Maqaal: Walaal Jira Ordogaan!

0
Saturday June 04, 2016 - 20:12:34 in Maqaallo by
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Walaal Jira Ordogaan!

    Dad agoon ah oo aan Adeer, Abti iyo Saaxiib lahayn ayaan nahay, hadaan Soomaali nahay! Adeer ma lihin oo Carabtu dan weyn nagama leh. Mar uun ayaan si kama' ah ugu biirnay, arima markaa jiray iyo dana jiray owgood. Laakin danqasha iyo dareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad agoon ah oo aan Adeer, Abti iyo Saaxiib lahayn ayaan nahay, hadaan Soomaali nahay! Adeer ma lihin oo Carabtu dan weyn nagama leh. Mar uun ayaan si kama' ah ugu biirnay, arima markaa jiray iyo dana jiray owgood. Laakin danqasha iyo dareen weyn noo haayaan, oo waxa aan la mid nahay: faryarta dheeraadka ah ee ka raaracda faryarta rasmiga ah!

Abti ma lihin oo Africa maba noo aqoonsana afrikaanimada ee waxa ay noo arkaan balaaya habawsan oo Carab aan rabin daba ordaysa, Africa-na ka ordaysa!

Saaxiib-na ma lihin oo sida Kenya Ingriisku u koolkooliyo ama Maraykanku Ethopia u koolkooliyo cid noo koolkoolinaysaa ma jirto!

Annaga oo sidaas ah ayaan hadana kufnay oo aan jabnay oo weliba isa sii jejebinay!

Dad badan ayaa ku raaxaysanayay jabkeena, qaarna waxba kama gelin.


Annaga oo cara-jiifka ku daahnay oo nalaga taltallaabsado oo la yiraa waa kuwii, qaarna iskeen moogaysiiyaan, qaarna xagga dheer naga maraan si aan diifteenu u gaarin ayaa mar qura waxa ishiisu na qabatay nin wayn {Alaa weyne} waa Ordogaan!

Gacantuu na qabtay oo waa na istaajiyay oo caradii naga jafay oo noo qubeeyay oo cuna na siiyay oo biya na siiyay oo dharkii naga bedelay oo na daaweeyay oo quruxdeena adduunka tusay, markaa, ayaa markii quruxdeena la wada arkay, la soo wada cararay: annagaa meesha ku ogayn ee maxaad ka soo doontay? Qaylo iyo sawaxan: ama ha dhinteen ama ha noolaadeen ee maxaa ku keenay adiga? Waa in aad annaga noo daysaa Soomaalia!

Tolow 25 sano xagey jireen waa yaabe?!
Ordogaan, hadana waa yimid mar 2-aad iyo mar 3-aad oo waa naga tegi waayay oo daawadii iyo baahi-tirkii ayuu weli wadaa!

Soo dhowaaw! Walaal jira! Ma moogin waxa aad mudantahay, ma Hilmaami doono weligeen. Ala SW oo dartiis aad noogu timid ayaana kaa abaal marin doona Inshaa’allaah!

Wax kasta oo aan sheegana kugu yar oo adaa ka mudan!
Ordogaan oday jira. Alaha ku dhawro!

W/Qoray Hassan Hundubey Jimale

xigasho:somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip