WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA JUUN 2016-KA

0
Thursday June 09, 2016 - 11:10:19 in Wararka by
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 9-KA JUUN 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN: DIYAAR AYAAN U NAHAY IN AAN LA NOQONO QOXOOTIGEENA DHADHAAB KU NOOL Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Waddanka Ke nya ee Magaalada Nairobi ka Sheegay Shalay inuu Dalkiisu diyaar u yahay in ay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN: DIYAAR AYAAN U NAHAY IN AAN LA NOQONO QOXOOTIGEENA DHADHAAB KU NOOL Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Waddanka Ke nya ee Magaalada Nairobi ka Sheegay Shalay inuu Dalkiisu diyaar u yahay in ay dib ugu soo lab taan Qoxootiga ku nool Dhadhaab; si ay uga qaybqaataan dib u dhiska Qaranka.

Xasan Sheekh, ayaa Hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo ay Wadajir ugu qabteen isaga iyo Kenya tta Xarunta Madaxtooyada Dalka Kenya ee Nairobi, ayuu ku sheegay in dib u celinta Qoxootiga ay noqoto mid Waafaqsan Xeeerarka Caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in arrinta muhiimka ah ee la doonayo ay tahay in marka hore la darso deegaanada la dajinayo qoxootiga iyo in ay leeyihiin dhamaan kaabaya ashii bulshada ee loo baahnaa.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Kenya martigelintii Qoxootiga Soomaaliyeed ay Dalkeeda ku haysay muddada 25ka Sannadood ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay ka ciyaari karaan qoxootigu door wanaagsan dib u dhiska Somalia, Wuxuuna Sheegay in Kenya ay ka heleen waxbarasho wanaagsan intii ay ku noolaayeen.

MADAXWEYNAHA UGANDA OO XAASKIISA U MAGACAABAY WASIIRKA WAXBARASHADA IYO ISBOORTIGA

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka koo ban 80 Wasiir, iyadoo isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiiradii hore.

Yoweri Museveni ayaa Wasiirka Waxbarashada iyo Isboortiga u magacaabay xaaskiisa Janet Museveni, waxaana arrintan ay noqotay mid hadal heyn badan dhalisay.

Janet ayaa Wasaaradda loo dhiibay ee Waxbarashada iyo Isboortiga ah kuwa ugu muhiims an, waxaana loo arkaa mid ka mid ah wasaaradaha ugu miisaaniyada badan.

Mr Museveni ayaa dib u soo celiyay Wasiirkiisa arrimaha Dibadda Sam Kutesa, halka dhowr Wasiirna uu xilka ka qaaday.

Hey’addaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Museveni kali talisnimo, waxaana horay reer galbeedka ay shaki geliyeen doorashadii dhacday bilo ka hor.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu xukunka dheer Afrika, waxaa uu sanadkii 1986 la wareegay talada dalka.

MADAXWEYNAHA TURKIGA OO ISBITAALKA KU BOOQDAY DADKII KU DHAAWACMAY QARAXII MAGAALADA ISTANBUL …

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaa wacmay weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee Talaadadii daraad ka dhacay Magaalada Istanbul.

Qaraxan, ayaa waxaa lala eegtay bas ay leeyihiin Ciidanka Booliska Istanbul, waxaana ku dhi matay ugu yaraan 11 ruux, halka 36 kalana ay ku dhaawacantay. Gudoomiyaha Gobolka Istanbul, Vasip Sahin oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 11 qof, oo toddobo ay yihiin Ciidanka Booliska, halka 36 kalana ay ku dhaawacantay, kuwaa oo saddex ka midda ay xaaladoodu garaab tahay.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa mid mid u gacanqaaday dhibanayaasha oo rayid u badan, ku waa oo uu u rajeeyay inay ka soo kacaan dhaawacyada ka soo gaaray qaraxa.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, illaa iyo inta laga soo afjarayo.

"Weerarkan argagaxiso waxaa lagula kacay kuwii ammaanka masuulka ka ahaa, tani maaha wax la cafin karo, qiilna malaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweynaha, ayaa yiri "Waanu sii wadi doonnaa halganka aanu argagaxisada kula dagala mayno, illaa aan ka dhameynayno si aanay baqdin ku jirin, islamarkaana harsi lahayn.”

Weerarkan, ayaa noqonayo noociisii afaraad oo ka dhaca Magaalada Istanbul, sanadkan, iya doo weeraradan looga bartay Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga iyo Ururka Daacish.

YUSUF GARAAD OO LOO MAGACAABAY SAFIIRKA CUSUB EE SOOMAALIYA U FADHINDOONA QARAMADA MIDOOBAY

Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday Yusuf Garad Cumar Madaxa joogtada ah ee Erg ada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

Magacaabistan waxaa xaqiijiyey Yusuf Garaad Cumar oo hadda ku sugan Magaalada Moqdi sho ee Xarunta Soomaaliya. Danjire Yusuf Garaad oo horay madax uga ahaa Laanta Afka Soo maaliga ee BBCda, ayaa wuxuu beddeli doonaa danjire Dr. Climi Ducaale oo in ka badan 10 sano Soomaaliya safiir uga ahaa Qaramada Midoobay (QM).

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu Sannadkii 2012kii, isku soo Sharraxay jagada Madaxtinimada Soomaaliya, balse wuu ku guuldarreystay.

Sidoo kale, intaan loo magacaabin xilkan cusub, Yusuf Garaad wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala talin jiray arrimaha la xiriira warbaahinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar, ayaa tariikh dheer ku leh warbaahinta Soomaaliya isaga oo si weyn loogu xasuusto doorkii uu ka qaatay intii madax ka ahaa laanta Afka Soomaaliga ee BBCda, waana shaqsigii Soomaaliyeed ugu dambeeyey ee madax ka noqda laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

NIN MADAX U AHAA SHABAKAD DADKA TAHRIIBIN JIRTAY OO LOO GUDBIYAY TALYAANIGA

Medhanie Yehdego Mered oo ah 35 sanno jir u dhashay dalka Eritareeya ayaa loo gudbiyay dalka Talyaaniga isaga oo lagu eedeyay inuu madax u yahay shabakad dadka tahriibin jirtay.

Ninkan ayaa shalay laga soo qaaday dalka Suudan waxaana loo gudbiyay dalka Talyaaniga si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo islamarkaana cadaalada loo hor keeno,booliska ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

Medhanie Yehdego ayaa lagu xiray magaalada Khartoum ee dalka Suudan dhamaadkii bishii May ee sanadkan sida lagu sheegay warsaxafadeed uu booliska soo saaray.

waxa la aaminsan yahay in Medhanie Yehdego uu kamid yahay madaxda ugu waa weyn ee dadka ka tahriibin jiray dhinaca Libya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Suudan ayaa u sheegay Wakaalada AFP in ninkan uu dhalinyarada yar yar uu ka soo tahriibin jiray dalalka Itoobiya, Eritareeya, Soomaaliya iyo Suudan.

Ninkan ayaa la xaqiijiyay inuu si joogta xiriir ula sameyn jiray kuwa kale oo dadka tahriibiya oo ku sugan waqooyga Yurub gaar ahaan dalalka Holland iyo wadamada Iskandaneefiyanka.

Waa markii ugu horeysay oo madaxda dadka tahriibiya lagu xiray Afrika iyada oo laga horta gayo tahriibka sharci darada ah.

DAWLADA UGANDA OO KA QEYB QAADANAYSA BAARITAANKA LAGU SAMEYNAYO CIIDAMO AMISOM KA TIRSAN OO MUQDISHO LAGU XIRAY

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay baarayso askar ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in loo baahanyahay in si aad ah loo baaro sababta keentay in Ciidanka AMISOM ay ku dhaqaaqaan falka baxsan shaqadii loo idmaday.

Col. Paddy Ankunda Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka Xinhua ayaa sheegay in dowladda Uganda ay ka xuntahay falkaas ayna diyaar u tahay in ay ku sameyso baaritaan dheeri ah . "Waxaan ku wadnaa baaritaan arintaas hadii danbi la gu helo waxaa la marsiin doono sharciga, waa xaqiiqo in ay wajihi doonaan ciqaab adag,wax la aqb ali karo ma ahan falkaas oo kale waan ka xunahay” ayuu yiri Col. Ankunda.

Ururka Midowga Afrika oo asna ka hadlay falkaan ayaa sheegay in ay tahay wax lagu xumaa do ayna baaritaanada lagu hayo askartaas ka qeyb qaadan doonaan.

Dhowaan ayay ahayd markii 5 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu xiray Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharcidaro ah uga ganacsanayeen Agab milatari oo ay ka midyihiin shidaal jawaanada carrada sanduuqyada Rasaasta.

MADAXWEEYNAHA JUBALAND OO FURAY KALFADHIGII LABAAD EE BAARLAMANKA JUBALAND …

Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam ayaa shalay furay kalfadhigii labaad fadhigi isii 1aad oo ay yeeshaan mudaneyaasha baarlamanka Jubaland.

Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland oo uu shir gudoominayay gudoonka baarlamanka Mu dane Cabdi Max'ed C/raxmaan ayaa shalay isugu yimid xarunta baarlamanka Jubaland, ayadoo uu kulankaasi kasoo qeybgalay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoonka baarlamanka, wuxuuna sheegay in kulanka shalay uu yahay kalfadhigii labaad kulankiisii 1aad, wuxuuna xusay in uu daahfuri doono madaxwe eynaha, isagoo sheegay in baarlamanka ay horyaallaan arimo badan oo uu ka doodi doono, kana codsaday mudaneyaasha in ay soo xaadiraan kulamada.

Intaa kadib waxaa madasha khudbad dheer ka jeediyay madaxweeynaha Jubaland oo mudan eyaasha baarlamanka uga warbixiyay siyaasadda guud ee dalka iyo tan Jubaland.

Madaxweeynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkii madasha qaran ee lagu soo gabaga beeyay Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay mar walba tallaabo hore u qaadeeyso, nidaamka baarlamanka lagu soo xuli doono sanadkanna uu noqon doono mid ka wanaagsan kii hore.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in intii uu socday shirkii madasha laga dooday arimo badan islamarkaana meesha laga saaray waqtikororsi, isagoo xusay in arimaha sida weyn looga dooday ay kamid ahayd maqaamka ay yeelaneeyso Muqdisho oo uu xusay in doodadaha ugu badan ay ahaa yeen in Muqdisho beel gaar ah leedahay halka fikirka kasoo horjeedana uu ahaa in Muqdisho ay tah ay caasimad Soomaaliyeed oo Soomaali ka dhexeeysa, wuxuuna xusay in arintaasi guddi loo saar ay kaa oo cadeyn doona maqaamka Muqdisho.

Madaxweeynaha oo dhinaca kale ka hadlay xukuumadda uu soo dhisay ayaa mudaneyaasha u sheegay in xukuumadda uu soo dhisay ay ka tiro badantahay tii hore ee KMG ahayd, isagoo she egay in habka uu usoo dhisay ay ahayd habka ugu wanaagsan ee uu moodayay in uu xalka ku jiro.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in beelaha dega Jubaland in dhammaantood aan la wada qa ncin karin isagoo ku tilmaamay masuuliyadda uu hayo in ay tahay dhimbilo dab ah oo loo dhiibay.

Waxaa uu ka rajeeyay mudaneyaasha in ay ansixin doonaan xukuumadda uu soo dhisay, isa goo sheegay in uu aaminsayahay in wasiirada cusub ay yihiin kuwo wax badan ka badali doona han naanka maamul ee Jubaland.

Madaxweeynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in uu furanyahay kalfadhiga labaad ee baarl amanka Jubaland.

Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxaa horyaal arimo dhowr ah oo ay kamid tah ay ansixinta madaxweeyne kuxigeennada iyo golaha wasiirada Jubaland ee uu soo dhisay madaxwe eyne Axmed Maxamed Islaam.

MADAXWEYNAHA MAAMULKA GOBOLKA DHEXE OO XILALKII KA QAADAY MASUULIYIIN KA TIRSAN MAAMULKAAS

Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo warramayaa in uu shaqada ka eryay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulkaas.

Walow aanu weli si rasmi ah u soo bixin digreetada Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ee shaqada uu uga eryayo masuuliyiinta ka tirsan maamulkiisa ha dana Shabelle ayaa heshay nuqul ka mid ah 14 xubnood ee shaqada laga dirayo oo inoo suura ga shay in 8 ka mid ah aan helno Magacyadooda iyo xilalka maamulkaasi ay ka hayeen.

Waxaana ka mid ah:

1.Axmed Walad Cabdalla Guddoomiyihii degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

2.Ku xigeenkiisii Burhaan Axmed.

3.Cabdi Qaadir Cusmaan oo ahaa Madaxii Amniga.

4.Macalin Faarax oo u aqaabilsanaa Arrimaha Bulshada.

5.Bishaaro oo iyadana la sheegay in Maaliyadda ay ahayd.

6.Cabdi Xaashi oo isna masuul uga ahaa Waaxda dhul Bixinta.

7.Daahir Macalin oo isagana la sheegay in uu qaabilsanaa Biya Korontada.

8.Xasan Sabagle oo ahaa Madaxa Warfaafinta maamulkaasi Gobollada Dhexe.

Shaqo ka jo ojinta masuuliyiintaan ayaa la sheegay in ay daba socoto shaqaaqo dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Dhawaan Maleeshiyaad maamulka Gobollada Dhexe ka tirsan ayaa waxa ay la wareegeen xarunta maamulka degmada Dhuusamareeb islamarkaana jirdil iyo xad gudub kale kula kacay mas uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo dadka xilalka laga qaaday ka mid ah.

Xiisaddii dhawaan ee Dhuusamareeb ka dhacday ayaa salka ku heysay is qab qabsi la xiriiray Gawaari mid ka mid ah hay’adaha samafalka laga kireynayay oo ay isku maandhaafeen qaar ka mid ah beelaha wada dega Magaalada Dhuusamareeb.Xigasho:-shabellenews.com/

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO COD U QAADAYA QODOBADA WAX KA BEDELKA DASTUURKA

Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay yeelanaya kulan muhiim ah oo ay uga uga doodayaan ajandayaal dhowr ah oo horyaalla, kuwaasoo ah sharciyo horay loo soo gudbiyay.

Qodobbada ugu muhiimsan ee ay shalay ka doodayaan,baarlamaanka dalka waxaa ka mid ah wax ka bedelka Dastuurka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay laga lahaa wada tashiyo dadwey naha lagala yeelanayay dib u eegista dastuurka iyo wax ka bedelka qodobada qaar.

Waxaa la sheegay illa 10 cutub oo ka mid ah dastuurka in qodobada qaar lagu sameeyay wax ka bedel, waxaana marka la codeeyo lagu wadaa in mustaqbalka soo socda loo qaado afti dadweyne.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhowaan shaaciyay y inay lagama maarmaan tahay in Xildh ibaanada ay meel mariyaan sharciyada horyaala inta lagu guda jiro kalfadhiga 8aad.

Xildhibaannadu maalin ka hor,waxaa ay ansixiyeen sharciga asxaabta siyaasada oo ahaa mid muddo la sugayay, waxaana nidaamka xisbiyada badan la doonayaa inuu qaabka qabaliga, isla markaana loo gudbo xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka hanaqaada.

Muddada kooban ee u harsan baarlamaanka ayaa ku qasbysa in la dadajiyo dhamman qodob bada horyeella ee sugaya inay ansixiyaan.

Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Magaalada Kismaayo …

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cafis u fidiyay Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Magaalada Kismaayo, xilli Madaxweynaha maalin ka hor uu sheegay inuu cafid u fidinaayo Maxaabiista.

13 nin oo Shabaabnimo ku eedeysnaa ayuu cafiyay Madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaasi oo la sheegay muddo saddex sano ah inay xirnaayeen, iyaga oo aanan helin cadaalada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa amray Afar ka mid ah Maxaabiista la cafiyay in laga masaaf uriyo Magaalada Kismaayo, mar hadii ay xuriyadoodi dib u heleen.Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Xabsiga laga sii daayay 13kaasi dhalinyarada ah ee ku xirnaa Xabsiga Magaalada Kismaayo.

Maxaabiista la siidaayay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay dib u heleen Xuriy adooda, kadib muddo saddex sano ah oo ay xirnaayeen.

Waxa ay sheegeen Maxaabiista inaysan dib ugu noqon doonin Shabaab, oo Magaalada ay ka raadsanayaan shaqooyin noloshooda ay ku maareeyaan.

Xabsiyada ku yaal Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ku xiran Dhalinyaro kala duwan oo loo ga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ee Somaliya ka dagaalama.

DIYAARADA EGYPTAIR OO LAGU QASBAY IN AY KU DEGTO DALKA UZBEKISTAN,..

Diyaaradda EgyptAir oo ku sii jeeday dalka Shiinaha ayaa si deg deg ah ugu degtay dalka Uzbekistan, kadib markii la sheegay in walxo qarxa ay saaran yihiin.

Ciidamada ammaanka Uzbekistan ayaa baaritaan ku sameeyay diyaarada, iyadoo laga waa yay wax aalad qarax ah, waxaana diyaarada ay iska sii wadatay duulimaadkeeda.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 118 rakaab iyo 17 shaqaale, waxaana ay aheyd duulimaad toos ah oo Talaadadii ka duushay Qaahira, kuna sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Mas’uul ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegay in qof aan la aqoonin uu soo wacay Laamaha ammaanka, isla markaana ku war geliyay diyaarada ay saaran yihiin waxyaab aha qarxa. Dhacdadan ayaa ku s oo aadeysa, saddex todobaad kadib markii Diyaaradda EgyptAir oo ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ay ku bur burtay Badda Mediterr aneanka.

Saraakiisha ammaanka Masar ayaa sheegay inay bur burka diyaarada ay dhici karto inuu sab ab u ahaa ficil argagixiso. Masar ayaa si aad ah u adkeysay ammaanka garoomada diyaaradaha Qaahira iyo magaalooyinka kale, iyadoo si aad ah loo baarayo dadka rakaabka ee diyaaradaha raaca iyo kuwa ka soo daga.

GUDOOMIYIHII URURKA HAWEENKA GOBOLKA MUDUG ….

Wararka xalay naga soo gaaraya Woqooyi Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay xiligii salaada Maqrib Gudaha Magaaladaas ay ku dileen Gudoom iyihii Haweenka Gobolka Mudug .

Alla Ha U Naxariistee Dhudi yuusuf Jiire oo aheyd Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa la she egay in raga Hubeysan ay toogteen xiligii salaada Maqrib lagu jiray sida uu kusoo waramaayo Wari ye C/laahi yarre oo ku sugan Magalada gaalkacyo.

Kooxda Hubeysneed ayaa la sheegay in ay ku dileen Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobol ka Mudug gurigeeda oo ku yaala Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Mudug aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay dilka Gudoomiy aha, waxayna sheegeen in dilka uu ka dambeeyay nin dhawaan ay iyada xirtay balse markii dambe xabsiga laga sii daayay.

OBAMA OO SABAB GABADHIISA LA XIRIIRTA AWGEED AAN UGA QEYB GELI DOONIN AASKA FEERYAHANKA MAXAMED CALI KALAAY

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaan ka qeyb geli doonin aaska Caalamiga ah ee loo sameynayo Feeryahankii caanka ahaa ee dalkaasi Maxamed Cali Kalaay oo Jimcaha ka dha caya magaalada Louisville.

Obama ayaa ka baaqsaday aaska Maxamed Cali Kalaay, wuxuuna diidmadiisa u sababeeyey iyadoo ku soo beegantay xaflad qalin jebin ah oo gabadhiisa Malia oo ka qalin jebineysa Dugsiga sa re ee Sidwell Freinds magaalada Washington. Madaxweyne Obama ayaa la sheegay inuu telefoon kula hadlay xaaska Maxamed Cali oo lagu magacaabo Lonnie, wuxuuna u diri doonaa aaska iyo tac sida la taliyihiisa sare ee Valerie Jarrett oo goobta ka akhrin doonta farriinta tacsiyeed ee Obama.

Kumanaan qof ayaa ka qeyb geli doona aaska Feeryahanka, waxaana la dhameystay ilaa 10, 000 tikidh oo xafladda aaska looga qeyb galayo, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah madax weynayaal ka socda caalamka iyo dad kale oo caan ah caalamka .

BOGGA CAYAARAHA

CRISTIANO RONALDO OO NOQDAY XIDDIGA LACAGTA UGU BADAN SHAQEYSTAY SANN ADKII TAGAY EE ISBOORTIGA CAALAMKA KALIYA MA AHAN KUBADA CAGTA.

Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay xiddiga ugu dhakhliga

badan dunida sida lagu sheegay liiska Forbes.

Ronaldo ayaa shaqeystay 88 milyan doolar ilaa iyo 1dii bishii June, lacagtaasna waxaa 56 milyan doolar oo mushahar ah iyo 32 milyan doolar oo uu ka helay heshiisyada xayaysiin ee uu ku jiro.

Waa markii ugu horeysay tan iyo sannadii 2000 ee booska koowaad ee xiddiga isboortiga ee ugu dhakhliga badan uusan buuxinin feeryahan Floyd Mayweather ama xiddiga ciyaarta Golfka Tiger Woods kaasoo aan koob weyn ku guuleysanin muddo sideed sannadood ah.

Lacagta uu shaqeystay Ronaldo ayaa ka sareysa lacagta uu shaqeystay xiddiga ay xafiiltama an ee kubada cagta Lionel Messi kaasoo shaqeystay 81.4 milyan doolar 12-kii bilood ee ugu danb eysay, waxaa kaalinta seddexaad ku jira xiddiga kubada kolayga LeBron James kaasoo shaqeystay 12-kii bilood ee ugu danbeysay adduun lacageed oo gaaraya 77.2 milyan doolar, waxaana uu ka soo kacay booska kaalinta lixaad oo uu ku jiray sannadkii hore.

LeBron James ayaa xayaysiin ku helay in ka badan inta ay xayaysiin ku shaqeystaan xidd igaha Real Madrid iyo Barcelona isagoo shaqeystay 54 milyan doolar laakiin mushaharkiisa sann adlaha oo 23.3 milyan doolar ah ayaa aad uga hooseeya mushaharka Ronaldo iyo Messi ($53.4m).

Kubada Kolayga seddex ciyaaryahan ayay ku leedahay 10-ka xiddig ee ugu dakhliga badan sannadkaan, waana in ka badan isboortiga kale, iyadoo Keving Durant ($56.2m) uu ku jiro kaalinta shanaad, halka Kobe Bryant ($50m) uu ku jiro kaalinta 10-aad.

Xiddigaha kubada Tenniska Roger Federer ($67.8m) iyo Novak Djokovic ($55.8m) ayaa afara ad iyo lixaad ku kala jira.

KULAMADA LA CIYAARAYO EE COPA AMERICA

June 9

2:30 Brazil ? ? Haiti

05:00 Ecuador ? ? Peru

KULAMADA LA CIYAARAYO EE COPA AMERICA

June 10

02:30 Uruguay ? ? Venezuela

05:00 Mexico ? ? Jamaica

DOORKA WARBAAHINTA IYO DOORASHOOYINKA KA SOO SOCDA EE DALKA KA DHICI DOONA AUGUST 2016

awooda 4aad marka laga soo tago awoodaha dawladnimo ee seddexda ah oo kala Garsoorka, Sha rci dejinta iyo Fulinta.

Dhacdooyinka xanuunka badnaa ee dalku soo maray haddane weli uu ka sii jiro maxa dadaal ah af ka iyo addinkaba ah oo ay dalka burburay warbaahita maxaliga gelisay ayadoo qoraal iyo cod ba shacabka ugu gudbisay isla markaana kuwa hoggaanka loo dhiibay amase maroorsaday u tilmaam eysa in jidka ay dalka ku maamulayaan uusan aheyn hab dalka lagu gaarsiin karo horumar iyo bara are laguna ilaalin karo gobanimada iyo madaxbanaanida.

Warbaahinta waxay bowd ilaaliya u tahay marka ay dawladdu dhinac marto hawlaha loo igmaday ee la rabay inay dadka iyo dalka u qabato kuna hoggaamiso cadaala iyo sinnaan isla markaana dhowr eysa wacadki ay dawladdu ku qaaday inay dalka gaarsiiso horumar la taaban karo mudada loo qoo ndeeyay inay xafiiska fadhido.

DOORKA WARBAAHINTU KU LEEDAHAY IFTIIMINTA XAALADAHA GUUD AHAAN DALKA KA JIRA

Marka laga fiiriyo xaalada Soomaaliya ee dhanka waxqabashada warbaahinta hawlaheeda ma maris ay jidikii loo baahan ee kacameynta habka maareynta warfaafinta (revolutionarizing the information management system).

Warbaahinta samanka kacday digniino hore ma ka bixisay sidii dalku uga badbaadi lahaa dhibaato oyinka dalka ka jira ama kuwa kale ee hor leh oo hadda ku soo fool leh sida:

"Sida inuu dalku gumeyso toos ama dadban uu galo. Qaranjabka. Afooyinka laga dhaxlay dagaalada qabiilqabiilka iyo kuwa kale ee dabiiciga. Faragelinta shisheeye gaar ahaan wadamada deriska. Amni darrada gaar ahaan ciidamada AMISOM iyo kooxaha nabadiidka ee AlShabaab. Kala gogo’a dalka. Imaarada wiiqaya qaranimada sida nidaamka federaalka ee qabiilka ku dhisan. Isdiidka ka jira gobollada qaar iyo dawladda dhexe. Go’doonka dawladda ay ku jirto Villa Somalia oo aaney si toos ah u gaari karin shacabka Soomaaliya. Jileeca ka muuqda maamulka idaariga ee xukuumada. Ku xad gudubka xuquuqda aadanaha. Musuqa baahsan. Sharciyada dhaxalka maqaamka siyaasadda "political dynasty” ee Golayaasha Barlamaanka iyo xukuumada. Xalufinta deegaanka badda iyo beri ga. Maraakiibta ciidamada shisheeyaha ee jooga xeebaha Soomaaliya. Dhaqdhaqaaqa iyo hawlaha ka socda gudaha xerada Qaramada Midoobay ee ku taal madaarka caalamiga ah ee Aden Adde. Qabiyalada iyo qarabokiilka ka socoda maamulka dawladda. Xaddiga saboolnimada baahsan ee dalka ka jirta sida looga bixi karo. Ganacsiga xaraanta ah. Isticmaalka jaadka, keenista dalka la ke enay iyo dhiig baxa bulsho iyo dhaqaale uu jaadku dalka u geystay. Xalaalnimada magacaabida hog gaaminta maamulka Gobolka Benadir oo rag ka tirsan hal xaafad leysugu bedelo taasoo shacabku u arki karo hebel ha baaseysto, Sharciyadda canshuur ururinta caasimada. Maamulka dekeda, airboor ka iyo furdooyinka Muqdisho. Xalaalnimada nidaamka 4.5 iyo habka federaalka. Dagaalka biyaha oo dalka lagu hayo. Dhaqanka Kenya ay Soomaliya kula dhaqmeyso ee ku saabsan muranka badda ka asoo ah Kuqabso kuqadi meyside. Derbig ay Kenya ka dhisayso xuduud beenaadka u dhexeya lab adeena dal. Doorashada jagada Madaxweynaha oo ku soo hartay sida badan hal xaafad ama mar dhif ilaa labo. Awood la’aanta dawladda ay ku baadi goobi kari weysay yabooha dhaqaale 1.8 bilyan dollar ee caalamka ee shirkii Brussels 2013 iyo arrimo kale ee dawladdu ka gaabisay oo aan halkan lagu wada tixi karin.

Warbaahintu waa inay hoos ka soo faagto oo ay banaanka keento karti xumida hoggaanka sare ee dawladda oo dalku ku sii sidbanayo gacanta cadawga Soomaalida waxayna dawladda ka ga abisay inay shacabka la socdisiiyaan xalada dhabta ee dalka ka jirta isla markaana dawladda ay u diyaariso sidii dalka ay isaga daafici lahayeen.

Alle Ha U Naxariisto Xildhibaan Cabdullahi Jama Kabaweyne ayaa sheegay in shacabka Soomaali da uu haddan weerar qaadi karin laakinse shacabka dalka wuu daafici kara.

Xildhibaanada hadda nool ee ku fekerka marxuumkaas waa inay sii amboqaadaan aragtidaas. Shic ibku waa diyaar wuxuu u baahan yahay cid hoggaamisa oo qatarta soo fool leh farta ugu fiiqda.

TAARIIKHDA DHOW EE WARBAAHINTA SOOMAALIDA

Muddada lagu jiray burburka taariikhda dhaw marka aad dib u qooraansato, Muqdisho waxaa ka soo bixi jiray dhowr wargeys nooca cabirkooda yahay waraaqaha A4 oo ka koobana ilaa 4 bog waxayna la bilaabmeen waqti Muqdisho ay markhaati ka noqotay dad badan oo loo laa’yay reerka ay ka soo jeedeen daraadeed. Qaarkoodne waxaa laga barakiciyay dhulkii ay ka awow ka awow deg enaayeen iyo hantidi ay caasimada ku lahayeen ee isugu jirtay guurto iyo maguurto.

Wargeysada noocan ah waxaa mar dambe sannadku marku ahaa 1999 ku soo biiray idaacado no oca FM oo iyagana dano qabiil dartood hawada loo soo geliyay ayadoo ay hoggaan u yihiin dad aan mehnedyaqaan ku ahayn warbaahinta (Media Professionals) laakinse raba inay ku ilaashadaan dano qabiil iyo inay warbaahinta ka dhigtaan tiir ay ugu boodaan maqaam siyaaso ama dhaqa ale.Waxaa dhacday in dagaalo qabiil oo dhiig badani uu ku daatay ay ka dheceen caasimada Mu qdisho iyo goobo ka mid ah dalka intiisa kale waxaana dagaaldaas lagu burburiyay goobihi taari ikhiga ah sida hoteelada caanka ah, dhulki bankiyada, guriyihi faras magaalka ku yiil, mashaariicda horumarinta ee muddo qarni ku dhow laga hirgeliyay Muqdisho ayadoo aan la dhaafin oo la fuqsay taalooyinka taariikhiga ah ee ku yiil faras magaalaha Muqdisho.

DAGAALOOGAYAASHU WAXAY MUDANAAYEEN MA LA MARSIIYAY

Dagaaloogayaashi masuulka ka ahaa burburka kuwooda nool iyo kuwa gacanta ku siiyay waxay ilaa hadda ay iska dhex mushaaxayaan Muqdisho sifa ay weliba u muuqadaan kuwa aan weligood wax dembi gelin.

Dhibta ay dagaaloogayaasha ummadda u geysteen waxay ahayd in warbaahinta ayadoo kaashan eyso hay’ada aan dawliga aheyn ee "NonState Actors NSAs” dacwo looga soo furo Maxkamada Dembiyada ee Caalamiga (International Criminal Court – ICC) oo xakunta shakhsiyaadka lagu soo eedeeyay in dunuub dagaal ay ka galeen bani’aadmiga. DagaalOogayaasha dhagarta ay ummadda Soomaalida ka galeen waxa ka ratibmi kara dunuub laga galay bani’aadminimada "Crimes Againist Humanity”

Shacabka Muqdisho waxay warbaahinta noocan ah, gaar ahaan wargeysyada u arki jireen inay yihi in kuwo mehnedda ku difaaca dano qabiil oo marmarka qaar soo qaata sugaan ay rag isku dhaafsa nayaan erayo kaftan u muuqda laakinse xanaf leh oo damqinaya boogaha dagaalka qabiyaalada isla markaana sii huriya dagaalada halkii warbaahinta laga rabay inay dhaydo oo daweyso boogahaasi.

Inkasto hore warbaahinta loogu tilmaamay inay tahay seef laba afla ah oo loo adeegsan karo dhina ca wanaaga iyo dhinaca xushalay, haddana doorka ay warbaahintu ku lahayd xaalada Soomaaliya waxa la rabay inuu ahaado mid damineysa colaadaha, xallinta khilaafaadka, adkeynta midnimada qa ranka, maamul wanaaga, dhibaatada dhaqaalaha ku dhisan dollarka, soo celinta qarannimada iyo wadaniyada.

Waxaan rabaa qoraalkeyga inaan ku soo afjaro in dadka ah mehnedyaqaanka warbaahinta (Media Professionals) ay hawshooda si qoto dheer oo aqoon leh ugu adeegsadaan marka ay diyaarinaya barnaamijyada ay ku baahinayaan fagarayaasha warbaahinta daabacan, elektronikada, qadadka online iyo warbaahinta bulshada.

Geesta kale sarakiisha fadhida xafiis ay ummaddu leedahay ee dawladda (public office) waxa looga baahan yahay in mehnadleyda warbaahinta ay u sahlaan xogta ay uruurinayaan bacdama xogtaas la rabo inay dadweynuhu ogaadaan oo ay la socdaan xaqiiqda maamulka dawladda ee ku aadan danaha guud ee shacabka.

Saxafigu wuxuu xaq u leeyahay, ilaa xad marka laga reebo sirta qaranka, inuu baaran karo dokum enti dawladdu heyso haddii uu uga baahdo xog dheeraad ah.

Tallabadan waxay waafaqsan tahay halkudhagga sannaddkan waxayna soo afjareysa kutirikuteen dadku isku la dhex maro, wararka xaqiiqda ka fog, tuhumo keeni karo in ummaddu ka aamin baxdo hoggaanka dawladda iyo dhaqanka beenta ee lagu difaacayo wax cilanaad ah ee aan loo jeedin "Ghost nonexistent and fabricated development” sida "diingod gal iyo goray godgal” oo ay rabto inay dawladdu isku difaacdo ayadoo dalka aaney gaarsiin geedka muuqda mudada afarta sano ee loo qabtay.

Tabarta intaas la’eg weliba hoggaanka sare ee dawladda waxay rabaan in mar kale loo soo doorto hoggaaminta dalka 4 sano ee soo socota ilaa 2020 ayagoo ku andacoonaya afarti sano ee la soo dhaafay waxba laguma qaban karin oo waqtigu dawladda wuu ku yara.

Afarta sano ee la soo dhaafay waxay ka dhigan tahay waqti ummadda ka lumay sidii kuwii hore oo kale waqti lumis kale shacabku ma qaadi karo.

Dawladda maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynaha Jumhuuriyada Federaalka ee So omaaliya, Mudane Hassan Sheikh Maxamuud waxaa lagu xasuusan doona waqti la isku bedelay seddex Ra’iisal Wasare oo kala ahaa Abdi Shirdoon "Saacid, Abdiweli Sheikh Ahmed iyo RW hadda xafiiska fadhiya, Dr. Cumar Cabdirashid oo isagana hore loo soo tijaabiyay berigii uu RW ka ahaa dawladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed inti u dhaxaysay 2009 ilaa 2012.

Warbaahinta waxaa laga raba inay ka baraandegto si qoto dheer arrimaha aan kor ku soo xusay si ummadda ay u hesho hoggaan siyaaso ee ka hufan musuq iyo maamul xumo si mar kale loo yegle eyo qarannimada iyo gobannimada Soomaaliya.

Ummaddan dhiban ee Soomaaliya mar kale uma dulqaadan karto in madaxda dalka ay kor dalka u ga keenaan quwado shisheeye oo dano kala duwan ka leh.

Kuwo deriska ah waxay rabaan in dalka ay iyaga si dadban ama toos uga taliyaan oo masiirka shacabka Soomaalida ay iyagu gacanta ku dhigaan.

Ka Alla Magan! Taas Soomaaliya kama dhici doonto In Sha AllahDHAMMAAD

WAXAA QORAY RUGCADAA SARE C/QAADIR MAXAMUUD WALAAYO

RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA.

(Dersiga Labaad)

Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa ama in ay ka dhawri waayaan waxyaabihii gebi ahaanba Soonka burinayay, sidaa darteed waxaan soo gudbinayaa gafaf ay haboon tahay inuu ka digtoonaado ruuxa sooman ee doonayo inuu Soonkiisu noqdaa mid maalinta Qiyaame uu ku baxsado oo uu uga

badbaado Cadaabka Naarata hadii illaa u aqbalo, waxaana ka mid ah gafafkaas:



1-in aysan dadka qaar ku baraarugsaneyn fadliga weyn iyo faaiidooyinka Soonku leeyahay,taasoo aad ka arkeyso sida aysan ugu faraxsaneyn Bilashada Bisha Ramadaan ama sida ay u soo dhaweynayaan oo ah in ay ku soo dhaweeyaan diyaarinta noocyada Cunada iyo Cabitaanada kala duwan ama in ay ku soo dhaweeyaan abuubulo ku saabsan kubad iyo turub iwm, halkii looga baahnaa in ay ku soo dhaweeyaan dadaal xaga Cibaadada ah sidii uu sameyn jiray Nabigeena (scw) oo ah inuu la yimaado dadaal dheeraad oo uusan la imaan jirin bilaha kasoo hara Ramada anka.

2-Waxaa ka mid ah gafafka dadka qaar ka dhaca in aysan ku farxin Bilashada Bishaan oo ay ka murgoodaan ayagoo u heesta in ay tahay Ciqaab lagusoo rogay, taasoo keeneysa in ay dhamaadka Bisha ku sugaan Sabar la’aan kuna farxaan inuu ka dhamaaday ee aysan ku faraxsaneyn in ay dhameesteen.

Dadka noocaas ah ma macaansadaan Cibaadaadka ku dhex jira Bishaan mana ka faaiiideystaan maalmaha iyo Saacada bisha Ramadaan taasoo macnaheedu yahay in kuwaaasu ka khadeen nicmooyinkii iyo faaiidooyinkii Bishan xambaarsaneyd ayagoo ay dhici karto in ay ka soomeen Cunadii iyo Cabidii.

3-Waxaa kaloo gafafka ka mid ah dadka qaar ku dhacaan in aysan baranin Axkaamta Bishaan Ram adaan ama aysan su’aalo ka weydiin kuwa Cilmiga leh, taasoo ah in ay Cibaadeestaan ayagoon Cilmi ulaheyn kuna dhacaan gaabis iyo gafaf badan.

Marka waxaa ku waajib ah ruuxa u xilhaya Diinkiisa inuu waxa uu ku Ciabaadeysanayo Cilmi u yeesho si uusan Maalinta Qiyaame ula kulmin wax aan farax galin.

4-Waxaa ka mid ah qaladaadka ku dhex dhaca Bishaan in dadka qaar ayssan ka dhowrsan gafafka

Taas oo ka dhigtay soonkoodii mid uun ah ka tagid Cuno iyo Cabid, ee uusan soonka ku xambaarin in ay xushalay ka tagaan, nabigeena Suuban (scw) waxaa uu sheegay in Soonka aan loo jeediynin ka tagida Cunada iyo Cabida kaliya.

5-Gafafka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Ramadaan waxaa ka mid ah in ay ka tagaan Sunooyinka qaar sida:sandaarsiga marka la weyso qaadanayo ayagoo ka baqaayo in ay Biyaha ka galaan Gudaha jirka, laakiin arintaas sax ma aha oo waa la saandaarsadaa lana luqluqdaa marka la sooman yahay hadii aanan lagu xeel dheeraan.

Xadiiskaan waxa uu tusayaa in marka la weeso qaadanayo in sanka qeybtiisa hore biyaha lagu nadiifiyo ayadoo aan lagu fogeyneynin gudaha Sanka, waxaana kaas la mid ah ka tagitaanka Cadayga galinka dambe maalmaha Soonka, maxaa yeelay mar walba Cadaygu waa Sunno.

6-Waxaa kaloo ka mid ah gafafka dadka Sooman qaarkood ku dhacaan in ay ka dhowraan afkooda wax Cundhuuf ah in ay ku soo dhacdo ama dhuuntoodaba gaarto taasoo noqoneysa inuu Ciqaabo ruuxaas naftiisa maadaama aysan suuro gal aheyn in laga dhowrsado Candhuufta ama aysan suuro gal aheyn in Candhuuftaas laga dhowro in ay dhuunta gaarto.

7-Waxaa kaloo kamid ah gafafka in aysan Soonka Habeenkii niyada ku qaban taasoo ka hor imaaneynysaa Xadiiskii u Nabiga (scw) ku sheegay inuusan Soomin ruuxii aan habeenkii niyeeysan Soonkiisa.

Waxaana iga xasuusin ah in Niyada aysan aheyn mid lagu dhawaaqo sida ay sameeyaan dadka qaar, maadaama uusan Nabiga Niyada la jahrin marka Xajka la joogo maahane.

8-Gafafka dhaca waxaa ka mid ah Cinitaanka cunada marka la Adimo ka dib Aadaanka Fajarka(salaada lagu dkado) ama inta uu socdo Aadaanka.waxaa haboon ruuxa doonaya Saxuurtaa inuu ka tigtoonaado in lagu dul Aadaamo oo uu ka hor ka faro xasho.

9-Waxaa kaloo ka mid ah qaladaadka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Barakeysan in ay moodaan hadii ruuxa lagu dul Adimo asagoo Janaabo qaba inuusan soomi Karin maadaama uusan Daahir aheyn, laakiin waa arin qaldan maxaa yeelay Soonka Shuraadihiisa ka mid ma aha in uu Daahir ahaado ruuxa Soomaya, waxaana Nabiga Suuban laga soo sheegay inuu Soomi jiray ayadoo uu waaga u baryay asagoo Janaabadii uu reerkiisa kula kulmay qaba.

10-Waxaa gafafka dadka Sooma qaarkood ku dhacaan Dabeecada oo ka xumaata marka ay Soomaan oo gaajada qabato, taasoo ka hor imaaneysa dantii laga lahaa Soonka oo ah in uu toosiyo Aaadaabta kan sooma uu ku barto Dulqaad, waxaana la amray kan Sooman hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalo inuu yiraahdo waan Soomanahay waan Soomanahay!!

11-Waxa kaloo gafafka dadka qaar ka dhaca waxaa ka mid ah in ay daadaal badan muujiyaan biloowga Bisha kadibna Caajisaan oo ku dhameestaan hurdo iyo sheeko, laakiin waxaa habooneyd in dadaalka la badiyo maalmaha dhamaadka Bisha lagaaro oo uu qofka Sooman Jibaaro Cibaadada sida uu sameyn jiray Nabiga Suuban(scw) oo kale.

WAXAA DIYAARIYAY CALINUUR XOOGSADE

calixoogsade@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip