Dowladda Kenya oo lacag badan ka heshay Amisom

0
Tuesday May 31, 2016 - 11:25:16 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo lacag badan ka heshay Amisom

    Dowladda Kenya oo qayb ka ah howlgalka Amisom ee Somaliya, ayaa dhaqaalo badan waxa ay ka heshay Amisom, iyadoo dhaqaalahaasi loogu talo galay in lagu suggo ammaanka dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya oo qayb ka ah howlgalka Amisom ee Somaliya, ayaa dhaqaalo badan waxa ay ka heshay Amisom, iyadoo dhaqaalahaasi loogu talo galay in lagu suggo ammaanka dalkaasi.

Lacagta Kenya la siiyay ayaa gaaraysa 4.2 Billion oo Lacagta dalka Kenya ah, xilli Kenya ay filaysay inay hesho dhaqaale intaasi ka badan oo howlgalka Amisom ugu deeqo.

Dhaqaalaha Kenya ay filaysay inay ka hesho Amisom ayaa gaaraya 6.4, balse Kenya waxa ay heshay 4.2 taasi oo ka yar intii ay filaysay.

Dagaalka ka socda dalka Somaliya ayaa darteed dowladda Kenya waxay sare u qaaday inay muhiimad gaar ah siiso amniga saddexdii sano ee la soo dhaafay waana iskuday ay ku dooneyso inay ka illaaliso xuduudeeda kooxaha islaamiyiinta ah laakiin waxaa muuqata in dagaalka Kenya ay kula jirto kooxaha islaamiyiinta ah uu ka dheeraaday intii ay qorsheysay ka badan taasoo keentay inuu saameyn ku yeesho dhaqaalaheeda.

Amisom waa hawlgal nabad ilaalin oo ka ka socda Midowga Afrika un jooga Somaliya sidii ay u xasilin lahaayeen waxaana howlgalku masuuliyad iska saaray inuu ka caawiyo Kenya dagaalka ka dhanka ah Shabaab lana siiyo miisaaniyad ay ku hawlgasho.

Kenya ayaa ciidamo badan waxaa looga dilay gudaha dalka Somaliya, halka ay jiraan kuwa kale oo badan oo dhaawacyo u jiifa Isbitaalo ku yaal dalkaasi.

Khasaarihii ugu badnaa ee howlgalka Amisom ka soo gaara Dowladda Kenya ayaa wuxuu ahaa weerarkii Shabaabka ay ku qaadeen Xeradii Kenyanka ay ku lahaayeen Degmada Ceel cadde ee Gobolka Gedo oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo dagaalyahano.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip