Madaxweynaha Turkiga oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii Magaalada Istanbul (SAWIRRO)

0
Wednesday June 08, 2016 - 12:27:42 in Wararka by
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii Magaalada Istanbul (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee Talaadadii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee Talaadadii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul.

Qaraxan, ayaa waxaa lala eegtay bas ay leeyihiin Ciidanka Booliska Istanbul, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 11 ruux, halka 36 kalana ay ku dhaawacantay.

Gudoomiyaha Gobolka Istanbul, Vasip Sahin oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 11 qof, oo toddobo ay yihiin Ciidanka Booliska, halka 36 kalana ay ku dhaawacantay, kuwaa oo saddex ka midda ay xaaladoodu garaab tahay.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa mid mid u gacanqaaday dhibanayaasha oo rayid u badan, kuwaa oo uu u rajeeyay inay ka soo kacaan dhaawacyada ka soo gaaray qaraxa.

Erdogan1-1

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, illaa iyo inta laga soo afjarayo.

Weerarkan argagaxiso waxaa lagula kacay kuwii ammaanka masuulka ka ahaa, tani maaha wax la cafin karo, qiilna malaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweynaha, ayaa yiri "Waanu sii wadi doonnaa halganka aanu argagaxisada kula dagaalamayno, illaa aan ka dhameynayno si aanay baqdin ku jirin, isla-markaana harsi lahayn.”

Weerarkan, ayaa noqonayo noociisii afaraad oo ka dhaca Magaalada Istanbul, sanadkan, iyadoo weeraradan looga bartay Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga iyo Ururka Daacish

.Erdogan-Erdogan2-1Erdogan5-1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip