tuseen,in qoraallada ka soo baxa Villa somalia aysan qur’aan ahayn, oo wax laga beddeli karo haddii loo arko in uu hab maamuuskoodo yara janjeero.
Miisaankuna uu dheelli tirnyn. in la dhaho ratiga dhinac ayauu ka raran yahay.

ogaada xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.taariikhda ayay idiin gelee inaad goob somali oo idil ay wax ku qaybsanaysogogashuna ay taalo gurigiinna in aad ka maqneedeen oo aan la idin tirinin.
doodna aadan ka qabininna,
Waxaadn ogolaateen in rag kale reerihiinna ay dhaqaan.

somalidu waxay tiraahdaa "haddii lagu sheelo waa la isa sheegaa”kaliya waxaan idinku guubaabinayaa cidna idinka oo aan dulminaynin
xaqiina sheegta. tan dadka kale ee la dulminaayana sheega.

Xusuusnaada xikmaddii ahaydnin aan dhalan dhaxal ma lehwaa yaabe sidaasi miyaa tihiin sow ma jirtiin.
mise ….. .. idin ma dhihi karo oo ma mudnidiin

xildhibaanada, wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka soo jeeddawaxaan ka codsanayaa inay ku doodaan in halka somali wax ku qaybsanayso
ay goob joog ka ahaadaan DAD MATALA GOBOLADA HIIRAAN, SHABEELAHA DHEXE IYO BANAADIR.

Mas’uuliyiinta na matasha waan aqoonsnahay.. waana uga dambeynaamas’uuliyaddii aan u idmanay..
laakin haddii ay na dayacaan.. waxaan leenahay hana dayicina.
hana nagu kalifininna inaan idinka daba hadalnooo aan qoraallo u dirno goobaha ay khuseyso.

waa walaalkiin Maxamed "Macallin” Cali "Daa’uud” Calasoow oo ay daka qaar u yaqaanaan (Calas) 

emelkayga. m_alisow@hotmail.com

xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip