Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Gobolka Banaadir

0
Tuesday June 07, 2016 - 11:11:56 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Gobolka Banaadir

    Taliska Qeybta ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay taliye cusub, kaddib markii uu dhowaan xilkaasi iska casilay taliyihii hore Jan. Cali Xersi Barre (Cali Gaab).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Qeybta ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay taliye cusub, kaddib markii uu dhowaan xilkaasi iska casilay taliyihii hore Jan. Cali Xersi Barre (Cali Gaab).
Wareegto ka soo baxday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliye cusub loogu magacaabay Qeybta Booliska Gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Bishaar Abshir Geedi oo horay u ahaa hoggaanka Booliska Soomaaliyeed.

Mas’uulkaan cusub oo isagu ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska ee ka soo qabtay xilal kala duwan ayaa laga dalbaday inuu xilkiisa u guto si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirto.

Dhinaca kale magacaabista Taliyaha cusub ee Booliska gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmeysa xilli ammaanka magaalada Muqdisho laga deyrinayo, isla markaana ay ka dhacayaan weerarada ururka Al-Shabaab oo horay ugu hanjabay inay kordhinayaan weeraradooda bisha ramadaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip