Amisom oo sheegtay Somaliya inaan lagu maxkamadeyn doonin 5 Askari oo Amisom ka tirsan oo falal xatooyo lagu qabtay

0
Tuesday June 07, 2016 - 12:02:59 in Wararka by
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom oo sheegtay Somaliya inaan lagu maxkamadeyn doonin 5 Askari oo Amisom ka tirsan oo falal xatooyo lagu qabtay

    Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Somaliya aanan lagu maxkamadeyn doonin 5 Askari oo ka tirsan ciidamada Amisom, kuwaasi oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaya qalabka ciidamada Amisom ay ku howlgalaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Somaliya aanan lagu maxkamadeyn doonin 5 Askari oo ka tirsan ciidamada Amisom, kuwaasi oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaya qalabka ciidamada Amisom ay ku howlgalaan.

Afhayeenka ciidamada AmisomJoe Kibet, oo la hadlay Idaacada Goobjoog, ayaa sheegay Askartaasi in lagu maxkamadeynaayo dalalka ay u dhasheen.

Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay Amisom iyo Dowladda Somaliya inay horay u kala saxiixdeen heshiis dhigaayay Askari kasta oo Amisom ka tirsan oo falal xatooyo sameeya in lagu maxkamadeeyo dalka uu u dhashay.

Afhayeenka Amisom ayaa muujiyay sida Saraakiisha Amisom ay uga niyad jabeen arintaan markii ay soo baxday, maadaama Askarta Amisom aanan laga fileyn inay arintaasi ku dhaqaaqaan.

’’Shacabka Somaliyeed nagama filaneyn in sidan oo kale aan u dhaqanno taas oo uu ku tilmaamay in ay ku yeelaneyso saameyn aan wanaagsaneen.’’Ayuu yiri Afhayeenka Amisom.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Axmed Cali Daahir ayaa horay u sheegay Kiiska Askartaan in gudaha Somaliya lagu qaadaayo, oo Hay’adaha Baarista Dowladda lagu wareejinaayo.

Ciidamada Amisom ayaa markii hore lagu eedeyn jiray inay si qarsoodi ah u iibsadaan Shidaalka ciidamada, balse si toos ah ayeey hada Fadeexadaasi ugu soo baxday.

5 Askari oo Amisom ka tirsan iyo 10 Askari oo Somali ah ayaa u xiran dhacdada la xiriirta Xatooyada qalabka ciidanka Amisom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip