11 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul

0
Tuesday June 07, 2016 - 12:44:20 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    11 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul

    Qarax baabuur oo lagu weeraray gaari bas ay booliska Turkiga lahaayeen ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux bartamaha magaalada Istanbul. Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo la dhigay wado dhinaceeda, iyadoo la qarxiyay, xil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax baabuur oo lagu weeraray gaari bas ay booliska Turkiga lahaayeen ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux bartamaha magaalada Istanbul. Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo la dhigay wado dhinaceeda, iyadoo la qarxiyay, xilli uu gaariga baska uu dhinac marayay.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd goob mashquul ah oo ku dhow goobaha taariikhiga ah ee ay ku badan yihiin dadka dalxiisayaasha ah

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay qaraxa, dadka dhintay ayaa waxay isugu jireen todobo boolis ah iyo afar rayid ah, halka 36 kalena ku dhaawacmeen

Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinayay bur burka baabuurkii qaraxa lala eegtay iyo kuwa kale oo wadada yaala.

Qaraxyo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Turkiga, sida Istanbul iyo Ankara ayaa waxaa mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Kooxda IS iyo kooxaha Kurdiyiinta.

qarax-baaburqarax-ista




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip