Ciidamadda Talyaaniga oo xabsiga dhigay labo nin dadka Tahriibin jiray

0
Tuesday May 31, 2016 - 11:21:18 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Talyaaniga oo xabsiga dhigay labo nin dadka Tahriibin jiray

    Ciidamadda Badda Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay inay dadka Tahriibin jireen, iyadoo labada nin ay naaquude ka ahaayeen Doon ku degtay agagaarka Xeebha Sichilia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Badda Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay inay dadka Tahriibin jireen, iyadoo labada nin ay naaquude ka ahaayeen Doon ku degtay agagaarka Xeebha Sichilia.

Sida ay xaqiijinayaan Warbaahinta Talyaaniga labada nin ayaa laga dhex qabtay 630 ruux oo Ciidamadda Badda Talyaaniga ay bad baadiyeen, waxaana la dhigay xabsi ku yaalla Jaziirada Sichilia.

Ciidamadda Talyaaniga ayaa dhowaan qabtay kooxo magafayaal ah oo dadka Tahriibin jiray, kuwaasoo lagu qabtay meelo ka mid ah Talyaaniga.

Todobaadkan ayaa waxaa kordhay tirada dadka Tahriibayaasha ee doonyaha ka soo raacayay Xeebaha Libiya.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in illaa 700 Tahriibayaal ah ay todobaadkii hore ku dhinteen Badda Mediterranean-ka, kuwaasoo doonyo ay la socdeen ku degtay Badda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip