Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo Johansburg loogu geystay ganacsato Soomaali ah
Xaafadda Orangi Farm oo qiyaastii 30Km u jirta magaalada Johansburg ee wadanka South Africa ayaa xalay lagu weeraray ganacsato dhallinyaro Soomaaliyeed ah, weerarkaasi oo ay fuliyeen burcad u dhalatay dalkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in goob ganacsi oo ay dhallinyarada ku lahaayeen xaafadda Orangi lagu dilay wiil lagu magacaabo Hilaal, kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ugu caansan dalkaasi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarka lagu dhaawacay wiil kale oo magaciisa lagu soo koobay Heyl, kaasi oo la sheegayo in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid halis ah isla markaana lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Johansburg.
Dhinaca kale kooxaha burcadda South African-ka ah ayaa isaga baxsaday goobtaasi, iyagoona ku hubeysnaa bastoolado iyo baangado, waxaana daqiiqado kaddib goobta soo gaaray ciidamada Booliska kuwaasi oo bilaabay howlgallo iyo baaritaano la xariira falka dilka ah ee meesha ka dhacay.