Dagaal culus oo ka socda Agagaarka Magaalada Falluja oo Daacish ay ku sugan yihiin

0
Tuesday May 31, 2016 - 11:29:52 in Wararka by
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo ka socda Agagaarka Magaalada Falluja oo Daacish ay ku sugan yihiin

    Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero kala duwan ka helaya Xoogag Shiico ah iyo Xulufada Mareykanka , ayaa mar kale qaaday duulaan xoogan oo ka dhan ah Kooxda Daacish ee ku sugan Magaalada Falluja.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero kala duwan ka helaya Xoogag Shiico ah iyo Xulufada Mareykanka , ayaa mar kale qaaday duulaan xoogan oo ka dhan ah Kooxda Daacish ee ku sugan Magaalada Falluja.

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya dagaal xoogan inuu ka socdo agagaarka Magaalada Falluja oo ciidamada Ciraaq iyo Xoogaga Daacish ay si adag halkaasi ugu dagaalamayaan.

Ciidamada Ciraaq ayaa Magaalada waxa ay ka galeen dhanka Koonfureed, waxaana wararka ay sheegayaan inay gacanta ku dhigeen Xarun Boolis oo Daacish ay ku sugnaan jirtay.

Generaaal ka tirsan ciidamada oo lagu magacaabo Ali Al-Hamdaani ayaa sheegay in ciidankoodu ay jireen furamaha hore ee Kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa si xoogan u socda, waxaana cabsida ugu badan ay ka jirtaa Dadka rayidka ah ee kumanaanka ah ee Bartamaha Magaalada ku sugan inay waxyeelo kala duwan soo gaarto.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa qiyaas ka bixiyay tirada Xoogaga Daacish ee ku sugan Magaalada Falluja, waxaana ay sheegeen in qiyaastii ay gaarayaan 500 ilaa 700 oo Askari.

Ku dhawaan 50 kun oo qof ayaa ku xanniban imika gudaha magaalada, kuwaasoo aan imika haysan biyo, koronto iyo shidaal, sida ay sheegtay hay’adda NRC, oo ah hay’ad qaxootiga Norway.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip