Saameyn intee la'eeg ayeey ku yeelanaysaa Shabaab dilalkii loo geystay Macalin Daa'ud iyo Sheekh Dulyadeyn?

0
Wednesday June 08, 2016 - 12:23:16 in Wararka by
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameyn intee la'eeg ayeey ku yeelanaysaa Shabaab dilalkii loo geystay Macalin Daa'ud iyo Sheekh Dulyadeyn?

    Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed Axmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu ka hadlay dilalkii loo geystay labo Sarkaal oo Shabaab dhexdooda muhiim ka ahaa, kuwaasi oo lagu dilay howlgalo qorsheysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed Axmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu ka hadlay dilalkii loo geystay labo Sarkaal oo Shabaab dhexdooda muhiim ka ahaa, kuwaasi oo lagu dilay howlgalo qorsheysan.

Fiqi wuxuu sheegay Sheekh Dulyadeyn inuu ahaa Sarkaal muhiim u ah Ururka Al Shabaab, gaar ahaan wuxuu ahaa ninka haysta ciidamada ku sugan aaga Kismaayo iyo guud ahaan Jubbada hoose.

Sarkaalkaan oo sidoo kale haystay qaar ka mid ah ciidamada Shabaabka ee ka howlgala gudaha dalka Kenya, ayaa horay waxaa madaxiisa lacag u dul dhigay Dowladda Kenya oo si aad ah u baadigoobaysay.

Maalintii Talaadadii todobaadkii hore ayaa la sheegay in Dulyadayn uu yimid deegaanka Buulo Guduud isagoo maalmahaasba ku wareegaayey furimaha dagaalka si uu ciidankiisa u dhiirigeliyo.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay Sheekh Dulyadeyn oo sidoo kale magaciisa rasmiga ahaa Maxamed Maxamuud uu ahaa Sarkaal muhiim ah oo aad u mayal adag, islamarkaana Shabaab dhexdooda si aad ah looga tabi doono.

"Wuxuu ahaa nin hogaaminta ciidanka ku wanaagsan howlgalada qaarna Shabaab u qaabilsanaa inta badana wuxuu ka howlgeli jiray Jubbooyinka iyo Kenya, nin aaminsan Shabaab oo aad u mayal adag ayuu ahaa.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

27 Bishii May ayaa sidoo kale ciidamada Mareykanka waxa ay dileen Macalin Daa’ud oo ka tirsanaa Shabaabka Saraakiisha ugu waaweyn Macalin Da’uud Cabdulaahi Cabdi Jimcaale wuxuu ahaa nin ad adag oo si aad ah u qaatay fekerka Shabaabnimada, isaga oo lagu yaqaanay feker adeega.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ku tilmaamay Macalin Daa’ud Saraakiisha ay ku tiirsanaayeen Shabaabka, marka loo eego dhanka ciidamada iyo isku duba ridkooda.

"Dilka Macalin Daa’ud wuxuu uga dhigan yahay Ninkii Gaashandhiga u qaabilsanaa amniyaadka ayuu soo qabtay Kiisaska Qaar waa loo dhiibi jiray Nimankii Faransiiska ee u afduubnaa Shabaabka waa loo dhiibay, nin Godane aad ugu dhaw ayuu ahaa dhaawac weyn ayeey u geysanaysaa arintaan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Fiqi oo la hadlay VOA.

Saraakiisha Shabaabka ayaa la kulma weeraro kala duwan oo kaga yimaada dhanka ciidanka Kumaandooska Somaliya iyo Dowladda Mareykanka oo taageerta Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip