Dowlada Federaalka oo Si rasmi ah Xalay u shaacisay in maanta ay Ramadaan tahay.

0
Monday June 06, 2016 - 11:26:23 in Wararka by
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Federaalka oo Si rasmi ah Xalay u shaacisay in maanta ay Ramadaan tahay.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqdey in maalinta Isniin, 6, june ay tahay Maalinta 1aad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ka dib markii sida ay sheegeen laga arkey magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqdey in maalinta Isniin, 6, june ay tahay Maalinta 1aad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ka dib markii sida ay sheegeen laga arkey magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Guddi Wasaaradda Ow-qaaftay iyo arrimaha Diinta ay u xil-saartay hubinta bilashada Bisha Ramadaan, ayaa sheegay in bisha laga arkay Xalay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ah.

Sh Cali Sh Maxamuud Sh Cali Dheere oo ku hadlay Magaca Culimada loo Xilsaaray Hubinta iyo Xaqiijinta dhalashada bisha ay Tv-ga Qaranka Soomaaliya ka sheegay in ay xaqiijinayaan Sugnaashaha Bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.

Ramadaan_

Dhinaca Kale, Dowlada Sacuudiga ayaa shaaciyay in xalay in maanta  oo Isniin ah Bisha June-na ay tahay 6- ay tahay Maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Gudiga sare ee Garsoorka Sacuudiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay  xalay in In maanta ay ramadaan tahay, sida ay Baahiyeen Warbaahinta Caalamka Qaarkood

Bogga Arabnews iyo Telefishinka Sacuudiga ee Al Carabiya ayaa xaqiijiyay sido kale in bisha Barakeysan ee Ramadan laga arkay dalka sacuudiga lana xaqiijiyay.

Dalka Australia Muslimiinta ku nool waxa ay waqti hore sii tukaden Xalay salaada Taraawiixda iyaga oo bilaabimaantana ay  maalinta koowaad ee bisha Ramadan  u tahay maadama ay  xalay saqdhexe  isu diyaariyeen in ay soomaan  iyadoo waqti ahaan ay ka horeyaan dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip