WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 8-DA JUUN 2016-KA
Deeqdan lacageed ee la gaarsiiyay Bukaanada ku jira saddexda Isbitaal ayaa ujeedkeeda ahaa inay ku kaalmeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Bukaanada ku jira saddexda Isbitaal oo ka koobnaa shan boqol oo ruux ayaa bukaan walba la siiyay lacag dhan boqol dollar.
Maamulayaasha Isbitaalada ayaa ka mahad celiyay deeqda lacageed ee Hormuud Foundat ion, iyagoo xusay in Hormuud Telecom Foundation ay tahay hey’ada kaliya ee kaalmada soo gaa rsiisa Isbitaalada.
Guddoomiye kuxigeenka Hormuud Telecom Foundation ayaa sheegay in deeqdan ay ugu ta la galeen bukaanada inay u kaalmeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
"Deeqdani ma ahan tii ugu horeysay ee aan bixino inta lagu jiro bishan Ramadaan mana no qon doonto tii ugu dambeysay”ayuu yiri Guddoomiyuhu Hey’adda Hormuud Foundation.
Hay’adda Hormuud Foundation ayaa tan iyo markii Bisha Ramadaanka ay billaabatay, wax ay wadday bixinta Kaalmooyin kala duwan, kuwaasoo ay ku Caawinayso Dadka danyarta ah sida; Maxaabiista, Barakacayaasha iyo sidoo kale Bukaannada ku jira isbitaallada Muqdisho.
MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO KENYA OO KA WADAHADLAY XOOJINTA IYO ISKAASHIGA LABADA DAL
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee Nairobi.
Labada Madaxweyne ayaa isla Gorfeeyay Arrimaha Qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Ke nya, Arrimaha Amniga, iskaashiga Dhaqaalaha, isku socodka Shacabka labada Wadan, arrimaha gobolka iyo caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Somalia ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa Xiriirka labada Dal, wax alaale wixii Caqabado ah oo jirana ay si wada jir ah u xaliyaan.
"Soomaaliya & Kenya xulashada keliya ee ay haystaan waa inay ku noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wadaqabsi. Waxaan Xaqiijinayaa in Somalia ay daa’imi doono Saaxiibtinimada iyo Xiriirka Walaaltinimo ee kala dhexeeya Kenya,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barw aaqo iyo iskaashi dhan kasta oo labada shacab dan u ah.
"Waxaan aaminsanahay in Somalia iyo Kenya ay isku yihiin waddan Qura oo Gumeysiga uu kala qeybiyay. Sida muuqata waxaan nahay Shacabka isku mid ah oo Wadaaga wax walba. Waxayna Xukuuumaddeyda iyo shacabkaba Kenya ka go’an inay taageeraan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Labada Madaxweyne ayaa mar kale dib isugu soo laaban doona beri, markaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo wadahadalka labada dhinac, lagana soo saaro war murtiyeed.
Ugu dambyn, Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgaley mas’uuliyiin ka socotey labada dow ladood
MAXAA KA SOO KORDHAY WEERARKII DEGMADA CEELWAAQ AY KU QAADEEN AL SHABAAB?
Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo gaar ahaan Tuulada Buusaar oo 40 km xagga bari kaga beegan degmadaasi Ceelwaaq.
Dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in weerarka uu ku bilowday kadib markii tiro Madaafiic ah ay Al Shabaab ku qaadeen Saldhiga ay Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Tuulada Buusaar.
Waxaana dagaal fool ka fool intaas kadib uu dhexmaray Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM.
Ilo deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay jiraan khasaarooyin ka dhashay weerarkaas walow aan la hayn faah faahin rasmi ah.
Aadan Cismaan Cabdi Nuur Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Buusaar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayna iska caabiyeen isagoo hoosta ka xariiqay in khasaaro ay u geysteen Al Shabaab balse dhankooda aanu jirin wax dhibaato ah ee ay kala kulmeen weeerarkaasi.
Guddoomiyuhu ma cayimin khasaaraha weerarka ay ugu geysteen Al Shabaab ee uu sheegtay.
" dhaawacyo ayey jiiteen illaa 3 dhaawac ayaa indhaheenno qabanayeen” sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Maamulka Buusaar ee Gobolka Gedo Aadan Cismaan Cabdi Nuur.
Weerarkii habeen hore ka dhacay Buusaar oo dadka deegaanku ay sheegeen in uu ahaa mid aad u culus ayaa imaanaya iyadoo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo dhawaan ay sheegeen inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Al Shabaab ka safeynayaan Gobolkaasi
AFHAYEENKA AMISOM OO XAQIIJIYAY IN LA MUSAFURINAYO CIIDAMADII AMISOM EE MUQDISHO LAGU XIRAY
Afhayeenka ciidamada AMISOM Gaashanle dhexe Joe Kibet ayaa sheegay in 5 askari oo AMISOM ka tirsan dalalkooda loo musaafurin doono si loogu soo maxkamadeeyo kadib markii lagu helay xatooyo.
Joe Kibet ayaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu Dalsan siiyay in AMISOM ay gacan ka geystay xariga askar lagu helay iney si sharci daro ah ku iibinayen qalab militari iyo shidaal loogu talo galay howlgalka AMISOM.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in askartan weli baaritaan lagu hayo dhalashooda balse waxa uu sheegay in dowlada iyo AMISOM ay hore u kala saxiixden heshiis dhigaya in askarta AMISOM lagu soo maxkamadeeyo dalalkii ay ka yimaaden haddii dambiyo lagu helo.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xiray ugu yaraan 15 askari oo isugu jiray 5 AMISOM ka tirsanaa iyo 10 Soomaali ah oo ka ganacsanayay qalabka AMISOM oo ka koobnaa agab militari iyo shidaal howlgalkasi loogu talo galay. Dowlada Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa si wada jir ah u xaqiijiyay dambiga lagu helay askartan,waxayna sheegen in dhamaan cadaalada la hor geyn doono.
YAXAAS DAD KU WEERARAY DEGMADA JALALAQSI EE GOBOLKA HIIRAAN
Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Yaxaas uu weerar ku qaaday dad fara ku tiris ah oo ku sugan Xaafado ay ku soo jabeen Fatahaad uu Webiga Shabelle ka sameeyay gudaha degmadaasi.
Degmada jalalaqsi oo inta badan ay ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa kadib markii saameyn xoogan uu ku yeeshay Fatahaadda uu Webiga Shabelle ka sameeyay degmadaasi islamarkaana Xaafadaha ku yaalla degmadaasi ay fariisteen Biyaha Webiga taas oo sababtay in Biyaha Webiga uu soo raaco Xayawaanka loo yaqaanno Yaxaaska kadibna uu Xayawaankaasi billaabay waxyeeleynta dadkii ku noolaa Xaafadahaasi Jalalaqsi ee Fatahaadda Webiga uu saameeyay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Yaxaaska uu qof dhaawacay mid kalana uu la tagay sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxmed Cabdulle Fiidow.
Labada qof ee midi uu qaatay Yaxaaska , mid kalana uu dhaawacay ayaa dhammaan Lab waxaana qofka dhaawaca ah hadda la sheegay in xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Jalalaqsi.
" Horta dhibaatada jirto Magaaladaan waxaa looga nool yahay meelaha dalcada ah, xaafado badan waa go’doon alaabtii ayaa laga qaatay, ilaaheey qudradiisa waaye waa Maskax naga weyn , Yaxaasku banaanku u soo wada baxay, wiil waa la tagay midna si dirqi ah ayaa looga reebay” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow mar uu sharraxayay xaaladda Magaaladaasi iyo sida fatahaadda ay u saameysay.
Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa intaas ku daray in dadka xaalado nololeed ay soo food saareen islamarkaana aysan heysan wax dalag ah oo ay ku maareeyaan noloshooda.
Fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabelle ayaa saameeyay degmooyin ay ka mid yihiin Baladweyne iyo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyadoona dad badan ay degmooyinkaasi ka barakaceen.
MAREYKANKA: WAA IN CADAALADA LA HORKEENAA KUWII DILAY WARIYE SAGAL SALAAD CUSMAAN
Dowlada Mareykanka ayaa si kulul u Cambaareysay dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay shantii bishan Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
" Dowladda Mareykanka waxaa ay tacsi u direysaa qoyska, saxiibada iyo dadkii ay la shaqeyn jirtay Sagal, islamarkaana waxaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay sii wadaan halgenka ay ugu jiraan ilaalinta xoriyada hadalka ayaga ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri warka kasoo Baxay Dowlada Marekanka.
Warka kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu codsaday dowlada Soomaliya in ay sharciga horkeento kuwii ka dambeeyay dilkii Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
Ilaa Hada Dowlada Soomaliya ma jirto cid ay usoo qabatay dilka Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
BOOLISKA AMISOM OO KA QEYB QAADANAYA XAQIIJINTA AMAANKA MAGAALADA MUQDISHO
Booliska AMISOM ayaa sheegay in Magaalada Mogadisho ay soo gaarseen Saraakiil si ay u xoojiyaan Amniga Magaalada inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Saraakiishaan ayaa waxa ay la Shaqayn doonaan Saraakiisha Booliska Somaliya si loo xaqiijiyo in Bulshadu ay hawl maalmeed kooda u wataan si caadi ah oo wax dhibaata ah aan la kulmin sida AMISOM ay Sheegeen.
Saraakiishaan ka socta Booliska AMISOM ayaa waxa ay ka kooban yihiin Booliska Magiciisa loosoo gaabiyo FPUS kuwaas oo ka kala socda Wadamada Uganda iyo Nigeria,iyo Booliska loo yaqaano IPOS kuwaas oo sugitaan Ammaanka Magaalada Muqdisho kala qayb qaadan doona Booliska Somaliya.
Ciidamaan Booliska ayaa waxaa ay ka Hawlgali doonaan Xurumo muhiim ah isla markaana Istiraajiiji ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho si ay u adkeeyaan nabada inta lagu jiro Bisha Ramadaan.
AMISOM ayaa sheegtay in Ciidamadaan ay samayn doonaan Roondooyin sidoo kalana ay ka Hawgali doonaan jagboontiyo cayiman, waxay sidoo kale ku tiirsanaan doonaan illo dhinaca Sirdoonka ah dhamaan Tilaabooyinkan oo dhan ayaa waxa lagu sheegay sidii Ammaanka Magaalada kor loogu qaadi lahaa loogana hortagilahaa in Weeraro ay ka geystaan Alshabaab .
Bishii maarso ee sanadkaan 2016ka kulan ay siwada jir ah u qaateen Taliyaha Booliska AMISOM Anand Pillayiyo iyo dhigiisa Somaliya Mohamed Sheikh Hamud ayaa waxa ay isku soo qaadeen Qorshayaal dhinaca Ammaanka ah oo ay ugu talagaleen inta lagu jiro Bisha Ramadaan
AL SHABAB OO KA TACSIYEYSAY GEERIDA HOGAAMIYIHII HORE EE DAALIBAN MULLAH AKHTAR MANSUUR
Bayaan ay soo saaren Kooxda Al Shabab ayaa lagu sheegay in tacsi ay uga dirayan geerida hogaamiyihii Daaliban Mullah Akhtar Mansuur dhamaan ummada reer Afghanistan waxa ayna u jeediyen ammaan balaaran.
Al Shabab ayaa cinwaan uga dhigtay bayaankasi "Khuraasaan Manjabaca Jihaadka iyo istishhaadka” waxaana aad loogu faahfaahiyay geerida Mullah Akhtar Mansuur oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daaliban.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa dhawaan duqeyn ku dilay hogaamiyahasi oo lagu magacaabi jiray Mullah Akhtar Mansuur.
Kooxda Daaliban ayaa dagaal xoogan kula jirta dowlada Afghanistan iyo dalalka reer galbeed ee ka qeybgalaya howlgalka ka dhanka ah kooxdasi ee ka socda Afghanistan.
Mareykanka ayaa duqeyn dila hogaamiyeyaasha sar sare ee kooxaha aadka uga soo horjeeda siyaasadiisa oo ay ku jiran Al Shabab iyo Daaliban.
HILLARY CLINTON OO SHEEGATEY IN AY TAHAY MUSHARAXA XISBIGA DIMOQRAADIGA
Hillary Clinton ayaa sheegatey in ay tahay haweeneydii u horeysey taariikhda dalka Maraykanka ee noqota Musharaxa u taagan tartanka Madaxweynaha Maraykanka oo la qabanayo bisha Nofeember 2016.
Warbaahinta AP ayaa sheegtey in Hillary Clinton haysato ergo ku filan. Sida ay qortey AP Clinton ayaa hadda haysata 1800 oo ergey kuwaas oo la soo doortey iyo 571 oo Super Delegate ah kuwaas oo ah dadka awoodda ku leh xisbiga ee aan la soo dooran.
Warka AP waxaa waxaa dhegaha ka fureystey ololaha musharaxa sida adag ula tartamey Sen. Sanders, waxaana ay sheegeen in aysan aqbaleyn ilaa la tiriyo codka u danbeeya
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA OO SOO DHAWEEYAY ANSIXINTA SHARCIGA XANAANADA
Iyadoo daraad Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen dhowr Hindise sharciyeedyo oo uu ka mid yahay Sharciga Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya ay soo dhoweysay talaabadii uu Baarlamaanka sharcigaas ku meel mariyey.
Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay talaabadii baarlamaanka uu sharcigaas ku meel mariyey, isagoo sheegay in sharciga xanaanada xoolaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.
Sidoo kale Wasiirka xanaanada xoolaha ayaa sheegay in sharcigan meel marintiisa uu kusoo aaday xilli loo baahnaa iyo in la dhiiri geliyo caafimaadka xoolaha iyo ganacsigooda.
Daraad ayaa mudaniyaasha Baarlamaanka Soomaaliya kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku ansixiyeen sharciga Xanaanada Xoolaha, iyadoo ay ogolaadeen 150 mudane halka sedax mudanena ay ka aamustay,waxaana sidoo kale ansixinta sharcigan uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen iskaashiga caafimaadka xoolaha.
RA’IISUL WASAARIHII HORE EE TALYAANIGA OO ISBITAAL LA DHIGAY
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Milano, kadib markii uu soo wajahay xanuun xaga wadnaha ah.
79 jirkan ayaan xaaladiisa aheyn mid wal wal ah, sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay Xisbigiisa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu maro baaritaan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Isbitaalka la dhigay ee San Raffaele hospital ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan aheyd in isbitaalka la keeno, maadaama ay jireen baaritaano dhinaca wadnaha ah oo lagu sameyn lahaa.
Silvio Berlusconi oo ah maalqabeen caan ah ayaa muddo afar jeer soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, balse waxaa xukuntay maxkamad markii lagu helay canshuuro uu la goostay iyo laaluush.Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in xaaladiisa aanay aheyn mid qatar ku jirta, hase ahaatee si weyn looga dareemay Talyaaniga oo dhan, markii la maqlay in Isbitaal loola cararay.
11 RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAX KA DHACAY BARTAMAHA MAGAALADA ISTANBUL
Qarax baabuur oo lagu weeraray gaari bas ay booliska Turkiga lahaayeen ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux bartamaha magaalada Istanbul.
Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo la dhigay wado dhinaceeda, iyadoo la qarxiyay, xilli uu gaariga baska uu dhinac marayay.
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd goob mashquul ah oo ku dhow goobaha taariikhiga ah ee ay ku badan yihiin dadka dalxiisayaasha ah
Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay qaraxa, dadka dhintay ayaa waxay isugu jireen todobo boolis ah iyo afar rayid ah, halka 36 kalena ku dhaawacmeen Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinayay bur burka baabuurkii qaraxa lala eegtay iyo kuwa kale oo wadada yaala.
Qaraxyo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Turkiga, sida Istanbul iyo Ankara ayaa waxaa mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Kooxda IS iyo kooxaha Kurdiyiinta.
BOGGA CAYAARAHA
LIONEL MESSI →PSG, CRISTIANO RONALDO →MANCHESTER UNITED? ISKA ILAW WARKAAS, MESSI IYO RONALDO OO HESHIISYO CUSUB U SAXIIXAYA KOOXAHA BARCELONA IYO REAL MADRID
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa wada qorshe ay heshiisyo cusub kaga saxiixanayaan labada xidig ee aduunka ugu qaalisan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Messi iyo Ronlado ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Manchester United iyo PSG, laakiin sida ay ku waramayaan saxaafada Spain gaar ahaan AS iyo Sport oo ka soo kala baxa Madrid iyo Barcelona, labadan xidig ayaa saxiixi doona heshiisyo cusub.
Barcelona ayaa haddaba bilawday ka shaqaynta in ay Lionel Messi la fadhiisato oo ay ka saxiixato heshiis Camp Nou ku sii hayn doona ilaa marka uu 35 sano jir yahay. Sidoo kale Real Madrid ayaa doonaysa in kooxaha PSG iyo Manchester United ay ugu quus goyso heshiis cusub oo ay ka saxiixato Ronlado.Messna and Ronlado
Ronaldo ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo sidii uu waayihiisa ciyaareed ugu dhamaysan lahaa Santiago Bernabeu isla markaana uu sii ciyaari lahaa ilaa marka uu 40 snao jirka yahay. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa muhiim wayn u leh kooxaha Barcelona iyo Real Madrid iyo sidoo kale horyaalka La Ligaha Spain oo ay sumcadiisa sare u qaadeen.
Labadan xidig ee rekoodh kasta soo jabiyay ayaa markale xifiltankooda ka sii wadi doona Santiago Bernabeu iyo Camp Nou, waxayna markale xili ciyaareedka danbe ay u loolami doonaan koobabka maxaliga ah iyo tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaquega. Warka in Messi iyo Ronaldo ay heshiisyo cusub saxiixi doonaan ayaa soo gabagabayn kara wararkii xanta suuqa ee xidigahan kooxo kale la xidhiidhinayay.
Labada xidig ayaa doonaya in ay sii joogaan Spain sidoo kale kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa doonaya in ay xidigahan sii haystaan, taas oo wax sahlan ka dhigaysa in ay heshiisyo cusub saxiixaan. Waxaana la filayaa in heshiis kordhinta Messi iyo Ronaldo xagaagan la samayn doono. Messi iyo Ronaldo ayaa dhexdooda ku soo guulaystay 8 Ballon D’or iyo 7 koob oo Champions Leaquega ah.
DAAFACA KOOXDA VILLAREAL ERIC BAILLY OO CAAFIMAADKA U MARAYA KOOXDA MACHESTER UNITED.
Sida ay ku waramayaan saxaafada England, daafaca kooxda Villareal Eric Bailly ayaa galabta caafimaadka umaraya kooxda kooxda Manchester United,xilli kooxdan reer England ay kula heshiisay kooxda Reer Spain aduun lacageed gaaraya 30 Milyan oo pound.
Kooxda Villareal ayaa maalintii isniintii sheegtay in kooxda Man United ay isla meel dhigeen saxiixa xiddigan reer Ivory Coast, isagoona hadda noqday saxiixii ugu horeeyay ee uu sameeyo macalinka dhwaan galka ah ee kooxda Man Utd Jose Mourinho kaas oo isku shaan dheeyn ku sameeynaya kooxdan ka dhisan Garoonka Old Trafford.
22 sano jirkan ayaa usoo duulay magaalada Manchester Si uu tijaabada Caafimaad ugu maro kooxda United oo xiddigan mudo dheer baacsanaysay, balse wakiilada labada dhinac ayaa sheegaya in ugu dambeeyn heshiiska xiddigan la dhameeyn doono maalinimada Jimcaha ee soo aadan, si loo dhameeystiro inta ka hartay saxiixa xiddigan kasoo jeeda qaarada Afrika.
Villarreal ayaa xiddigan kaga soo iibsatay kooxda Espanyol aduun lacageed gaaraya 4.4 Milyan oo Ganni bishii January 2015, waxayna hadda ka iibiyeen kooxda Red Devils inkasto ay jireen xiiso ay qabeen kooxa ay kamid yihiin Barcelona, Bayern Munich, Paris Saint Germain, Arsenal Iyo Manchester City.
Dhanka kale waxaa la fahansan yahay in Zlatan Ibrahimovic iyo Matic ay yihiin Saxiixyada xiga ee macalin Jose Mourinho kaas oo doonaya in uu dhiso koox adag oo ku guuleeysan karta Horyaalka Premier League madaama kooxdan uu maqaamkeeda hoos u dhacay tan iyo markii uu kubada ka fadhiistay Halyeeygii Reer Scottland Sir Alex Ferguson xilli ciyaareedkii 2013.
DOORKA WARBAAHINTA IYO DOORASHOOYINKA KA SOO SOCDA EE DALKA KA DHICI DOONA AUGUST 2016
Bishi hore ee May ee sannadkan 2016 waxay xusuus weyn ku leedahay quluubta saxafiyiinta Soomaaliyeed ayadoo kulmisay laba munaasabo oo muhiim ah hawlgalka saxaafadda tan gudaha iyo dibedda oo kala ah:
I) Xuska Maalinta 3 May maalinta ee loo asteeyay warbaahinta xorta ah ee caalamka iyo
II) Doorashada hoggaanka cusub ee Ururka Shaqalaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
MAALINTA WARBAAHINTA CAALAMKA
May 3da 2016 waxaa caalamka guud ahaan laga xusay maalinta warbahinta caalamka. Halkudhagga warbaahintu sannadkani waxa weeye helida ama doonista saxaafada ay dooneyso xogaha iyo xoriyada oo dhamaantooda ah xuquuqaha asaasiga ay saxafiyiinta.
Halkudhagga WPFD ee sannadkan 2016 waxay isu keeneysa seddex weji oo ah xoriyadda saxaafada ah waxayna kala yihiin:
Xoriyadda helida xogta oo ah xoriya aasaasi ah kana mid ah xuquuqda aadanaha.
Difaaca xoriyadda saxaafadda ee dhinaca faafreebka iyo ilaalada xaddhaafka ah iyo
Xaqiijinta badbaadada saxifiiyinta wax ku baahiya baraha internetka iyo kuwa kale ee aan internetka ku shaqeyn
Ayadoo sannad walba Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Wabarashada iyo Culuunta Sayniska (UNESCO) ay munaasabadan u soo curiso halkudhag ay warbaahintu agabka ay faafiso ugu tuuntuunsato hadba xaaladaha marka ka taagan ee manfaca u leh mehnedan ayaa ujeedada ugu weyn ee halkudhagga sannadkan 2016 ay UNESCO soo saartay waxa ka mid ah in warbaahinta caalamka ay hawlaheeda liishaanka ku saarto baadigoobka xogaha ay hayaan sarakiisha maamusha xafiisyada dawlada (information held by public authorities) si ummaddu ula socoto xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta ee dhanka siyaasada, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo amaanka.
Xuska maalinta waxa miisaanka la saara waxqabadka saxaafadda heer caalam iyo heer dal waxaana sannadka markuu dhamaato (May 2017) dib ay warbaahintu ugu xisaabtami doonta waxay soo qabtay ee dhinaca wacyigelinta iyo baraajujinta dadweynaha ayadoo warbaahinta talo iyo toosin waxkuool ah ummadda u tebineysa nusqaan iyo nimco waxay dawladdu ku tallaabsaday sanadka iyo tabaha lagu gaari karo horumarinta siyaaasada, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dhaqanka bulshada iyo wixii u qabsoomi wayay ayadoo raadisa sababaha keenay inay hawshaasi u ridbatay.
Geesta kale munasabadaas xuska warbaahinta waxay ku soo beegantay marki dhowaan la doortay hoggaanka cusub ee Ururka Shaqaalaha Saxafiyiinta ee NUSOJ.
Xoghayaha Guud ee ururka waxa loo doortay Mohamed Ibrahim Mwalimu halka Mahir Jaamac loo doortay Guuddomiyaha ururka.
Doorashada waxay dhacday kaddib marku ururku muddo dheer soo ragaadiyay muran, isqabqabsi iyo musuqmaasaq waxaana muranka saldhig u ahaa hoggaanka oo la isku qabsaday, eed iyo eedcelin ku saabsan musuqmaasaq heerar kala duwan iyo ku takri fal awoodeed iyo maamul xumo.
Inkasto muddo dheer loo kala dabqaadayay dadka isku heysta ururka, haddane weli ma muuqato in isqabqabsiga uu soo afjarmay.
URURKA SHAQAALAHA WARBAAHINTA
Urur shaqaale waxa afka qalaad lagu yiraa TRADE UNION kulmiya shaqaalaha ka shaqeeye mehnedda warbaahinta noocyadeeda kala duwan ee elektronica sida Radiyaha, Telefishinka, mida la daabaco ee wargeysyada, majalaadka, internetka, baraha bulshada.
Ururka waxaa kaloo xubin ka noqon kara wariyayaasha shariikadaha ajaanibta u shaqeeye ee dalka deggen.
Ururka shaqaalaha wuxuu isu keena dhamaan jamciyadaha shaqaalaha wuxuuna ururku wakiil ka yahay danaha shaqaalaha si uu qayb uga noqdo dadaalka loogu jiro kordhinta dhaqaalaha ay helaan shaqaalaha loona wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Sida qaalibka ah waxaa jira ururweynaha shaqaalaha oo ay xubno ka yihiin karaan dhamaan ururada shaqaale oo mehnahoodu kala duwan tahay ayadoo ururweynahaas ay xubin ka noqon lahaa ururka shaqaalaha saxafiyiinta.
Urur weyn shaqaalaha hadda Somalia kama jiro marka laga reebo ururka shaqaalaha ee hoos imaan jiray maamulkii kacaanka ayadoo xilliga kacaanka ka hor ay jireen ururo shaqaale ee madax banaan.
DOORKA URURKA SHAQAALAHA SAXAFIYIINTA SOOMAALIYEED EE SOJON
Ururka wuxuu shaqaalaha warbaahinta wuxuu ugu horreyn difaaca danaha guud ee shaqalaha ayadoo ururku qabta dhowr shaqo oo ay ka mid yihiin in ururku uu loo shaqeeyaha (employer) kala hadlo mushaarka shaqaalaha (employee), saacadaha shaqada iyo xaaladaha shaqada gaar ahaan heshiisyada dhex mara shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha oo ku cad labada dhinac waxa laga rabo.
Waxaa kalo hawlahaas ka mid ah dibueegista iyo kororsiimada mushaarka aasaaska, gunnooyinka saacadaha dheeraadka ah, fasaxyada, ilaalada caafimaadka, dallacsiinta, xuuqda hooyonimo iyo aabenimo iyo sida ay shaqaalaha iskugu halleyn karo shaqada oo ay ahaanta karto mid la isku hubo.
Ayadoo ay duruufuha ka jira dalalka caalmka ay kala duwan yihiin, ururada waxay la socdaan inay ilaaliyaan isla markaana ay wanaajiyaan xuquuqda shaqaalaha iyo xaaladaha goobaha shaqada.
Ururada waxay shaqaalaha siiyaan xog kala duwan gaar ahaan arrimaha hawlgabka. Waxay shaqalaha ka caawinaan dhinaca waxbarashada iyo tababarada si hore loogu dhigo xiradaha sahaaqala warbaahinta. Waxay ka qayb ka noqdaan tallaabooyinka lagu wanaajinaayo laguna kordhinaayo, soosaarka barnaamijyada ay warbaahintu u soo saarto dadla ku taxan barnaamijyadaas kala duwan iyo hannaanka wartebinta.
Ururku wuxuu xubnihiisa u leeyahay faa’iid kale oo dheeraad ah sida bixinta mushaarka shaqaalaha marka ay shaqokafariisi (strike) shaqaaluhu sammeeyaan, xanuun iyo marka ay ku dhacdo shaqo la’aan.
Intaas ka sokow, ururada waxay dawladda culeys ku saaraan in dawladdu ay soo saarto shuruuc ay faa’ido ugu jirto dhamaan xubnaha ka tirsan ururka waxaana shuruucdaas ka mid noqon kara qoondeynta mushaarka ugu yar ee heer qaran ee la siin karo qof shaqaalaha ah.
SOMALIA IYO HAWSHA WARBAAHINTA
Dalkan Soomaaliya waxaa lagu tilmaama inuu ka mid yahay meelaha u qatarta badan ee qof saxafi ah uu ka shaqeeyo ayadoo taas aasaas looga dhigayo saxafiyiinta ay kooxaha xagjirka ah ay dil toogasho la beegsadaan.
Saxafiyiinta nafta ku waayay hawshooda, Ilaah ha u naxariisto dadaal weyn ayay hawshooda u galeen walow sidii la rabay aaney saameyn xoogan ugu yeelan waxkabedelka xaaladaha murugsan ee dalka yaala, sababtoo ah muu jirin ajende qaran oo ay warbaahintu wadajir u difaacdo taasoo haddii ay u dhintaan ay gar ahaan lahayd inay fuliyeen hawl istaahisha in nafto loo huro.
Ururka shaqaalaha saxafiyiinta ee SOJON ilaa hadda sooma saarin curinta ajenda qaran oo ay warbaahintu liishaanka saarto si dalka looga samata bixiyo dhibaatooyinka hadda jira iyo kuwa ku soo fool leh.AJENDUHU WAA IN WARBAAHINTA ay dadaal dheeraad ah u gashobadbaadinta qaranka ayadoo shacabka loo diyaarinayo difaaca iyo adkeynta midnimada, gobannimada iyo qarannimada.
WACYIGELINTA WARBAAHINTA EE KU AADAN SHACABKA
Marka laga soo bilaabo markii la riday xukunkii militariga 1991 ilaa shalay, warbaahinta ku hanoqaaday waayaha burburka ee dalkan Soomaaliya waxaa qof walba oo muwaadin ah ku soo dhacaysa su’aasha ah maxay warbaahintu saameyn qoto dheer ugu yeelan weyday waxkabedelka habdhaqanka maamulada dalka soo maray iyo shacabka gaar ahaan dhinaca wacyigelinta ee ku aadan horumarinta dalka ama toosin ah ama dhaliil ah oo ay ku soo kordhisay in dalka muddada gaareysa rubuc qarni uu dalku ku abaadiyo dibudhac iyo kasookabasho la’aan bacdama hore mehnedda warbaahinta loogu tilmaamay inay tahay La soco qeybta kale berrito inshaa allaah
WAXAA QORAY RUGCADAA SARE C/QAADIR MAXAMUUD WALAAYO
RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA
(DERSIGA KOOWAAD)
Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo u diyaar garoow wanaagsan, marka ay Bilatana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta oo kamid; maxaa yelay Ramadaanku illaah (cw) waxaa uu ka yeelay mid ka dheer Bilaha kale afar arimood oo waa weyn oo kala ah:
1Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay kheyr badan tahay 1000 Bilood oo cibaado ah, waa in kaban 82sano qiyaastii, waxaana arintaas u Daliil ah Qur’aanka kariinka ah aayadaha ka midka ah:
قال تعالى: { وما أدراك ما ليلة القدر . ليلة القدر خير من ألف شهر . تنزّل الملائكة والروح فيها بإذن ربهم من كل أمر . سلام هي حتى مطلع الفجر } سورة القدر .
Waxaa ayadaas macnaheeda oo kooban tusayaa: in Habeenkaas aad u qiima badan yahay, kana kheyr badan yahay kun Bilood, waxyaabaha uula dheeraadka yahay Habeenkaasna waxaa ka mid ah in Malaaikta uu kamid yahay Jibriil ay soo dagtaan, waana Habeen nabad xambaarsan ilaa waagu ka dilaaco.
2Waxaa kaloo Ramadaanka Bilaha dheer yahay waa in lasoo Dejiyay Kitaabada kuwa ugu Fadli badan oo lagusoo dajiyay Nabiyada kuwa ugu Fadliga Badan( nabadgalyo iyo naxariis korkooda allaha yelee), waxaana ka mid ah Kitaabkeena ku Qur’aanka ah, Suxuftii Nabi Ibraahiim,Toowraad, Injiil iyo Zabuur
قال تعالى: { شهر رمضان الذي أُنزل فيه القرآن هدى للناس وبيّنات من الهدى والفرقان } البقرة / 158
وقال تعالى:{ إنا أنزلناه في ليلة مباركة إنا كنا منذرين .فيها يُفرق كل أمر حكيم . أمراً من عندنا إنا كنا مرسِلين } الدخان / 12 .
Waxaa labadaan aayadoodba tusayaan in Kitaabka Qur,aanka ah lagu soo dhex Dajiyay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, weliba waxaa aaayada dambe tilmaameysaa in lasoo dajiyay Qur’aanka Habeenka Fadliga badan ee LelatulQadriga loo yaqaan, waxaa kaloo ka sugnaaday Nabigeena Suuban Xadiis uu ku tilmaamay in kitaabada aan kor kusoo Sheegnay oo dhan lasoo Dajiyay Bisha Ramadaan dhexdeeda, taasoo tilmaameysa darajada dheeraadka ah ee Bisha Ramadaan.
وروى أحمد والطبراني في معجمه الكبير عن واثلة بن الأسقع – رضي الله عنه – قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( أُنزلت صحف إبراهيم أول ليلة من شهر رمضان ، وأُنزلت التوراة لِسِتٍ مضت من رمضان ، وأُنزل الإنجيل لثلاث عشرة مضت من رمضان ، وأُنزل الزبور لثمان عشرة خلت من رمضان ، وأُنزل القرآن لأربع وعشرين خلت من رمضان ) . حسنه الألباني في السلسلة الصحيحة (1575) .
Xadiiskan waxaa uu si cad u tilmaamayaa oo uu xadidayaa taariiq ahaan maalmaha ay soo kala dageen ee ka mid ah Bisha Ramadaan Kitaabadii ugu Fadliga Badnaa ee uu Illaah (cw) kusoo kala Dajiyay Nabiyo aad u Fadli badnaa (nabad iyo naxariis korkooda allaah yeelee).
Waxaa uu yiri Nabiga (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee):{waxaa lasoo dajiyay Suxuftii Nabi Ibraahiim Habeenka Koowaad ee ka mid ah Bisha Ramadaan, Toowraadna waxaa lasoo dajiyay Habeenka todobaad ee Bisha Ramadaan, Injiilna waxaa lasoo dajiyay Habeenka 14aad ee Bisha Ramadaan, Zabuurna waxaa lasoo dajiyay Ramadaan oo ay ka baxday 18 Habeen, Qur’aankana waxaa lasoo dajiyay ayadoo ay ka gudubtay Ramadaanka 24 Habeen} Albaani Xadiiskan waxaa uu ku tilmaamay Xasan inuu yahay Darajo ahaan.
3 Waxaa kaloo Ramadaanku Bilaha dheer yahay in Albaabada Janada la furo, kuwa Naartana la xero, Shayaadiintana la Katiinadeeyo, arintaasna waxaa cadeeyay Axaadiis fara badan oo laga wariyay Nabigeena Suuban (Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee), waxaana ka mid ah Axaadiistaan kuwaan soo socda:
فعن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إذا جاء رمضان فتحت أبواب الجنة وغلقت أبواب النار وصُفِّدت الشياطين ) متفق عليه.
Xadiiska koowaad oo ah darajo ahaan Xadiis Saxiix ah waxaa uu cadeeyay: Ramadaanku haduu sooo galo in Albaabaha Janada la furo, kuwa Naartana la xero Shayaadiintana la Katiinadeeyo.
Xadiiska labaadna waaa Xadiis Darajo ahaan uu Saxiixiyay Sh ALbaani (allaah u naxariistee) waxaa uuna ku macna yahay kii hore waxaa uu leeyahay sidatan:
وروى النَّسائي عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إذا جاء رمضان فُتحت أبواب الرحمة وغلقت أبواب جهنم وسلسلت الشياطين ) وصححه الألباني في صحيح الجامع (471).
Macanihiisuna waa : Haduu yimaado Ramadaanka waxaa la furaa Albaabada Raxmadda, waxaana la xeraa Albaabada Naarta Jahanamo, waxaana la ka tiinadeeyaa Shayaadiinta.
Xadiiska Sadaxaad ee tusaya Fadliga Bisha Ramadaan waa xadiis xaga macnaha Xambaarsan faahfaahino ka dheeraad ah Axaadiistii ka horeysay laakiin ku macno ah, waxaa uu le yahay sidatan:
وروى الترمذي وابن ماجه وابن خزيمة في رواية : ( إذا كان أول ليلة في شهر رمضان صُفِّدت الشياطين ومَرَدَة الجن ، وغلقت أبواب النار فلم يُفتح منها باب ، وفتحت أبواب الجنة فلم يغلق منها باب ، وينادي منادٍ : يا باغي الخير أقبل، ويا باغي الشر أقصر . ولله عُتقاء من النار وذلك كل ليلة ) . وحسنه الألباني في صحيح الجامع (759) .
Waxaa uu leeyahay Xadiiskan: Hadii la gaaro Habeenka ugu horeysa Ramadaanka Shayaadiinta waa la Xeraa iyo kuwa madaxa adag ee Jinka kamidka ah, waxaana la xerxeraa albaabada Naarta Albaabna lagama furo, Albaabada Janada waa la furfuraa Albaabna lagama xero, waxaana dhanka samada ka Naadiya Mid Naadinaya oo leh: kan Kheyrka raboow u kaalay, kan Sharta doonayoow Gaabso. Habeen walba oo kamid ah Ramadaanka illaah waxaa uu leeyahay kuwo Naarta uu ka xoreeyo.
Maraka waxaa Axaadiistaas oo dhan na tusinayaan fadliga Bidha Ramadaan iyo Fursadaha Ruuxa Muslmka uu helaayo oo ah kuwa aan mar walba hor oolin sida in laga xero Shayaadiintii Xushalay u qurxun jirtay kuwooda ugu madaxa adkaa ee ugu Sharta badnaa taasoo Muslimka siineysa inuu helo jawi aan laheyn caqabado oo uu ku cibaadeysan karo, waxaa kaloo Axaadiistaan laga faaiidayaa in loo dagdago Kheyrka maadaama Janadii loo furay irdaha Naartiina ay Xeran tahay..
4 Arinta Afaraad ee Ramadaanku Bilaha Dheer yahay waa:In uu Xambaarsan yahay Cibaadooyin ay yartahay in sanadka oo dh
an laga dhex helo oo aad u fara badan sida Soonka, Qiyaamka, Quudinta Masaakiinta, Ictikaafka, Sadaqada iyo Qur’aan aqriska.
Waxaana Bisha Ramadaan la Jibaaraa Ajarada taasoo ah fursad aan mar walba laheli Karin.
Hadaba waxaan intaas ku soo koobayaa Darsi ama Maqaal aan Rajeynaayo Inshaa allaah – inuu noqdo kii koowaad oo aan uga qeyb qaadanaayo Bisha Barakeysan oo Ramadaan ka Faaiideysigeeda.
WAXAA DIYAARIYAY CALINUUR XOOGSADE
Calixoogsade@Hotmail.Com
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 8-DA JUUN 2016-KA
HORMUUD FOUNDATION OO DEEQ LACAGEED GAARSIISAY BUKAANADA KU JIRA ISBITAALADA MUQDISHO Hey'adda Sama falka ee Hormuud Telecom Foundation ayaa shalay deeq lacageed gaarsi isay bukaanada ku jira Saddex Isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho, ku