Hormuud Foundation oo deeq lacageed u qaybisay bukaanada ku jira isbitaalada Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

0
Wednesday June 08, 2016 - 12:07:06 in Wararka by
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hormuud Foundation oo deeq lacageed u qaybisay bukaanada ku jira isbitaalada Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

    Hay'adda Samafalka ee Hormuud Foundation ayaa deeq lacageed gaarsiisay bukaanada ku jira isbitaallada danta guud ee ku yaala magaalada Muqdisho sida, Keysaney, Madiina, Banaadir, Dayniile iyo Laansareeti. "isbitaalka laansareeti waxaa lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Samafalka ee Hormuud Foundation ayaa deeq lacageed gaarsiisay bukaanada ku jira isbitaallada danta guud ee ku yaala magaalada Muqdisho sida, Keysaney, Madiina, Banaadir, Dayniile iyo Laansareeti. "isbitaalka laansareeti waxaa lagu daawayn jiray dadka qaba cudurka qaaxada (TB-da), inkastoo kolkii dambe loo bedelay isbitaal lagu daryeelo dadka la xanuunsanaya xanuunka dhimirka.

Deeqdan lacageed ee la gaarsiiyay bukaanada ku jira Isbitaaladan ayaa loogu talo galay in lagu caawiyo bukaanada iyo dadka ku haya isbitaalka, maadaama aanay shaqo aadi karin.

Bukaanada ku jira shantan isbitaal oo tiradooda gaareyso 700 oo ruux ayaa bukaan walba la siiyay lacag dhan $100.

Maamulayaasha Isbitaalada ayaa ka mahad celiyay deeqda lacageed ee Hormuud Foundation, waxayna tani ku sheegeen nooceedii ugu horeysay oo isbitaaladaasi la soo gaarsiiyay, wixii ka dambeeyay billashada bishan Ramadan.

Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda Hormuud Foundation, C/raxmaan Ibraahim Cilmi (Ookiyaale) ayaa sheegay in deeqdan ay ugu tala galeen bukaanada inay u kaalmeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Deeqdani ma ahan tii ugu horeysay ee aan bixino inta lagu jiro bishan Ramadaan mana noqon doonto tii ugu dambeysay.” Ayuu yiri Ookiyaale.

Axadii, ayay ahayd markii Hormuud Foundation ay kaalmo gaarsiisay maxaabiista boqolaalka gaaraya, ee ku xiran Xabsiga Dhexe Xamar.

HormuudHormuud1Hormuud2Hormuud3Hormuud4Hormuud5Hormuud6Hormuud7Hormuud8Hormuud9Hormuud91Hormuud92Hormuud93




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip