Ciidamada Ammaanka Gaarisa oo qabtay hub iyo dadkii watay (Sawirro)

0
Wednesday August 26, 2015 - 12:09:22 in Wararka by
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka Gaarisa oo qabtay hub iyo dadkii watay (Sawirro)

    Ciidamada Ammaanka magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag iyo haween lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo lala soo qabtay hub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag iyo haween lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo lala soo qabtay hub. Madaxa Ammaanka ee Gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen hub isugu jiray bastoolado, bam gacmeedyo iyo sanaadiiq rasaas ah.

Waxaa uu sheegay in dadka la soo qabtay ay qaarkood ka soo jeedaan Tanzania, halka kuwa kalena ay Soomaali yihiin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadkan la soo qabtay iyo hubka ay wateen ay qorsheynayeen in weeraro ka geystaan gudaha magaalada Gaarisa.

Madaxa ammaanka Gaarisa ayaa sheegay in soo qabashada raggan ay ka dambeysay, kadib markii ay shacabka Gaarisa ka heleen xog ku aadan dadkan iyo hubka ay heysteen.


Al-Shabaab ayaa horay weeraro ugu geystay gobolka waqooyi bari Kenya, iyadoo bishii April ee sanadkan la weeraray Jaamacada Gaarisa oo lagu dilay dad ka badan 140 ruux oo arday u badnaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip