Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

0
Tuesday June 07, 2016 - 00:17:09 in Wararka by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa laga reebay tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

    Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa lugtii ugu horeysay ku tartama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa lugtii ugu horeysay ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Dhahar VS Yaaqshiid oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Benaadir, ayadoo barnaamijkana ay sanadkan taabagelineyso Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar VS Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay, waxaana guddoomiye ku-xigeenka tartan aqooneedka Bisha Ramadaan Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye uu degmo weliba weydiiyay waxa ay caanka ku yihiin.

Dhahar

Tartameyaasha degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo Su’aal waxaana ay si sax ah uga jawaabeensaddexka mid ah. afar su’aalloodna jawaabahooda ma aysan haleelin, wax ka faa’iideysi ahna ma jirin oo ay Heleen tartamayaasha degmada Dhahar, ayadoo wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Dhahar heleen ay noqotaylixDhibcood.

Yaaqshiid

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Yaaqshiid todobo su’aal ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeenshanka mid ah,halsu’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeenhalsu’aal oo soo hareer martay tartameyaasha degmada Dhahar, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Yaaqshiid ay noqdeen12Dhibcood oo ay ku badiyeen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka tartan cilmiyeedka Musfta Maxamed Axmed Warcadeeye oo amaan u jeediyay tartamayaasha labada degmo.

Habeen dambe oo ah habeenka labaad ee tartan cilmiyeedka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinkaBaydhabo VS Afgooyeoo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

 

 

DSC04701DSC04713DSC04718DSC04731DSC04733DSC04735DSC04742DSC04749DSC04753DSC04762DSC04764DSC04765

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Xigasho:-radiomuqdisho.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip