Dagaaladii Hintire iyo Wacdaan ku qaadeen isticmaarkii Talyaaniga

0
Friday June 10, 2016 - 22:38:59 in Maqaallo by
  • Visits: 1605
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaaladii Hintire iyo Wacdaan ku qaadeen isticmaarkii Talyaaniga

    ARAAR: Aqristoow,waxaan isku dayay in aan aad u soo kobo qormadaan,si aadan uga daalin aadna wax uga ogaato taariikhda iyo dagaaladii somalidii hore iyo gumeeystaha dhax martay oo laga yaabo in aad ka ogtahy in kabadan inta aan ka aqriyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ARAAR: Aqristoow,waxaan isku dayay in aan aad u soo kobo qormadaan,si aadan uga daalin aadna wax uga ogaato taariikhda iyo dagaaladii somalidii hore iyo gumeeystaha dhax martay oo laga yaabo in aad ka ogtahy in kabadan inta aan ka aqriyay.
HINTIRAHA: oo dagaala badan oo hore uu u galay ka soo kabanayay ayaa waxaa gacan weydiistay Wacdaanka oo markaa dagaal kula jiray Talyaaniga, Hintiruhuna waxey ku jawaabeen in ayna dagaal u aadeyn meel deegaankooda ka baxsan ilaa iyaga la soo weeraro. waliba hoggaamiyaha Hintire CAASHIR sidaa uma diidaneyn Talyaaniga hase yeeshee markii uu dhintay Caashir, bishii May 1907-dii, ayaa saddexdiisii wiil ee Bahda yar u dhashay waxey isku raaceen in Talyaaniga lala dagaalamo, saddexdaa wiil oo kala ahaa: Xasan, Xuseen iyo Aw Yuunis, inkasta oo uu ka fikir duwanaa wallaalkood Curadka ahaa Muxudiin dhaxlayna hoggaankii Caashir iyo Sh. Ismaaciil oo Curad xigeen ahaa oo inta badan cilmiga bari jiray qabiilka Hubeyrta ee Daafeed dega.

                        Waxaa kale oo isna jiray wallaalkood Abuukar oo Daraawiishta ka soo noqday, Abuukar oo aaminsanaa fikirkii Daraawiishta wuxuu bilaabay dagaalkii Talyaaniga looga difaacayay Mareerey (Afgooye), dagaalkaa oo lagu dilay 70-Hintire ah waxaana la gubay tuuladii xarunta u aheed Hintire kaddibna waxaa dagaalladii duurka ka sii waday dad iskood Daraawiishta u taageersanaa oo ka koobnaa jilibyada Hintiraha ee Daa’uud, Suleymaan iyo Yasmiin, shaqsiyaadkii dagaaladaa ku caan baxay waxaa ka mid ahaa: Xuseen Maxamed Yaxyow iyo Ibraahim Shuceyb oo labaduba heystay buntuqyo (qoriyo-Guns) kuwii berigaa la isticmali jiray ee xabbad kaliyaalaha ahaa, sida uu sheegay Dr.Lee burburkii xiriirkii Gellediga iyo Hintire ma saameyn xiriirkii Gellediga iyo wacdaan oo dhinaca bari iyagu ka soo xigay Hintiraha.

                          WACDAAN: qarnigii 19aad, Wacdaan Geelley ah ayaa degenaa inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye, bartamihii qarnigaa ayaa qaar beeraley noqdeen, beeraha Wacdaanna waxaa tacbi jiray addoon la keenay 1840-kii FM buugga,Lee V. Cassanelli bogga 215-aad, Wacdaanku colaad joogto ah ayey Talyanniga kula jireen iyagoo diidanaa in Talyaaniga dhinaca xeebaha ka soo fidayay inuu dhulkooda sii maro, waxeyna ka xireen wadadii ganacsiga ee xamar iyo Afgooye isku xireysay, taasi Talyaaniga wax bey u tartay oo dadkii waddada ku lahaa danaha ganacsi iyo Wacdaankii ayuu iska hor keenay Wacdaanka laba cadow ayuu yeeshay oo kala ah Talyaaniga iyo ganacsato, ganacsatadii waa weyneyd ee danaba ku laheyd waddadaasi waxaa ka mid ahaa reer Abbow. Maxamed Suubis iyo reer Xaaji oo saddexduba ahaa ganacsatada Xamar ee jidka isticmaalayay, dhinaca kalena taajiriintii Afgooye ee berigaa oo ay ka mid ahaayeen Aw Nuur Axmadow iyo Maxamed Abtiyow, ganacsatadaa oo culeys ku hayay Wacdaanka intii u dhaxeysay 1896-1907-dii iyadoo ganacsatadu aad u daneynayay raashinka dulsaarka ah oo ay ka qaataan beeraleyda yar yar.

                         Weeyna adkeed in talyaanigu wadada dhinaca waqooye uga leexdo halkaa oo uu ka jiray maamul aad u adaka aadna lagana baqayay oo Moobleenku uu lahaa kaa oo katalinayay bariga iyo galbeedka wabiga shabeele illaa cirifyada Hiraan iyo degaanka u dhaw buur,talyaaniguna wuxuu ka baqayay in uu isku furo dagaal cusub oo Moobleenka uu la galo,Moobleenku wuxuu lahaa ciidama adoon u badnaa oo tababaran daacadna u ahaa hogaankooda iyo saraakiil Moobleen ah oo dagaala hore khibrad ka kasbaday. Waxa talyaaniga soo gaarayay in Moobleenku ay ciidama difaac ah ku diyaarinayaan inta u dhaxeeysa Taytayleey iyo Cadayga,ayna wacdaanka ka balan qaadeen in aan dhinacooda laga soo dhabar jabin .cabsidaa laga qabay awooda Moobleenka ayaa talyaaniga ku kaliftay in uuna aadin dhinaca waqooye ee moobleenka xooggana uu saaro wacdaanka.wacdaanku markii dambe ma helin gacantii uu ka sugayay Gelidaiga oo markaa waxaa jiray khilaaf Galadiga dhaxdiisa ahaa,Cidda kaliya oo markaa wacdaanku gacan ka helay waxa ay aheed qabiilka Murusadaha,waa sida ku qoran buugga”Ricordi del Banadir” ee uu qoray Sorrentino, Bogga 32-34.

                     Wacdaanku markii dambe waxey diyaariyeen duullaan weyn oo Xamar ay rabeen iney uga qabsadaan Talyaaniga, taa oo la aaminsan yahay in ay awoodeen in xamar ay si fudud ku qabsadaan, hase yeeshee waxaa ka joojiyay Sheekh Abuukar Yarow oo la yiraa wuxuu ahaay wadaad Sheekhaal ah oo yiri; jimco ha duulina ee suga ilaa Ri’ iyo Mas laga qalo, oo lagu tacdaarto, dib u dhacaasi wuxuu hakiyay ciidamadi Wacdaan ee maalintaa Xamar qabsan lahaa, arrintaasi waxa ay Talyaaniga u nogotay fursad uu ku badbaado. Kadibna waxaa Wacdaaanka awoodiisii wiiqay abaartii 1899-kii ku dhacday deegaankooda, taa oo keentay in shacabkii deegaankaa barkiis in ka badan ay dhulkoodii abaar uga qaxaan oo ay gudaha carra madowda u gudbaan iyadoo dadka deriska la ahina ay aad uga baqi jireen, Wacdaanka waxaa hogaankooda ugu sareeya ee dhinaca diinta ka mid ahaa Sheekh Axmed Xaaji Mahadi oo u dhashay qabiilka Bandhabow, Sheekhu wuxuu fidinayay diinta wuxuuna ku xirnaa Sheekh Suufi iyo Sheekh Muqtaar.

                     Sheekhu wuxuu ku soo qaxay tuulada Nimow markii Talyaanigu madaafiic ku garaacay Wuxuuna tegay Daay Suufi oo ka tirsan degaanka Wacdaan, sida uu yiri Dr. Lee. Sheekhu wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa hoggaamiyaha Wacdaanka Xasan Xuseen oo madax u ahaa jilibka Abuukar Mooldheere oo ahaa kuwa ugu badnaa uguna dagaalyahansanaa Wacdaanka, Xasan Xuseenna si a toos ah ayuu uga soo horjeestay Talyaaniga, Dr. Lee wuxuu leeyahay Wacdaanka kale ee Mahad Mooldbeere Waxey degaan Afgooye iyo Adablaha, hase yeeshee labada Wacdaan dagaalkii Lafoole waa wada galeen, Mahad Mooldheere inkastuu Gellediga la xeer ahaa waxaa hoggaaminayay Abiikar Axmed Xasan, Talyaanigu iyagoo doonaya a iney labada Wacdaan kala jaraan ayey nabadoonkii Mahad Mooldheere mushaar u qoreen, kan Abuukar Mooldheerana waa u diideen oo dagaal ayey sii wadeen ilaa 1908-dii markii Talyaanigu qabtay jilibka Abiikar, inkastoo ay jabeen hadana nabadoonka Abiikar waxaa loo qoray mushaar kan Mahad ka yar.. ilaa 1960-kiina nin reer Mahad ah ayaa loo magacaabayay nabadoonka guud ee Wacdaanka bacdamaa ay Tayaaniga raaceen, 52-da sano oo dagaal ah kadib Wacdaankii carooday 1908-dii ee Darwaashiita aaday waxaa ka mid ahaa Barqash Yuusuf, Maxamed Geedi, Cali Cumar Carrarey iyo Mustafa Xuseen FM buuega Dr. Lee oo ka tirsan jaamacadda Bensalofania bogga 217aad.


      FG. Ma ahi Taariikh-Yaqaan ku Taqasusay Taariikhda Sidaa Darted Qoraalkan ,Wax Waad ku Kordhin Kartaa, Sixi Kartaa,Dhaliilina Kartaa.
W/Q: Yahya Amir
XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip