Siyaasadda ah:kala qaybi,kaddibna xukun,Soomaaliya keliya kuma socote,xataa carabta ayay ku socotaa, yaa ka dambeeya?

0
Thursday June 02, 2016 - 12:18:57 in Maqaallo by
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda ah:kala qaybi,kaddibna xukun,Soomaaliya keliya kuma socote,xataa carabta ayay ku socotaa, yaa ka dambeeya?

    Qaybtii hore waxaan kaga soo hadalnay sida loo jarjarayo carabta awooddooduna loo daciifinayo,sababtana ay tahay in carabta ay iska illoobaan ku mashquulidda Isra'el iyo qadiyadda Falastiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii hore waxaan kaga soo hadalnay sida loo jarjarayo carabta awooddooduna loo daciifinayo,sababtana ay tahay in carabta ay iska illoobaan ku mashquulidda Isra'el iyo qadiyadda Falastiin.
Qaybtan waxaan kaga hadleynaa sida loo kala jarjarayo Soomaaliya,waxaana la soconaa in laga soo bilaabo sannadkii 1884kii shirkii lagu qabtay Barliin loona fadhiyay sidii Afrika iyo Soomaaliyaba loo kala qaybsan lahaa,in lagu heshiiyay in Soomaaliya loo kala dhig dhigo shan qaybood oo muhiim ah,shantaasina waxay kala ahaayeen:Soomaalida NFD oo la raacsiiyay Kenya,Jabuuti oo la raacsiiyay Faransa,Soomaali galbeed oo la raacsiiyay Itoobiya, Konfurta Soomaaliya oo la raacsiiyay Talyaaniga iyo waqooyiga Soomaaliya oo la raacsiiyay Ingiriiska.

Intaa keliya laguma ekaysiinine waxaa la qorsheeyay sidii Soomaaliya looga fogeyn lahaa diinta islaamka,Taliyaaniguna wuxuu door weyn ka qaatay sidii looga hortegi lahaa barashada afka carabiga iyo diinta islaamka,wuxuu samaystay shakhsiyaat Soomaali ah oo danaystayaal ah oo arrintaasi u fuliya,waxaa laga hor-yimid qodob ku jiray ujeeddooyinka SYL oo ku baaqayay in la xoojiyo dastuurna laga dhigo diinta islaamka,lana xoojiyo barashada afka carabiga.

Soomaaliya markii ay xornimadii qaadatay sannadkii 1960kii waxaa is raacay labo gobol oo kala ahaa waqooyi iyo konfur,iyadoo ay sidaas tahay labadii dawladood ee rayidka ahaa ee middii Aden Cabdulle iyo middii Cabdurashiid wey ku guuldaraysteen in ay dalkana dhisaan dadkana ay dhisaan,waxay awoodi waayeen in ay dhisaan ciidan xoog leh oo awood u leh in ay soo celiyaan gobolladii Soomaaliya ka maqnaa,sannadkii 1969kii waxaa dalka ka curtay kacaan militeri ah,waxaana xoogaystay ciidankii dalka oo awood u lahaa in ay xoog ku keenaan gobolladii maqnaa,hayeeshe nasiib xumo arrinkaasi wey suuraggeli weyday.

Itoobiya waxay bilowday sidii ay u kala jebin lahayd ciidankii Soomaaliya,waxay heshay danaystayaal Soomaali ah oo qadiyaddii dalka ku beddashay danahooda gaar ahaaneed, danaystayaashaasi oo jeebkooda loo soo buuxiyay waxaa laga horkeenay kacaankii militeriga ahaa,dawladdii kacaanka ahayd tabardarro ayaa ku dhacay,markii danbana dagaal ayaa laguqaaday waxayna arrintii isku beddashay dagaal qabiileed,Itoobiyana waxaa u bilowday farxad iyo reyrreyn.

Shacabka Soomaaliya oo aaminsan in Itoobiya ay tahay cadowga Soomaaliya,ayaa Itoobiya olole weyn u gashay sidii Soomaaliya looga dhaadhicin lahaa in Itoobiya ay tahay saaxiibka Soomaaliya iskana illoobaan sheegashada Soomaali galbeed,shakhsiyaat Soomaali ah oo dantoodu ay tahay in ay jeebkooda buuxsadaan ayaa fikirkaasi Itoobiya wadatay u fuliyay, shacabkana ka dhaadhiciyay in Itoobiya ay tahay saaxiibka Soomaaliya,haseyeeshe shacabka Soomaaliyeed ee waddaniga ah ayaa arrinkaasi gaashaanka ku dhuftay,waxayna u istaageen in ay olole u galaan sidii shacabka loo tusi lahaa in Itoobiya ay doonayso in Soomaaliya ay kala qaybqaybiso kaddibna ay xukunto.

Qorshaha ay wataan Itoobiya iyo Kenya iyo Soomaalida u shaqeeysa waa in dawlad kasta oo ka dhalata Soomaaliya ay iska illowdo sheegashada dhulal ay ka haystaan Itoobiya iyo Kenya,si taa loo hirgeliyana waxay Itoobiya bilowday sidii loo kala furfuri lahaa danaystayaasha Soomaliyeed,waxaana loo keenay nidaam aysan u bislayn oo ah federal,kaasoo la macne ah in Soomaaliya ay isku maamuli karto habka loo yaqaano qabiilka, nidaamkaasoo la doonayo in Soomaaliya laga dhigo ummad aan la socon karin casrigan xadaaradna aysan lahayn,waa taa imminka aan arakno in qabiil kasta loo sameeyay maamul u gooni ah iyo madaxweyne u gaar ah iyo calan u gaar ah.

Maamul kasta oo ka jira Soomaaliya wuxuu madaxiisa ku xiran yahay Itoobiya,maamul socon karana ma jiro iyadoo aan Itoobiya raalli ka ahayn,la taliyeyaal Itoobiyaan ah ayaa maamul kasta ka jooga,u fiirso Soomaali land waxaa jooga la taliyeyaal Itoobiyaan ah sidoo kale ayay u joogaan Punt land,maamulada kalena sidaas oo kale ayay u joogaan.

Maanta gobollada ka jira Soomaaliya waxaa la gaarsiiyay heer ah in gobol kasta uu si gooni ah ula heshiiso Itoobiya,gobol kastana uusan wax shaqo ah ku lahayn dawlad ku sheegta ka jirta Soomaaliya oo iyadu qudheeda ay si gooni ah ula heshiiso Itoobiya.

Waa inoo markale iyo mowduuc kale hadduu Allah idmo

Maxamedeyn

Den Haag/Holland

xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip