Faallo: Qatar la yareysanayo oo isu badali karta masiibo weyn

0
Tuesday October 20, 2015 - 11:24:27 in Maqaallo by
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Qatar la yareysanayo oo isu badali karta masiibo weyn

    Qatar la yareysanayo oo isu badali karta masiibo weyn (Sadax carruur ah iyo aabahii dhalay oo roobab iyo qabow u geeriyooday) Sida ay dad badani la socdaan muddooyinkan waxaa laga digayay roobab mahiigaan ah oo sababi kara qasaare iyo fatahaado ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qatar la yareysanayo oo isu badali karta masiibo weyn (Sadax carruur ah iyo aabahii dhalay oo roobab iyo qabow u geeriyooday) Sida ay dad badani la socdaan muddooyinkan waxaa laga digayay roobab mahiigaan ah oo sababi kara qasaare iyo fatahaado ka dhasha wabiyada dalka.


Culumada saadaaliya hawada waxa ay sheegeen in xaalku noqon karo sida Deyrtii Biyo Badan ee 1997-1998(il Nino).

image

Xiliigaasi aad baa loo xusuustaa waxaa fatahaado sameeyay wabiyada Shabelle iyo Jubba, waxa ay gaartay markii danbe dad iyo dugaag biyaha ka cararaya in ay geed qura wada magan galaan.

Waxaan xilligaas la shaqeynyay hey’ad Talyaani ah oo la yiraahdo Intersos waxana aan joogay Jowhar. Beerihii dalagyadii lagu abuuray dhawr jeer ayay baabaeen markii u danbeysayna waxaa dalagyadii iyo duunyadii ku dagay cudur, ogow dhulka doogiisa waxa uu ahaa xad dhaaf gaar ahaan dhulka taagga ah ee aaney biyaha wabigu gaarin.

image

Saameyntii ka dhalatay roobabkii xad dhaafka ahaa waxaa dadka ay ku keeneen cuduro aan dalka lagu sheegi jirin sida Rift Valley Fever oo aheyd markii ugu horeysay ee aan maqlo ,Dangue Fever iyo cudur ay Soomaalidaa xilligaa u bixisay Kaduudiye.

Waxaa waagaa dadkii labada webi hareerahooda ka barakacay lagu qiyaasay hal milyan.

Ilaah ha innaga hayo Deyrtaa oo kale balse waxaa haboon iyo Shacab iyo Dowladba lala yimaado diyaargarow (Emergence Preparedness) hadii wax la mid ah tii xilligaa ay innagu yimaadaan,Soomaalidu wax ay tiraahdaa Kheyr wax kaama dhibee shar u toog hay.

Hadda xilligan dhulka koofurta badankii waxaa ka da’ya roobab ,meelaha qaar waxaa la ii sheegay in uu soconayay ku dhawaad 24 saac.

Tuulo la yiraahdo Albeeto oo ku taalla xadka u dhaxeeye Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaa saaka ku dhintay oday sabool ahaa iyo sadax carruur ah oo u dhalay ,qabow iyo roobab aan kala go’ laheyn awgii.

Waxaan la socdaa Guddiga xaaladaha degdegga ah oo ay dowladdu dhistay in ay mar si hoose uga hadleen Il Nino digniinna ka bixyeen iyagoo idaacadaha isugu yeeray taasi sida muuqata kuma filna hadii uu xaalku adkaado. Dowladda Kenya ayaa gobollo ka mid ah nala qaba digniinaha balse dadaalkoodu ma yara.

Culumada, Saxaafadda waxaa laga rabaa in ay qaataan doorka wacyi galinta, berrigaa tashiilaadka isgaarsiineed ee hadda la heysto lama heysan wax badan ayaa la qaban karaa.


Cidina uma maqna ceelna uma maqna ,kolka hore aan ka tashanno oo aan u istaagno sidii aan isu caawin laheyn.

Macalimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip