Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ka geystay duleedka Muqdisho

0
Tuesday May 31, 2016 - 11:35:28 in Wararka by
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ka geystay duleedka Muqdisho

    Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa la soo sheegayaa inay xalay weerar xoogan ay ku qaadeen Difaaca ciidanka Nabad Suggida ay ku leeyihiin Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa la soo sheegayaa inay xalay weerar xoogan ay ku qaadeen Difaaca ciidanka Nabad Suggida ay ku leeyihiin Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo isa soo abaabulay inay si gaadmo ah u soo weerareen Ciidamada Dowladda, xilli ciidanka ay si nabadgelyo ah isaga joogeen.

Dadka deegaanka Siinka Dheer ayaa sheegay dagaalka inuu biloowday fiidkii xalay ku dhawaadna uu socday Saacad iyo bar oo dhawaqa rasaasta ay maqlayeen.

Ciidamada Nabad Suggida ee duleedka Siinka dheer ku sugan ayaa la soo sheegayaa in dagaalkaasi uu Khasaare ka soo gaaray, balse ma cadda inta uu la eeg yahay Khasaaraha.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay inay si adag isaga caabiyeen Shabaabka weerarka gaadmada ah ciidamada ku soo qaaday.

Inta badan Xoogaga Shabaab oo isa soo abaabula ayaa weeraro lama filaan ah ku qaada Difaacyada ciidamada ay ku leeyihiin duleedyada Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in Guulo ay ka gaareen dagaalkaasi

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip