Kooxo Hubeysan oo Muqdisho ku dilay Askari ka tirsan ciidanka Ilaalada deegaanka

0
Tuesday May 31, 2016 - 11:27:15 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan oo Muqdisho ku dilay Askari ka tirsan ciidanka Ilaalada deegaanka

    Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Munishiibiyo. Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay lagu magacaabayay Mustaf Xaaji Dhicisow, waxaana la dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Munishiibiyo. Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay lagu magacaabayay Mustaf Xaaji Dhicisow, waxaana la dilay isagoo ka soo baxay masaajid.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana mar dambe soo gaaray ciidamada ammaanka, kuwaasoo aan u suura gelin inay soo qabtaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Guddoomiyaha degmada Waabari Xaawo Kiin ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano, ayna ku raad-joogaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Ciidamada Ilaalada deegaanka ee Munishiibiyo ayaa ka howl gala degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo lacago canshuuro ah ka qaada goobaha ganacsiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip