Safiirka Dowladda UK u fadhisa Somaliya Harriet Mathews, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka soo qaybgalka Madaxda Somalida Xaflada lagu xusaayo Dhalashada Boqorada dalka UK.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka sheekeeyay taageerada UK ee Somaliya ayaa sheegay inaysan marnaba ilaabi doonin garab istaagi UK ay la garab taagan tahay Somaliya.
Wuxuu sheegay inuu aad ugu hambalyeynaayo Boqorada dalka Britain Queen Elizabeth Dhalashadeeda, isaga oo tilmaamay in munaasabadani ay muujinayso ammaanka ka jira Somaliya.
Intii ay socotay Munaasabada ayaa halkaasi waxaa laga soo jeediyay Taariiqda Boqorada dalka UK, Queen Elizabeth oo 90 sano jirsatay.
Daawo Sawirada: R.W Cumar oo Muqdisho uga qaybgalay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashada Boqorada UK
Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa Magaalada Muqdisho wuxuu kaga qaybgalay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashadii Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II.